rasaas uu furay Askari ka tirsan DF oo dad ay ku dhinteen.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

rasaas uu furay Askari ka tirsan DF oo dad ay ku dhinteen.

Post by Hiiraan boy »

Afgooye: rasaas uu furay Askari ka tirsan DF oo dad ay ku dhinteen.

Afgooye, Axad, May 6, 2007 Simba Radio

Askari kamid ah ciidamada Militariga Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa maanta rasaas uu furay waxaa ku dhintay saddex qof halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Askarigaan ayaa rasaasta ku furay goob ay dadweyne aad u fara badan iskugu yimaadeen oo ku taala degmada Afgooye halkaaso raashin lagu qeybinayay.

Askarigaan riday rasaarta maanta sababtay qasaarooyinka iskugu jira dhaawaca iyo dhimashada dadka rayidka ah ayaa la sheegay inuu kamid ahaa ciidamado la geeyay goobta deeqda laga bixinayay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Idaacada Simba u sheegay in dadkii maanta geeriyooday ay ahaayeen dad loo qeybinayay deeqdaasi, waxuuna magacyada saddexda ruux ee dhimatay ku sheegay Max'ed Cali, Macalin Caseey iyo Cabdilaahi Max'ed Nuuroow.

Idaacada Simba ayaa xiriir la sameysay Col. Cabdilaahi Cabdi Axmed oo watay ciidamadii ilaalada ka ahaa goobta deeqda lagu bixinayay, isagoo difaacay qaabka uu Askarigaasi dadka ku dilay.

Col. Cabdilaahi Cabdi ayaa sheegay in dhibkaasi uu dhacay kadib markii kooxo dhalinyaro ah ay isku dayeen inay boobaan deeqdaasi kadibna uu askariga rasaasta furay.

Si kastaba, markii ay arrintaan dhacday ayaa gabi ahaanba waxaa la joojiyay deeqdii la siinayay dadweynaha dhibaateysan ee degmada Afgooye ku dhaqan.
User avatar
eyes-only
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5652
Joined: Sun Apr 30, 2006 2:30 pm
Location: ** Xamar-Caddey**

Re: rasaas uu furay Askari ka tirsan DF oo dad ay ku dhinteen.

Post by eyes-only »

waa moroyaan, they shouldn't be called askar
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”