Jaamac Cali Jaamac - former Puntland President and Ex-TFG Xildhibaan
Jaamac Cali Jaamac: Waan la dirireynaa gumeysiga dalka haysta iyo daba dhilifyada
Warkii 04-May-2007 iyo Qormadii: afnugaal.com
Khamiis, 03 May 2007 - Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida aadka ah uga soo horjeeda qorshaha Soomaaliya gacanta loogu geliyay dowladda cadowga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in aaney marnaba Soomaalidu is dhiibi doonin, balse ka dhiidhin doonto gumeysiga dul degay ee Itoobiya.
Jaamac Cali Jaamac oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Mbagathi ee lagu soo dhisay dalka Kenya ayaa ayaan darro ku tilmaamay in rag mas'uuliyiin sheeganaya isla markaana Soomaalinimo sheeganaya ay dalka kusoo hoggaamiyaan, gacantana u geliyaan cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya.
Xildhibaan Jaamac oo wareysi siiyay idaacad laga dhageysto magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Soomaalidu la dagaalami doonto gumeystaha Itoobiya, illaa dalka ka xoroobayo. "Waan la dagaallameynaa gumeysiga dalka haysta iyo daba dhilifyada" ayuu yiri mudane Jaamac Cali Jaamac.
Mudanaha ayaa dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ku tilmaamay xasuuq ula kac ah oo loo geystay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in muwaadiniin uu isagu kamid yahay ay wadaan dadaallo dacwad lagu soo oogayo dagaal oogayaashii xasuuqa ka geystay magaalada Muqdisho.
Jaamac Cali Jaamac ayaa haatan ku sugan magaalada London ee caasimada dalka Britain.
info@afnugaal.com
http://www.afnugaal.com/warka.php?num=2 ... 04b6168681
Former P/Land President: Fight the occupier & daba-dhilifyad
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1530 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 2 Replies
- 823 Views
-
Last post by Publicopinion
-
- 2 Replies
- 312 Views
-
Last post by R.I.P Kiyan
-
- 41 Replies
- 1969 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 34 Replies
- 1755 Views
-
Last post by Gamadid.
-
- 2 Replies
- 522 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 27 Replies
- 1795 Views
-
Last post by Bermooda
-
- 5 Replies
- 932 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 4 Replies
- 619 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero