BREAKING NEWS HAWIYE TFG TALKS GET BROKEN
Posted: Sun May 06, 2007 9:27 am
Fashil ku yimid wadahadaladii ka socdey Muqdisho
6 May 6, 2007 - 5:43:38 AM
Wada hadalladii lagu waday inay dhex maraan dowladda KMG ah ee Somalia iyo Odayaasha kooxihii la dagaaamey DFKMG ah ayaa fashilmay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Fashilka wada hadallada ayaa waxaa la sheegay inay sabab u ahayd caga jiid ka socda dhinaca Dowladda oo la sheegay inay diidan tahay wada xaajood ay la gasho odayaashan.
Qaar ka mid ah odayaasha oo diiday in magacyadooda la shaaciyay ayaa sheegay in caga jiidka uu ka socda dhinaca ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi, oo diidan sida ay yiraahdeen inuu wada hadallo la furo odayaasha kooxihii dagaalada la galey xukuumadiisa..
Shalay ayaa waxaa baaqday kullan lagu waday inuu dhaco, kaasi oo sidoo kale ka dambeyay kullan isna aan qabsoomin oo lagu waday inuu dhacao maalintii khamiista ahayd, kaasi oo u baaqday markii ay iman waayeen odayaashaan.
Kullanka ayaa noqon lahaa kii labaad oo dhex mara labada dhinac, ayada kii ugu horeeyay ay dhinacyada ku heshiiyeen in wadahadalda la sii wado.
Cabdi Fatax Axmad,GO