Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Abriil 2002

Published on: 2002-04-01 05:52:16

Dhaqan waa garasho ururtay iyo garaad hanaqaadey oo ay ummaduhu caadeystaan. Wax kasta oo uu aadanuhu garto dabadeedna uu qeexo, isaga oo garaadkiisa la kaashanaya, waxaa la oran karaa waa dhaqan. Falka la caadeysto ee dhaqanka ah, waa mid uu facba u gudbiyo faca ka dambeeya, taas oo dowr xoog leh oo aasaas ah ka qaadata horumarka bulshada ama dib u dhaceeda. Dhaqanka la xiriira xeerka biri-mageydada oo ay ilaaliyeen bulshada xoolo-dhaqatada soomaaliyeed, ayna ku barwaaqoobeen, waxaa ka mid ah xushmadda (immunity) ay lahaayeen dadka ergada ah. Markasta oo ay colaad aloosanto waxaa jiray dad xil-kas ah oo u istaaga nabadeynta beelaha dirirsan. Waxaa dhacda in dadka ergada ah ay ka socdaan dhinac ka mid ah qolooyinka dirirsan. Waxaa iyana dhacda in ergadu ay ka socdaan labada dhinac ee diriray. Waxaa kale oo dhacda in guddiga ergadu ay yihiin odeyaal ka baxsan labada beelood ee dagaalku dhex-maray. Ergada, markii loo xil saaro howsha nabadeynta beelaha, waxaa ka wareegaya xilkii ahaa in ay matalaan beelahooda, bal waxay matalayeen rayigii ay ku nabadeyn lahaayeen beelaha dirirey. Arrintaas ayaa xubnaha ergada waxaa ay siin jirtay xushmadda ay kaga mid noqdeen dabaqaddii Biri ma-geydada, taas oo ku xusan xeerka xoolo-dhaqatada soomaaliyeed. Ergadu cid kasta oo ay la joogaan waa ay taakuleyn jireen, wanaag iyo soo dhoweyn waxaan aheyn waa laga ilaalin jirey. Beelaha ay ergadu sii dhexmarayaan inta ay howlahooda gudanayaan, qudhoodu waxbey ka geysan jireen wanaajinta ergada. Waxaa taas u dheeraa, in beeluhu ay ku dadaali jireen in ay gacan buuxda ku siiyaan wanaagga ay qabanayaan dadkan ergada ah. Sidaas buu ahaa xeerka ergada nabad-doonka ah. Waxaa laga caagganaa in fal-fal xumo lagula kaco dadkaas akhyaarta ah ee nabad-doonka ah. Dilka loo geystona wuxuu ahaa arrin aanan laga samri karin oo ay taariikhda xusto. Dareenka ka yimaada dhacdada noocan oo kale ah waxaa inoo muujinaya abwaankii soomaaliyyed ee tiriyey tixdan :
Teer iyo Deryaaliyo tan iyo Duuddi nebi Aadan
Ergo dadabta lagu gowracaa dunidu wow koowe.

Nin kasta ma noqon jirin ergey. Qofka loo xulayo in uu ergeeyo waa nin qiimaheeda leh, odey ah, diin iyo dhaqan yaqaan, caadil ah, taariikh ku leh degaanka, geesi af-tahan ah. Xad-gudubka loo geysto ninka ceynkaas ah ayaa iyana xanuun gaar ah reebi jirtay. Sidaas ayaa beelaha reer miyiga ah waxaa ka reebanaa in qof noocaas ah lagu xad-gudbo. Haddey dhacdona waa yareyd. 

Sheeko ka dhacdey gobolka Bari ayaa jirtay. Sheekadu waxay aheyd, beel ayaa geel badan ka dhacday beel kale oo la deris aheyd. Qoladii geela dhacday baa waxaa u tegey 25 nin oo erga ah. Nin ergadii ka mid ah iyo nin ka mid ah beeshii geela heysatey ayaa is-maandhaafey. Ninkii ergeyga ahaa baa dhaawac loo geystey, dabadeed halkii buu ku dhintey. Beeshii ergada loo ahaa waxaa ay guddoonsadeen in ay afar iyo labaatanka nin ee ergada ah dhammaantood la laayo, waayo dilka mid ka mid ah ergadaasi wuxuu u dhigmay iyada oo dhammaantood la diley. Sidii baa afar iyo labaatankii oo ergada aheyd inta la xir-xirey, ninba nin loo dhiibey si uu u dilo. Nin keliya ayaa ka badbaadey shirqoolkii lagu laayey ergadaas. Ninkaasi waxaa fakiyey wiil ay ilma-abti ahaayeen. Ninkii soo badbaadey ayaa beeshii qeylo-dhaan kala soo dul dhacay. Nin la yiraahdo Aw-Muuse Ismaaciil ayaa halkaas gabay ka tiriyey. Gabeygaas oo xambaarsanaa dhiillo weyn waxaa la yiraahdaa Darbadaaley. Waxaa tixihiisii ka mid ahaa :
Nuur Maxamad geeluu dalbaday tuludna loo diidye 
Laye wuxuu la soo duday bahdi iney daweysaaye 
Ergo dalan kacaysoo dulliyaa dooxadii timiye 
Darbane Nuur Cisman keli ahaan dooc ku tari waaye 
Ogaalkaan dareen qabo mindhaa uma dadaashaane!!!.

Soomaalida oo sannadahan dambe ay heshay xaalufin badani (dadkii, degaankii, dhirtii, xoolihii, kheyraadkii biyaha, afkii, dhaqankii, iyo diintiiba) waxaa u suuro-gali weyday in ay isu ergoodaan. Sababtuna waxaa ay tahay xaalufka helay xeerarkii ergada oo ay dhaqanka u lahaayeen. Taasi waxaa ay ku khasabtay in mar kasta ay ergadooda la aadaan degaan shisheeye (Addis-ababa, Nairoobi iyo Nakuuru, Qaahira, Sanca, New York, Khartuum Iyo wixii la mid ah) Arrintaasi oo ah midda ay soomaalidu ku waayeen in ay xal u helaan khilaafka doqonnimo ee dhexdoodayaal.

Fiiro gaar ah :
Nin wadaad ah oo shirkii Carta tagey ayaa wuxuu ii sheegay, markii uu shirkii dhamaaday in ay dayuuradda isla raaceen iyaga oo Xamar ku sii socda, nin shirka ku fadhiyay isaga oo magac isim sita, dabadeedna ka mid noqday raggii loo doortay xildhibaannimada. Ninkaasi oo ay wadaadku horay isu yiqiineen, wuxuu wadaadka ka dhacay riig uulahaa.

Sheekadan waxaan uga jeedaa in ay inoo muuqato horukaca ay gaartay ergada maanta.

Back to Category