Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Odayaasha Beesha Hawiye
Warkii 07-May-2007 iyo Qormadii: faytin yare
Kulankii maalintii shalay dhex maray madaxweynaha dowlada KMG ah col,c/laahi yuusuf iyo odayaasha beesha hawiye ayaa dhaliyey khilaaf soo kala dhex galay odayaasha beeshaas .
Guddoomiyaha golaha guurtida beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa sheegay in kulankii maalintii shalay ka dhacay xarunta madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu ahaa mid aan loo dhameyn oo ay ka maqnaayeen xubno muhiim ah oo isagu uu ka mid yahay, wuxuuna sidoo kale sheegay in kulankaasi looga been abuurtay isaga ka dib markii sida uu sheegay loo geeyey madaxweynaha qoraal uu isagu ku saxiixan yahay oo aan waxba ka jirin.
Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa intaa ku daray in sababta keentay in kulankaasi uu ka baaqsado ay ka dhalatay markii sida uu sheegay la diiday talo uu isagu soo jeediyey oo aheyd in la qanciyo Hawiye kale oo uu hogaaminayey Dr. Xuseen Xaaji Bood oo doonayey iney kala qeyb galaan kulanka lala yeelanayo dowlada federaalka, kuwaasoo uu sheegay iney codsaadeen in wax laga bedelo qoraal ay diyaariyeen beelaha Hawiye oo loo geyn lahaa dowladda federaalka Soomaaliya
“Hawiye waa weyn yahay anaga keligeen maaha, waa qabiil balaaran , waxaan anigu qabaa talada Hawiye inaan keligeen isku koobin ee walaalaheena kalena laga qeyb geliyo, waxa ay doonayaana ha laga qanciyo hase ahaatee wey diideen waxayna la carareen qoraalkii oo ay ula tageen madaxweynaha , markii la yiri xaajiga aawayna wey igu been abuurteen waxayna yiraahdeen waa jiran yahay, anigoo aan jiraneyn†ayuu yiri Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo intaa ku daray in ujeedadii loo dagaalamay ay aheyd in dadka xaqooda loo soo dhiciyo oo hase ahaatee aysan aheyn in mashruuc la abuurto.
Sidoo kale afhayenka beesha hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa isna mar arintaasi wax laga weydiiyey sheegay in uusan ka war qabin khilaaf soo kala dhex galay odayaasha beelaha Hawiye “Xaaji Cabdi Iimaan waxaa la iigu sheegay markii aan baxeynay inuu xanuunsan yahay, horeyna dhowr jeer kulamo muhiim ah sidan oo kale waa uga maqnaan jiray oo waa ku naqiinay, inuu caro nooga maqnaana markii uu shirkii soo dhamaaday ayaan saxaafada ka maqalanay, haddana anagaa iska arkeyna, eedeeynta uu noo soo jeediyey ee ah inaan Hawiye kale oo Dr. bood u hogaaminayey diidneyna anigu ma ogi, waa noo yimaadeen raggaas waa soo dhoweynay, waxaan tusnay qoraal aan diyaarinay oo aan dooneynay inaan ula tagno dowladda, waxayna na yiraahdeen qoraalkiina geysta ka dibna aan isu imaano sidaa ayaana isku ogeyn marka saaxiibkeen Xaaji Cabdi ma aqaan waxa uu qoonsadsay qoraal aan diyaarinay oo isagu uu horey u saxiixay ayaana u geynay madaxweynaha, wax kaloo dhibaato ahna ma jiraan†ayuu yiri Axmed Diiriye oo intaa ku daray inuusan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay odyaasha beesha Hawiye, haddii ay arintan dhacdayna waa caadi oo waa iska xalismi doontaa ayuu yiri nabadoonku.
Si kastaba ha ahaatee khilaafkan soo kala dhex galay odayaasha beesha hawiye ayaa kusoo beegmaya xili ay dhegta loo taagayo waxii kasoo baxa kulanka iyaga iyo madaxweynaha dowlada oo uu garab taagan yahay gen,gabra ,taasina ay walaac kale ku abuurayso shacabka daalan ee qaxa iyo barakacu ku dhacay .
Yaasiin maxamed cali (fayin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
info@afnugaal.com
Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Odayaasha Beesha Hawiye
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- Madmadoobe
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1892
- Joined: Fri Apr 06, 2007 1:10 am
Re: Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Odayaasha Beesha Hawiye
Hiiraan boy, horta adiga saxxib who pays you for reporting all these news, lol. Everytime besha hawiye iyo abdilahi yusuf uun baa ka shekeysaa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 553 Views
-
Last post by Lester_Girl
-
- 0 Replies
- 404 Views
-
Last post by dhuudhuu
-
- 4 Replies
- 9105 Views
-
Last post by Lionheart10
-
- 61 Replies
- 3147 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 7 Replies
- 1158 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 0 Replies
- 639 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 982 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 5 Replies
- 928 Views
-
Last post by paperino