Ciidamo ku dhisan hab beeleed oo maanta ka howl-galaya magaa

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Ciidamo ku dhisan hab beeleed oo maanta ka howl-galaya magaa

Post by Hiiraan boy »

Ciidamo ku dhisan hab beeleed oo maanta ka howl-galaya magaalada Kismaayo


Mogadishu - 07-may-2007-Allceeldheer.com Ciidamo gaar ah oo ay soo diyaariyeen odayaasha Beesha Sade ayaa lagu wadaa in ay ka howl-galaan gudaha magaalada Kismaayo galinka dambe ee maanta, xilli amaanka magaaladaasi uu sii xumaanayay maalmihii la soo dhaafay sida ay sheegeen idaacadaha magaaladaasi.


Iyadoo xaaladda amaan ee magaalada Kismaayo ay sii xumaaneyso ayaa waxaa soconaya dadaalo ay wadaan odayaal ka soo jeeda beesha Sade oo lagu doonayo in lagu xakameeyo amaanka magaalada Kismaayo oo dhowaan dagaalo ay ka dhaceen.

Ciidamadaan lagu wado in ay ka howl-galaan magaalada galinka dambe ee maanta ayaa wax ka qaban doono isbarbaryaaca ay wadaan kooxo maleeshiyooyin ah oo dil iyo dhac ka wada magaaladaasi.

Tan iyo markii magaalada Kismaayo laga saaray ciidamadii dowladda ee ka soo jeeday Puntland ayaa waxa ay noqotey xaaladda amaan ee magaaladaasi mid aad u xun.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”