Labo nin oo midna reer magaal yahay midna reer miyi ayaa isu gabyay iyadoo midba uu ammaanay nolosha uu isagu ku nool yahay uuna dicaayadaynayo nolosha kale.
Wallee daacufloow reer miyaan docna garanaynin
Dab la shiday aroortii hadduu daamanka isdhaafsho
Doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga muujaaye
Haddii roob ilaah shubo oo duni barwaaqowdo
Oo doobi caanaha riyaha looga dalafsiiyo
Oo rodol uu doon doon ku helay uga dambaysiiyo
Isaga iyo duqdiisii markaa dawlad la ismoodye
Ninkii reer miyiga ahaa oo saluugsan dhaqanka reer magaalka ayaa u celiyey;
Dununucaye goortuu qaxwaha dibinta saaraayo
Dayn qaate meeshii nin ragi debec ka maalaayo
Duryan xume markuu deeqo buu dunida hiifaaye
Diinta iyo wuxuu caayayaa Eebbe daa\'in ahe
Dacwad aan la garanayn iyo dafasa baas sheegte
Waxaa daw dara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!