Jaaliyadda Beesha H/gidir ee UK oo baaq ka soo saaray xaala

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Jaaliyadda Beesha H/gidir ee UK oo baaq ka soo saaray xaala

Post by Hiiraan boy »

Waxaa dhowaan lagu soo gabagabeeye Shir ay waxgaradka Beesha Habargidir ee London soo qabanqaabisay laguna qiimeeynayo xaaladda iyo marxaladda adag ee uu dalku ku jiro.

Shirka waxa lagu guddoonsaday in maanta loo baahan yahay dib u kabid midnimada Habargidir; isla markaasna lees cafiyo lana adkeeyo wada jirka iyo iskaaashiga beesha, iyo in ay Beeshu nabad iyo deris wanaag kula dhaqanto beelaha kale ee Soomaaliyeed; meel kasta oo ay joogaan, lana xaajooto, wixii gaf ah oo horay u dhacayna ka raali geliso..

Waxaa nasiib darro ah in maanta dalkeena la haysto, si bareer ahna loogu soo duulay
oo ay quwado shisheeyey ka taliyaan mansabkeena, lana doonayo in magaca “Soomaaliya” laga tirtiro qariidada adduunka. Waxaa haddaba ku waajib ah qof kasta oo Soomaaliah, kana danqanaya darxumadda umaddeena ku habsatay, in uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa cadawga, loona soo celin lahaa xornimada iyo madax bannanidda dalkeena hooyo, loona daayo in ay Ummadda Soomaaliyeed ka tashato aayaheeda.

Dowladaha deriska ahna ka daayaan faragellinta qaawan oo ay ku hayaan Ummadda
Soomaaliyeed. Guddigu wuxuu cambaareynayaa Madaafiicda ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawladdu ku garaacayn laguna bartilmaameestay xaafadaha dadka rayidka ah, Isbitaalada,iskoolada, malcamadaha Quraanka, Masaajiyada iyo suuqyada ganacsiga.
Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in baaritaan caalami ah lagu sameeyo tacadigii iyo meel
ka dhacii loo geystay umadda ku nool Muqdisho, ayagoo laga hor istaagay, in dadkii
dhaawaca ahaa la gaarsiiyo Isbitaalada iyo ayadoo loo diiday Hey'adaha Q.M. in ay
gaargaar gaarsiiyaan dadkii barakacay ee daadsanaa wadooyinka daafaha Magaalada,
taas oo xadgudub ku ah Sharciyada Caalamiga ah iyo arrimaha xuquuqul insaanka.

Guddigu wuxuu ka dalbayaa dowladaha iyo Hay’adaha caalamiga, in ay umadda
Soomaaliyeed u fidiyaan gargaar wax ku ool ah; gacanna ka geysataan Shir dib u heshiisiin lagu dhisayo dawlad ay umaddu u wada dhan tahay, sidaasna lagu badbaadiyo midnimada iyo sharafta dalkeena. Shirwaynahaasna ay ka wada qaybgalayaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo jiritaanka iyo Qaranimada Soomaaliyeed, beesha caalamkuna ay taageerto midnimadda iyo jiritaanka Soomaaliya, loona helo mandaqad nabad ah.

Soomaaliya waa in ay ilaaliso sharafteeda iyo wadajirkeeda, meelna uga soo wada
jeesato cadawga dalkooda ku soo duulay kana fogaadaan qabyaalada iyo eex iyo in la
kala qaybqeybiyo.

Beeshu waxay howlahaas u xilsaaratay Guddi Dhexe oo ka kooban 30 xubnood (25 rag ah iyo 5 haween ah), oo si siman uga kala imaanaya 5ta beelood ee Habargidir (Maxamuud iyo Madarkicis Hiraab).

Guddigu wuxuu hawlahaas u doortay ugana mas’uul ah arrimaha Beesha, Guddi Fulin oo
kala ah:
1. Maxamed Axmed Caalim - Gudoomiyaha.Guddiga fulinta
2. Dr. Xasan Cabdi Xayle - Xubin
3. Cabdullaahi Jaamac Shire - “
4. Avv. Cabdiraxman Sheikh Cali - “
5. Abdalla Mohamed Ali - “
Guddigu wuxuu u doortay Guddoomiyaha Guddiga Dhexe ee Habargidir [Maxamud iyo
Madarkicis Hiraab] ee UK - Sheikh Bashir Salaad Yusuf (Dhoolayare).
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”