





Deegaano ku dhow deegaanka Guri Ceel oo ka tirsan gobolka Gal-gaduud waxaa ka soconaya dagaalo u dhaxeeya labo beelood oo halkaasi wada degan, iyada oo ay soconayaan dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka.
Wararka aan ka helayno Degmada Guri-ceel ee Gobolka G/guduud ayaa waxay sheegayaan in dagaalladaas ay u dhexeeyaan beelaha Cayr iyo Duduble ayna yihiin dagaallo aad u qaraar oo aan illaa iyo hadda wax xal ah laga gaarin.
Cuqaasha iyo waxgaradka labadaas beelood ka soo jeeda oo la sheegay inay wadeen waanwaanno lagu daminayo colaadda ayaanay weli wax natiijo ah ka gaarin waawaantoodiid, waxay sheegeen inay sii wadayaan waawaanta.
Dagaalladaan oo si xowli ah uga socda deegaannadaas ayaa waxay wararku sheegayaan inay daba socdaan nin la dilay bishii Marso ee sanadkaan oo qori laga qaatay, waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in utintaas ay soo labaysay iyadoo ay isku qabteen labada beelood ceel biyood iyo dhul daaqin ah oo ay labada dhinac midba dhankeeda u sheeganayso.
Guri-ceel ayaa waxaa la sheegayaa inay weli ka socdaan dadaallo lagu doonayo in la qaboojiyo dagaallada laguna dhameeyo nabad wax walba oo halkaas ka dhacay, balse taasi ma muuqato illaa iyo hadda wax miro ah oo ay dhashay.