Page 1 of 1

Xawaaladda Dahabshiil Oo Xarun Lagu Kaydiyo Dhiiga Ka......

Posted: Mon May 07, 2007 11:28 am
by Adan_1
Xawaaladda Dahabshiil Oo Xarun Lagu Kaydiyo Dhiiga Ka Hirgalinaysa Boosaaso

Boosaaso(jidbaale.com):-Sharkadda xawilaada ee Dahabshiil ayaa ugu deeqday cisbitaalka magaalada Bosaso qayb dhiiga lagu kaydin doono oo uu yeeshay cisbitaalka magaalada bosaso (Blood Bank), halkaasoo uu saakay dhagax dhigay madaxweyne k/xigeenka Puntlan Xasan Afqurac.



Sidoo kale masuuliyiintii halkaasi ka muuqatay waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka bari iyo Laytaliyaha madaxweynaha ee dhinaca arimaha bulshada.

Qaybta dhiiga lagu kaydinayo ee isbitaalka magaalada bosaso oo ay ku deeqday shirkada dahabshiil waxaa maanta dhagax dhigay madaxweyne kuxigeenka maamul goboleedka puntland mar uu munaasabadaas dhagax dhigida ka hadlayeyna hadaladiisii waxa uu si weyn uga mahad celiyey shirkada dahabshiil waxqabadkeeda wanaagsan waxa uuna ku booriyey shirkadaha kale iney ku deydaan shirkada dahabshiil.

Dhamaan masuuliyiintii kulankaas ka soo qaybgalay ayaa isku raacay muhimada ay leedahay in shirkad kasta ay samayso sida ay samaysay sharikada dahabshiil .

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay shirkada dahabshiil ay wax u qabato isbitaalka magaalada bosaso waxayna horay u dayactirtay darbiga ku wareegsan cisbitaalka guud ee magaalad bosaso.

Re: Xawaaladda Dahabshiil Oo Xarun Lagu Kaydiyo Dhiiga Ka......

Posted: Mon May 07, 2007 11:31 am
by LiQaaye_TDH
Dahabshiil benefits from reer Puntland so much money, so why not give them something in return.....