Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa u magacaabay gobolk
Posted: Tue May 08, 2007 4:34 am
Jawhar:-Maamulkii gobolka Shabellaha dhexe loo magacaabay balse Maxamed Dheere uu ka soo eryay magaalada Jowhar ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejinayaa maamulka gobolka kadib markii hogaamiye Maxamed Dheere loo magacaabay Maamulka gobolka Banaadir.
Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa u magacaabay gobolka Shabellaha dhexe maamul uu guddoomiye ka yahay nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Deele kaasoo markii uu tagay magaalada Jowhar uu soo ceyriyey Maxamed Dheere oo xiligaasi xurguf ay kala dhaxeysay DFKM.
Maxamed Dheere ayaa u ambabaxay magaalada Jowhar si uu uga qeyb galo xaflad xil wareejinta ee lagu qabanayo magaalada Jowhar taasoo maamulka cusub ee xilka kula wareegayo, waxaana magaalada Jowhar ka socda diyaar garow loogu jiro caleemo saarka maamulka cusub ee gobolka Shabellaha dhexe.
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu soo daadiyay Maleeshiyaadkii Maxamed Dheere si ay u sugaan ammaanka masuuliyiinta ka qeyb galaysa xaflada caleemo saarka oo ka dhaceysa xarunta maamulka gobolka Shabellaha