Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Abriil 2002

Published on: 2002-04-02 21:01:54

Cayaaraha - Qubanayaal

Taariikhda Kubbadda Koleyga Ee Maraykanka.
Diyaariye: Cabdullahi N. Maxamed " Kolombo"

Ciyaarta kubbadda koleyga ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay ciyaaraha ugu xiisaha badan ee daawadayaashu ay aadka u xiiseeyaan, waxaana loo malaynayaa inay ku jirto kaalinta 2aad marka loo fiiriyo ciyaarta kubbadda cagta oo iyadu ah ciyaarta ugu daawadayaasha badan dunida. Meelaha qaarkood ciyaarta kubbadda koleyga waxaan oran karnaa waa ciyaaraha loogu jecel yahay sida dalkan Maraykanka oo aad arkayso goobo faro badan oo ay ka socdaan tartammo ciyaareed oo kubbadda koleyga ah kuwaasi oo leh heerar kala duwan.

Haddii aan in yar ka xusno taariikhda ciyaarta kubbadda koleyga ee dalka Maraykanka waxaa ay bilaabatay december 1891kii , waxayna ka hana-qaaday koleejka haatan loo yaqaano "Springfield College" oo ku yaalla Gobolka Massachusetts ee carriga Maraykanka. Ciyaartan Kubbadda koleyga waxaa markeedii ugu horreysay lagu bilaabay inay ciyaaraan 9 ciyaaryahan hase yeeshee sannadihii 1897 kii ilaa 1898 kii ayaa la qaatay sharciga ah in markiiba 5 ciyaartooy ay garoonka gasho iyadoo uu ilaa haatan yahay sharcigaasi midka lagu ciyaaro. Muddo dabadeed Ciyaartan kubbadda koleyga waxaa ay ku baahday meelo badan oo dunida ka mid ah iyadoo ay ciyaarayaan rag iyo dumar labadaba, waxaase si aad ah u sii caan-bixiyay ciyaartani ardaydii wax ku baranaysay kolleejyada maraykanka.

Sannadkii 1934 kii ayay ahayd markii ugu horraysay oo ay ciyaaro dhex-maraan kolleejyada Maraykanka ,Ciyaarahaasi waxaa lagu qabtay garoonka caanka ah ee loo yaqaan "Madison Square Garden" oo ku yaalla magaalada New york, waxaana kubbadda koleyga sannadihii 1950 meeyadii ay ka mid noqotay tartammada ciyaareed ee ugu waawayn oo yeeshaan Jaamacadaha Maraykanka.
Sannadkii 1927 kii waxaa dalka Maraykanka ka jiray kooxo loo yiqiin "Harlem" kuwaasoo iyaguna xarrago iyo waxyaabo cusub ku soo kordhiyay kubbadda koleyga. Sannadihii 1937 kii ilaa 1946 kii ayaa la mideeyay laba xiriir oo ka jiray dalkan Maraykanka oo la kala oran jiray "National basketball league iyo basketball association of America" waxaana loo bixiyay Magaca ah "National Basketball association" oo marka la soo gaabiyo ah N.B.A.

Sannadihii 1960 kii iyo 1970 meeyadii waxaa soo caan baxay ciyaaryahanno caan ku noqday kubbadda koleyga Maraykanka sida "Chambarlin" iyo "Kariim Cabdul-jabaar" oo labaduba u ciyaari jiray xilliyo kala duwan naadiga caanka ah L.A. lakers. Sidoo kalena waxaa aad u soo muuqday sannadihii 1980 meeyadii Ciyaaryahannadii kala ahaa: Larry Bird, Magic Johnson iyo Micheal Jordan.
Isku soo wada duub ciyaartan kubbadda koleyga maanta waxaa ay ka mid tahay ciyaarha dunida loogu jecel yahay iyada oo ciyaartooyda ka ciyaarta dalkan Maraykanka ay ka helaan malaayiin dollar.




Kooxda Kubbadda cagta ee Jaaliyadda Soomaalida Nairobi
Diyaariye: Shiikha

Burburkii ku dhacay dalkeennii hooyo sannadkii 1990 kii iyo dagaalada sokeeye ee muddada dheer sii jiitimaya waxaa uu dhaliyay in dhallinyaro faro badan oo Soomaaliyeed ay u bara-kacaan meelo faro badan oo dunida dacalladeeda ah haba ugu sii bateen dalalka dariska la ah Soomaaliya sida :Kenya, Ethiopia, D.jibouti, Yaman iyo Eritrea. Dadkaasi Soomaaliyeed ee soo soo bara-kacay ayaan oran karnaa waxaa ay joogaan dalka Kenya tirada ugu badan ee qaxooti Soomaaliyeed. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa iyagu waxaa ay ka qayb qaataan tartammada ciyaareed ee kala duwan oo ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalkaasi Kenya sida:Suudaan, Ethiopia, Burundi, Zair, iyo Ruwanda.

Waxaa iyaduna mar kasta ka socday xeryahii qaxootiga ee Kenya sida: Utange, Swaleh Nguru oo Soomalidu u taqaanay xeradii banaadiriga, xeradii Jonvu iyo Xerada Kakuma intuba abaabullo iyo tartammo ciyaareed oo isugu jiray kubbadda cagta iyo kubbadda koleyga kuwaas oo ay qabanqaabinayeen dhallinyarada Soomaaliyeed taasoo aad u soo jiidatay jaaliyadihii kala duwanaa ee ku dhaqnaa xeryahaasi,wax wayna ka badashay xasiloonidii Xeryaha. Haddaba bal wax yar aan ka xuso kooxda kubbadda cagta ee Jaaliyadda Soomaalida ee Nairobi oo iyadu ah kooxda ugu badan ee ka qayb-gasha tartammada ciyaaraha kubbadda cagta ee ka dhaca magaalada Nairobi iyo nawaaxigeedaba.

Kooxda kubbadda cagta ee jaaliyadda Soomaalida oo iyadu dhisnayd ilaa 1991 kii ayaa Iyagu wacdarro ka muujiya garoommada ciyaareed oo ay isugu yimaadaan kooxaha jaaliyadaha, kuwaasi oo iyagu sannad kastaaba abaabula tartammo ciyaareed oo heer jaaliyadeed ah oo ay xataa ka soo qayb-galaan kooxo ka socda dalkaasi martida loo yahay ee Kenya.


Kooxda Kubbadda cagta Ee jaaliyadda Soomaalida Nairobi

Haddii aan faallo gaaban ka bixiyo tartammadii ciyaareed ee ugu dambeeyay oo ay kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ka qayb-gashay ayaa natiijadoodu waxaa ay noqotay sidan:

Ciyaartii ugu horreysay oo ay Jaaliyadda Soomaalida ciyaarto waxaa ay 3 gool iyo 0 uga badisay kooxdii jaaliyadda Suudaan.Goolashaasi waxaa kala dhaliyay: Maxamed diinle, Cali Booran iyo Geeseey. Ciyaartii labaad oo iyaduna ahayd mid aad u qurux badnayd waxaa ay kooxda jaaliyadda la ciyaartay kooxdii jaaliyadda Ethiopia oo ay uga guulaysteen 3 gool iyo 0 . goolashaasi waxaa kala dhaliyay ciyaaryahannadii kala ahaa: Mahad Xeerow, Maxamed Diinle iyo Shirwac. Kooxda kubbadda cagta ee jaaliyadda Soomaalida ayaa iyadu haatan taagan ciyaarta kama dambaysta ah oo ay la ciyaarayso kooxda Jaaliyadda Eritrea. Ciyaartan iyada ah ayaa qabashadeeda dhawr jeer waxaa galay hakad kaddib markii jaaliyadaha qaarkood ay ka yimaadeen eedaymo ku jeeda kooxda kubbadda cagta Soomaalida oo ay yiraahdeen waxaa u ciyaaraya ciyaaryahan Cabdiqani Maxamed Barre Aar oo Kenyan ah iyo ciyaaryahanka kale Jaamacey oo isagu la leeyahay waa ka awood sarreeyaa ciyaaryahannada kale Professional oo kuma habboona inuu ka qayb-galo tartammada noocan oo kale ah, hase yeeshee ma jirin sharci diidayay in ciyaaryahankaasi uu u safto jaaliyadda Soomaaliyeed . Guddiga qabanqaabada ciyaaraha ee jaaliyadaha ayaa ku hawlan inay xal u helaan eedaymahaasi, waxaana idiinkugu soo gudbin doonaa qoraalada dambe waxa ay ku soo gaba-gabowdo ciyaartaasi kama dambaysta ah oo ay yeelan doonaan kooxda jaaliyadda soomaalida iyo kooxda Eritrea.

Kooxdan Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya oo iyagu caan ka ah Magalada Nairobi iyo nawaaxigeedaba waxaa kale oo ay ciyaaro saaxiibtinimo kula yeesheen magaalada Mombasa jaaliyadda soomaalida ee halkaasi ku dhaqan. Ciyaartaasi oo ahayd mid labadaasi kooxood ee Soomaaliyeed ay ku soo bandhigeen ciyaar hufan oo xirfaddeedu aad u heer sarreysay waxaa 2 gool iyo 0 ku adkaaday kooxda jaaliyadda Soomaalida ee Nairobi. Sidoo kale kooxdu intii ay joogtay magalada Mombaasa waxaa kale oo ay la ciyaartay Koox Kenyan ah oo lagu magacaabo Congeya Boys oo ay uga adkadeen 2 gool iyo 0 . Goolashan waxa kala dhaliyay labada ciyaaryahan ee la kala yiraahdo Ahmed iyo Cabdi-maalik.

Ciyaaryahannada u safata kooxda Jaaliyadda Soomaalida ee Nairobi waxaa ka mid ah: Cabdi-fataax, Cabdirashiid, Cabdulqaadir Geeseey, Mahad Xeerow, Xamsa, Jabshe, Maxamed Diinle, Cali Baskoole, Sadiiq yoodka, Jabaan, Bile, Cabdiqani "Aargoos" ,Maxamuud, Mingiste, Daa\'uud, Liibaan, iyo Shirwac oo ah kabtanka kooxda. Waxaa kooxda tababare u ah Macallin Geela oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii heerka 1aad ee kubbadda cagta naadiga Dawladda Hoose " Munishiibiyo" iyo xubin xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.Waxaa iyaguna Maamulayaal ka ah kooxda oo si aad ah uga shaqeeya isku duba-ridkoodkooda: Macallin Badal, Qaluu, Axmed Salaad iyo Khaliif.

Back to Category