Ciidamo ka tirsan kuwa Col. Afguduud oo lagu eedeeyey iney d
Posted: Sun May 06, 2007 3:45 am
Ciidamo ka tirsan kuwa Col. Afguduud oo lagu eedeeyey iney duleedka Kismaayo ka qafaasheen wiil asalkiisu ka soo jeedo Falastiini
Wararka naga gaaraya tuulada Buulo guduud oo ku taala duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwii dhowaan laga saaray magaalada Kismaayo oo ay horkacayeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed Col. C/risaaq Afguduud ay gaari deegaankaasi marayey oo ku sii jeeday tuulada Goobweyn ka afduubteen wiil Soomaali ah oo asalkiisu ka soo jeedo dalka falastiin.
Wiilkan oo lagu magacaabo Samiir Ibraahim Xasan ayaa xiliggii la qafaalanayey ka yimid degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, isagoo ku soo jeeday deegaanka Goobweyn oo ay ku nool yihiin qoyskiisa sida uu sheegay aabaha dhalay wiilkaasi oo lagu magacaabo ibraahim Xasan isagoo ku sugan isla tuuladaasi Goobweyn, wuxuuna Aabe Ibraahim Xasan Sheegay in wiilkiisa ay afduubka kula kaceen qaar ka mid ah ciidamadii dhowaan laga saaray magaalada Kismaayo ee fariisinkoodu yahay tuulada Buulo guduud, isagoo tibaaxay in warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan waxa loo heysto wiilkiisa oo uu tilmaamay in wararka qaar ee soo gaaraya isaga ay sheegayaan in loo heysto inuu yahay argagaxiso, halka dadka kale oo uu xusay iney telefoono u soo direena ay ku war geliyeen in wiilkiisa loo heysto lacag madax furasho ah.
“Anagu waxaanu nahay qoys asalkiisu ka soo jeedo Falastiini, waxaan ka soo qaxnay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, willkaasna hadda la qafaashayna waan kala lunay, markii aan nimid Goobweyn ayuu nala soo xiriiray, waxaana ku wargelinay inaan joogno Goobweyn waxaana la qafaashay isagoo xageena ku soo jeeda, waxaanu nahay dad masaakiin ah oo aan waxba heysan, argagaxisana wax shaqo ah kuma lihin†ayuu yiri aabaha dhalay wiilkaasi la qafaashay oo lagu magacaabo Xasan Ibraahim oo ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya iney u howl gasho sidii loo sii deyn lahaa wiilkiisa.