Cumar: 1dii Maarso 1971-kii ayaan ku biiray Naadigii Munishiibiyo oo waxaan ka mid ahaa dhallinyaradii laguaasaasay.
|
Kuwa taagan Bidix: Tababare Sacad, Yuusufey, Cumar Ringo, Sarxaan Dheere, Daahir eerboorto (Allaha u Naxariisto) iyo Axmed Sheelaro. Kuwa Fadhiya Bidix: Joon, Axmadey(Allaha u naxariisto), Faarax Kaynaan(Allaha u naxariisto)iyo Cali Cusmaan.
Shiikha: Intii aad u safnayd naadiga Munishiibiyo wax guulo ah ma gaarteen?
Cumar:Guulo faro badan ayaan gaarnay oo aan ka xusi karo:
1971-kii Naadiga Munishiibiyo Kaalinta 1aad ee koobkii Jeneraal Daa,uud
1972-kii Naadiga Munishiibiyo Kaalinta 1aad ee koobkii jeneraal Daa\'uud
Horyaalkana inta badan waxaan ku guulaysanaynay kaalinta 2aad. Waxaa kale oo jiray koobab faro badan oo munaasabado ahaa oo ay kooxdu ku guulaysatay.
Shiikha: Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka qaran ee kubbadda koleyga Soomaaliyeed?
Cumar: 1970 kii ayaan ku biiray, waxaana ka mid ahaa ilaa 1975kii.
Shiikha: Ma ka qayb-gashay Tartamo Caalami ah? Wax guulo ahse ma gaareen kooxdii qaranka Soomaaliyeed oo aad ka mid ahayd?
Cumar: Waxaan ka qayb-galay tartamo faro badan oo caalami ah oo aan ka Xusuusto:
1970-kii Tartankii ciyaaraha ee All African Games oo ka dhacay Masar.
1973-kii Mar labaad tartankii ciyaaraha all African games oo ka dhacay Masar.
1973-kii Ciyaaro ka dhacay Afrikada dhexe ( Central Africa)
1974-kii Ciyaaro saaxiibtinimo oo ka dhacay China.
Xaqiiqdii wax koob ah kuma guulaysan , waxaase goobahaasi aan ka ciyaarnay aan ka muujinay farsamo ciyaareed oo heerkeedu sarreeyay taasoo keentay in dhawr jeer nala guddoonsiiyo koobab ciyaar wanaag ah.
Shiikha: Kooxihii aad la ciyaartay ciyaaraha caalamiga ah wax ma ka xusi kartaa?
Cumar: waxaa ka mid ahaa;Masar, Senegaal, Tunisia, Central Africa, Ivory Coast, Togo, Tanzania, China, Dhawr kooxood oo ka socday dawladdii burburtay ee Ruushka(USSR) iyo kooxo faro badan oo ka socday Maraykanka.
Shiikha: Kooxaha Maraykanka iyo kuwa Ruushka ee dalkeena imaanayay sidee bay ahayd awooddooda ciyaareed waqtigaasi marka aad u bar-bardhigto Awoodda Kooxaheennii jiray waagaasi?
Cumar: Runtii ma xumayn oo waxaan la samayn jirnay ciyaaro saaxiibtinimo, tan kale waxaan oran karaa aad bay u heer sarreysay awoodda kooxaheenna oo si wax looga ogaado arrintaasi waxaa dalka Soomaaliya loo soo diray Rag caan ku ahaa kubbadda koleyga Adduunka oo ka mid ahaa kooxda LA.Lakers sida: Kariim Cabduljabar, Oskar iyo tababarihii kooxda Lakers, aad bayna u ammaaneen awoodda kooxaheenna iyo ciyaartooydeenaba,waxaana ay na siiyeen tababar muddadii ay dalka joogeen.
Shiikha: Ciyaaryahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan marka aad u ciyaaraysay kooxdaada Munishiibiyo iyo xulka qarankaba?
Cumar: Ciyaaryahannada aan aadka u jeclaa markaan u ciyaarayey naadiga Munishiibiyo waxaa ka mid ahaa: Sarxaan Dheere, Cali Cusmaan, Fu\'aad Fujuu iyo Axmed Sheelaro. Xulka Qarankana waxaan ka xusi karaa: Axmed Xaaji, Saciid Qorsheel, Gees, iyo Cali Faarax.
|
Shiikha: Waxaa ii muuqata inaad waqtiyo isku mid ah ama isku dhaw aad ciyaartay ciyaarihii dugsiyada, ciyaarihii heerka 1aad ee naadiyada iyo ciyaarihii qarankaba, haddaba miyuusan jirin waqtigaasi sharci kala hagaya ciyaartooyda?
Cumar: Waa runtaa inaan ciyaarahaasi giddigoodba ciyaarayay iyadoo ay ila qabeen dhammaanba ciyaaryahannada kale oo dhan. Ciyaartooygu waqtigaasi waxaa uu xor u ahaa inuu u ciyaaro dugsiga uu dhigto, inuu ka ciyaaro heerka 1aad ee naadiyada haddii loo qaato, xulka qarankana uu ka mid noqdo haddii uu awood u leeyahay oo loo xulo, markaasi waxaan oran karaa ma jirin sharci xaddidaya dhaqdhaqaaqa ciyaartooyda .
.
Shiikha: Tababarayaashii ku soo layliyay kubbadda koleyga yaad ka xusi kartaa?
Cumar: waxaa ka mid ahaa: Aadan Xirsi "Adaamo", Ibraahim Muudey (Allha u Naxariisto), Jack Swan iyo Herbert Tobiyos oo labaduba ahaa macallimiin Maraykan ah gaar ahaan Tobiyos oo muddo dheer joogay Soomaaliya iyo Muxsin oo isagu ahaa tababare u dhashay Masaarida.
Shiikha: Wax ma iiga sheegi kartaa Muddadii aad ku dhex jirtay ciyaaraha waxyaabihii kuugu farxadda badnaa ama kuugu naxdin badnaa oo aad la kulantay?
Cumar: Waxaa iigu farxad badnayd markii la ii magacaabay Xulka qaranka ee qaaradda Afrika sannadku markuu ahaa 1974-kii aniga iyo labo ciyaartooy kale oo Soomaaliyeed oo kala ahaa: Gees iyo Sarxaan Dheere. Xulka qaaradda Afrika markaasi waxaa loo diyaarinayay inay ka qayb-galaan ciyaaraha Olimbikada adduunka oo waxay tababar ku qaadanayeen Abidijaan oo ahayd caasimadda Ivory Coast, waxayna ahayd darajada ugu sarreysa ee uu ciyaartooygu gaaro. Nasiib xumo farxaddaydii naxdin ayay isu badashay markii tikidhadii ay bixin waysay dawladdii Soomaaliyeed sidaasina aan uga harnay ka qayb-galkii ciyaarahii Olimbikada ee Dunida.
Shiikha: Ma jireen Cumar ciyaaro kale oo aan ahayn kubbadda koleyga oo aad u safatay?
Cumar: Waa ay jireen waxaana ka mid ahaa Dabaasha oo aan ka gaaray heer qaran iyo Feerka.
Shiikha: Ciyaarha dabaasha iyo feerka wax guulo ah ma ka gaartay?
Cumar: 1975kii oo ahayd markii ugu horreysay oo aan ka qayb-galo tartankii dabaasha waxaan ku guulaystay kaalinta 1aad aniga oo markaasi sameeyay rikoor cusub, waxaana la ii magacaabay isla waqtigaasi Xulka qaranka ee dabaasha waxana ciyaaro saaxiibtinimo ah u aaday dalka China . Dhanka Feerka isagu saddex ciyaarood oo rasmi ah ayaan ciyaaray oo aan ku guulaystay hase yeeshee ma sii wadin oo waalidkayga ayaa ii diiday. Waxaa xusid mudan in naanaysta "Ringo" ay halkaasi iiga baxday.
Shiikha: Bal waxaad tafaasiil gaaban naga siisaa goorta aad u wareegtay Tababaranimada? Kooxihii aad laylisay? Iyo guulihii ay gaareen kooxihii aad gacanta ku qabatay?
Cumar: Mararka qaarkood waxaa dhici jirtay aniga oo ciyaartooy ahaa inaan misna koox tababare u ahaa, hase yeeshee 1976-dii ayaan toos uga fariistay ciyaaraha oo aan u wareegay dhanka tababaranimada. Marka aan isku soo duubo meertadaydii tababaranimada sidan ayey ahayd:
1973-kii Tababare xulka gabdhaha gobolka banaadir Kaalinta 1aad.
1971-1972-kii Tababare isla kooxdii aan ka tirsanaa ee Dawladda Hoose "Munishiibiyo".
1979-kii Wiilasha Wakaaladda Ganacsiga Ummadda " E.N.G" Kaalinta 2aad Jeneraal Daa\'uud.
1983-kii Wiilasha Naadiga Wagad Kaalinta 3aad ee Jeneraal Daa,uud.
Shiikha: Sidee buu ahaa maamulkii isboortiga Soomaliyeed guud ahaan?
Cumar:Waxaan oran karaa maamulkii Isboortiga Soomaaliyeed marka laga soo bilaabo 1971-kii ilaa 1974-kii aad buu u liitay, waxyaabo badanna waa ay qaldanaayeen oo Isboortigu ma ahayn mid madaxbannaan oo waxaa soo magacaabi jirtay Dawladda, aad bayna ugu yaraayeen dadka aqoonta leh. Waxaan si aad ah u xusayaa ninkii lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Baarajab oo ahaa guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Koleyga "Federezione Somalo Di Balla Channestro" oo isagu ka mid ahaa aasaasayaashii kubbadda koleyga wax wayna ka soo qabtay.
Shiikha: Waxyaabihii aad qaladka u arkeysay maxaa ka mid ahaa?
Cumar: way faro badnaayeen waxaana ka mid ahaa:
1) Maamulka Isboortiga oo aan madax bannaaneyn.
2) Dadka aqoonta u lahaa isboortiga oo aan badnayn, loomana oggolayn shaqsiyaadka aqoonta fiican lahaa inay jagooyin fiican ka qabtaan wasaaradda Isboortiga.
3) Garoomada ciyaaraha caalamiga ah ama garoomada tartamada lagu ciyaaro oo yaraa, mana jirin waqtigaasi qorsho lagu ballaarinayo garoomadaasi yar-yaraa.
4) Aqoonta tababarayaasha oo liidatay in yar mooyaane, looma oggolayn inta badan tababarayaasheena in loo diro koorosyada caalamiga ah, haddey dhacdana toddobaad kama badnayn, taasina ma ahayn mid daboolaysay baahida tababarayaasheena .
5) Sidoo kale aqoonta garsoorayaasha ayaa liidatay oo waxaa dhici jirtay in garoonka la keeno garsoore toddoobaad kaliya tababar la soo siiyay oo awood uu u yeelan waayo in labada kooxood uu si caddaalad ah u garsooro. Tani waxay ku dhalin jirtay ciyaartooyda muraal jab aad u weyn.
6) Lama oggolaan jirin inta badan ka qayb-galka ciyaaraha caalamiga ah oo laga soo kororsan lahaa waayo-aragnimo dheeraad ah.
7) Ciyaartooyga Isboortiga ah ee ka baxay dugsiga sare lama siin jirin waxbarashada heerka Jaamacadeed gaar ahaan Maadada Jir-dhiska Physical Education oo waxaa la siin jiray dad aan Isboortiga aqoon u lahayn.
8) Iyadoo kooxda xulka Qaranka lagu soo dari jiray ciyaaryahanno aan u qalmin, taasoo muraal jab ku noqon jirtay ciyaaryahankii wanaagsanaa. Tani waxaa ay ahayd caddaalad-darro lagu samaynayay ciyaartooyda oo aan geedna loogu soo gaban.
9) Iyadoo uusan wax dhiirri-galin ah haysan Ciyaartooyga heerka qaran ee uu la darajo yahay midka haatan ku soo biiray xulka qaranka, ama midka dugsiyada ka yimid ama Naadiyadaba I.W.M.
Shiikha: Haddey jireen intaasoo Khaladaad ah oo aad sheegtay maxay wasaaraddii Isboortiga hawshoodu ahayd?
Cumar: waxaan oran karaa hawshoodu waxay ahayd inay abaabulaan tartammada ciyaaraha oo kaliya oo sida ay wax ku socon karaan ku socodsiiyaan..
Shiikha: Ugu dambayntii maadaama aad tahay shaqsi in badan ku soo dhex jiray mujtamaca Isboortiga , Maxaad talo ahaan ugu soo jeedinaysaa Maamulka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan horumarinta Isboortiga?
Cumar: Waxaan aad u ammaanayaa dadka gacanta adag ku haya maamulka Isboortiga Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa iyo Dibaddiisaba oo aan oran karo 11kii sano ee dagaalada sokeeye jireen Isboortigu inuu ahaa kan kaliya ee ka badbaaday dhibaatada ka jirta ama ka dhacday Soomaaliya oo ay wali kuu muuqanayso calankii soomaaliyeed oo wali ka dul-babanaya goobaha caalamiga ah ama aad maqlayso koox Soomaaliyeed oo ka qayb-gashay ciyaaro caalami ah ama ciyaaro ay isugu yimaadeen kooxo kala duwan oo gobollo kala duwan ka kala yimid sida kan ka dhaca magaaladan Minneapolis-Minnesota sannad kasta. Waxaad arkeysaa in raggii isboortiga xirfadda u lahaa oo wali shaqaynaya ,iskuna duuban oo aad ka helayso cid kasta, markaa waa arrin aan aad ugu ammaanayo oo ku dayasho mudan oo aan leeyahay halkiinna ka sii wada dalkan mar un waa iska xasili doonaa haddii alle yiraahdo e. Dhallinyarada Isboortiga iyaguna waxaan oran lahaa ha ogaadeen Dalkan burburay waxa u maqan ee uu sugayo inay iyaga yihiin ama ha joogaan gudaha dalka ama dibadda, waxaadna ogaatiin inaad tihiin muraayaddii ummadda Soomaaliyeed, mar walbana waa inaad ku dhaganaataan dhaqankiina iyo diintiina. marka laga soo tago isboortigana waa xil idin saaran inaad ka qayb qaadataan isu soo dhawaanshaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee jahwareerka lagu riday si dib loogu soo celiyo karaamadii uu lahaa qarankii Soomaaliyeed ee burburay. Ugu dambayntii waxaan aad ugu mahad-celinayaa dhallinyarada Somalinet-magazine oo iyaguna barnaamijkani xiddigaha isku soo duba-rida.