Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Abriil 2002

Published on: 2002-04-01 06:14:56

Qaybtii 3aad

Inkasta oo uu nidaamkii dowladda soomaaliyeed ahaa mid keligii talis ah, misana xilligaas waa uu uga naxariis badnaa dadkiisa marka loo eego nidaamkii Itoobiya ka jiray. Jeneraal Siyaad wuxuu darajadii ka qaaday odayaashii siyaasadda ku jiray dhammaantood, isaga oo xabsiyada u taxaabey. Nin kasta oo uu soo daayeyna shuruud ayaa la socotey iyo ilaalo adag oo uu daba dhigay. Qaarkood dalka waa uu ka eryey isaga oo si toos ah ugu sheegay in ay dalka ka baxaan. Raggaas waxaa ka mid ahaa Cali Barre Jaamac (Ciddi Libaax). Waxaa shaqadii laga eryay agaasimayaal badan oo muasasaadka dowladda mas\'uuliyiin ka ahaa, dabadeed booskoodii waxaa lagu buuxiyey dhallinyaro aqoonyahanno ah laakiin lagu xushay kacaannimo. Inkasta oo ay dowladdu xaalad dagaal ay isu diyaarineysay, misana Jeneraal Siyaad wuxuu ciidammadii ka fogeeyay saraakiishii sare ee dhismihii ciidammada soomaaliyeed oo maamulkiisa sida xoogga leh loogu qaddarin jiray. Waxaa raggaas ka mid ahaa:

Sareeye Guuto Maxamad Cali Mire, wuxuu xilligaas ahaa maareeyaha
warshaddii caanaha.
Sareeye Guuto Cali Xaashi, wuxuu ahaa maareeyaha wakaaladda dekadaha Soomaaliyeed.
Sareeye Guuto Jaamac Aw-Muuse, wuxuu ahaa maareeyaha wakaaladda cuntada
(E.N.G).
Sareeye Guuto Cismaan Sabriye Sokorow.
Sareeye Guuto Maxamad Abshir Muuse, xabsiga ayuu ku jirey.
Sareeye Guuto Cabdullaahi Faarax Hoolif, xabsiga ayuu ku jirey.

Shacabka Soomaaliyeed kuma uusan baraarugsaneyn xaaladda
siyaasadeed ee dalka ka jirta, taasi waxaa ay abuurtay jawi xasillooni iyo nabad aysan wax fadqalalo ah jirin. Shacbiga soomaaliyeed intiisa badan wuxuu ahaa kacaan, wax dowladda mucaarad ku ah oo la tilmaami karo ma jirin. Bal waxaa sumcadda dowladda kor u sii qaaday mashaariic xilligaas la fuliyay oo ay ka mid ahaayeen qoristii xuruufta af-soomaaliga iyo ololihii waxbarashada reer miyiga, mashruucii abaartii Daba Dheer, barnaamijkii wax soo saarka beeraha ee la oran jiray "Crush program" , shaqaalihii faraha badnaa oo mushaharka loo qorey. Waxaa kale oo intaas weheliyay baraarujintii iyo wacyi-gelintii joogtada aheyd oo ay wadeen shaqaalihii wasaaradda warfaafinta. Sidaas baa dowladdii kaga nabad heshay shiqaaq siyaasadeed ee gudaha dalka kaga yimaada.

Siyaasadda dibadda qudheeda, dowladdii Soomaaliya horumar
muuqda ayey ka gaareen. Guulaha la tilmaami karo oo ay soomaalidu xilligaas heleen waxaa ka mid ahaa :

1972-kii, waxaa ay ku guuleysteen in ay heshiisiiyaan labada dal Ugaandha iyo Tansaaniya oo labadooda madaxweyne uu dhex yiil khilaaf adag. Isla sanadkaas Soomaaliya waxaa ay xubin buuxda ka noqotay ururka dowladaha Islaamka ah, iyada oo xigsatey boos ay ugu kala dab qaaddo (goortii loo baahdo) ururka iyo dowladaha Afrikada ee ka hooseeya saxaraha.
1973-kii, waxaa Xamar yimid Jeneral iidi Amiin Dada (Madaxweynihii
Ugaandha) iyo Jeneraal Jacfar Maxamad Al-Numeyri (Madaxweynihii Suudaan),iyaguna halkaas ayaa lagu heshiisiiyey. Isla sanadkaas Soomaaliya waxaa ay xubin ka noqotay Jaamacadda dowladaha Carabta, iyada oo matasha dowladda qura oo aanan afka carabiga ku hadlin haddana xubin ka ah ururka.
1974-kii, waxaa Xamar lagu qabtay shir-weynihii madaxda dowladaha
Afrika, kaas oo siyaasaddii dibadda ee Soomaaliya ku kordhiyey sharaf.
Jeneraal Maxamad Siyaad wuxuu si toos ah uga qayb-qaatey fadhiyadii
qiimaha lahaa oo dhexmaray dowladda Portuguese oo dhinac ah iyo dowladihii ay gumeysan jirtay Angola iyo Mozambique. Fadhiyadaasi waa kuwii loogu gogol-xaarayey madaxbannaanida dalalkaas Afrikaanka ah.





AASAASKII XISBIGA HANTIWADAAGGA
KACAANKA SOOMAALIYEED



Mowduuca Xisbiga, ahmiyadda uu u lahaa dagaalka darteed ayaanu faallo dheeri ah u siinay. Taliskii kacaanka markii uu la wareegay maamulkii dalka, waxyaabaha uu mamnuucay waxaa ka mid ahaa in dalka uu yeesho axsaab siyaasadeed oo madax bannaan. Sannadkii 1971-kii madaxweyne Maxamad Siyaad wuxuu ballan qaadey in laaasaasi doono xisbi siyaasadeed oo qaranka ka dhexeeya.

21-10-1973-kii, Jeneraal Maxamad Siyaad wuxuu shaaca ka
qaaday in golaha Sare ee kacaanka ay guddoonsadeen in loo gogol xaaro sidii loo dhisi lahaa xisbi dalka ka taliya. Dowladdu wexey sameysey xafiis laga wacyi galiyo dad-weynaha, si garaadkooda siyaasadeed loo kordhiyo. Ujeeddaduna waxaa ay aheyd in la helo dad xul ah oo gun-dhig u noqda xisbiga qura ee dalka ka talin doona. Xafiiskaas oo magaciisa la oran jirey Xafiiska Xiriirka Dad-weynaha "Public Relation Office",
waxaa aasaaska xafiiskaas loo xil saaray sarkaal dhallinyaro ah oo la yiraahdo Gaashaanle Jaamac Cali Jaamac. Dushana waxaa ka maamulayey sarkaal ka tirsanaa Golahii Sare ee Kacaanka oo la yiraahdo gaashaanle sare Muuse Rabiile Good. Xafiiska wuxuu ku guuleystey in uu guddiyo siyaasadeed u sameeyo shaqaalaha waaxyaha dowladda sida warshadaha, beeraleyda, wakaaladaha, wasaaradaha, ciidammada iyo iskaashatooyinka. Sannadkii 1974-kii degmooyinka iyo tuulooyinka dalka waxaa laga furay xafiisyo siyaasadeed oo dadka lagu wacyi gelinayo, laguna barayo qawaacidda ay leedahay mabaadiida hantiwadaagga cilmiga Marxism Leninism. Arrimahaasi, sidaan soo sheegnay, waxaa ay ahaayeen kuwo loogu gogol xaarayay in kawaadir loo diyaariyo xisbiga la aasaasi doono. Guddiyadaa laga sameeyay tuulooyinka iyo degmooyinka ayaa waxaa laga doortay gole goboleed. Golahaas baa waxaa laga soo doortey xubno ka qeyb gala aasaaska xisbiga. Gaashaanle Jaamac Cali Jaamac waa laga wareejiyey xilkii uu xafiiska u hayey, waxaa booskiisii loo dhiibey Dhamme Maxamad Cumar Cismaan. Muddo gaaban dabadeedna waxaa xilkii xafiiska lagu wareejiyey Gashaanle sare Cabdulqaadir Xaaji Masalle oo ka tirsanaa Golihii Sare ee kacaanka.


26-6-1976-kii, dugsigii boliiska ee Xamar waxaa lagu soo xareeyey dad gaaraya 3.000 (Saddex kun) oo qof oo ka kala socday gobollada iyo degmooyinka uu dalku ka kooban yahay iyo heyadaha dowladda. Doodo iyo warbixinno socday shan maalmood ayaa wufuuddii ay is dhaafsadeen. 1-6-1976-kii, waxaa lagu dhawaaqay baaq ka soo baxay fadhigii, kaas oo ahaa in la aa\'saasay xisbigii la oran jiray Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed kaas oo marka la soo gaabiyo noqonaya "X.H.K.S". Waxaa kale oo halkaas lagu doortay golihii dhexe ee xisbiga oo tiradoodu ahayd 73 xubnood, guddigii siyaasadda ee xisbiga oo iyaguna ahaa 5 xubnood iyo guddoomiyiha xisbiga oo noqday Sarreeye Gaas Maxamad Siyaad Barre. Saraakiishii Golihii Sare ee Kacaanka dhammaantood waxaa ay ka mid noqdeen xubnihii golaha dhexe ee xisbiga, markaasna tiradoodu waxaa ay dhammeyd 19 nin, halkaas oo ay dharkii milletariga ay iska dhigeen oo ay labis rayid ah ku qaateen, dabadeedna si toos ah ayey maamulayaal iyo wasiiro uga noqdeen noloshii rayidka ahayd iyo tii siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa la guddoonsadey in fadhiga golaha dhexe uu noqdo saddexdii biloodba mar,guddiga siyaasadduna toddobaadkiiba mar. Awoodda dhabta ah ee xisbiga waxaa lahaa shanta xubnood ee guddiga siyaasadda oo kala ahaa:
Sarreeye Gaas Maxamad Siyaad Barre Madaxeynaha jamhuuriyadda Soomaaliya iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga.
Sarreeye Guuto Maxamad Cali Samatar : ku xigeenka koowaad ee Madaxweynaha, ahna wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidammada Soomaaliya.
Sarreeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax :ku xigeenka labaad ahna wasiirka arrimaha gudaha.
Gaashaanle Sare : Ismaaciil Cali Abbokor : wasiirka wasaaradda warfaafinta.
Gaashaanle Sare : Axmad Suleymaan Cabdalle : taliyaha ciidammada nabad
sugidda Soomaaliyeed (N.S.S).

Siyaasaddii dalka waxaa ay noqotay mid ku saleysan nidaam ah
dimoqraadiyadda urursan (Democratic Centralism). Golaha dhexe ee xisbiga ma ahayn mid la keli ahaa bandhigga aragtida siyaasadeed. Talooyinka siyaasadda waxaa awood u lahaa in ay ka hadlaan ururradii dalka ka jirey oo la aasaasey muddadii dalka lagu dhaqayey aragtida Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan. Ururradaasi waxaa ay ahaayeen Ururka
Dhallinyarada Kacaanka, Ururka Diimoqraadiga Haweenka Soomaaliyeed iyo
Ururka Shaqaaalaha. Xaqiiqaduse waxaa ay aheyd in Maxamad Siyaad uu ahaa keligiis qofka ay talada ka goaysey, ragga keliya oo xilligaas uu kala tashan jiray arrimaha dowladda waxaa ay ahaayeen la taliyayaal Ruush ah. Xubnaha uu X.H.K.S. ka koobnaana, iyo xubnaha ururrada bulshada intuba waxaa ay ahaayeen dad isaga taabacsan, kuwaas oo ka socday qaybaha bulshada oo idil iyadoo weliba ictibaar gaar ah la siinayey xubnaha ay qabiilooyinku ka yihiin. Taabacsanaanta
kacaanka waxaa ay ka imanaysey qabiil, maslaxad gaar ah oo la ilaashado, nin askari ah oo ku tarbiyadoobay in uu amar qaato, qof maan gaab ah oo aanan garaneyn sababta uu ku raacay, mid cabsi iyo fuleynimo u raaca, iyo qof sidiisaba u liita. Arrimahaasi waxaa ay ahaayeen bidhaan muujineysa in madaxweynaha loo oggolaadey in uu yeesho awood uu wax ku hoggaamiyo oo ka adag tii uu lahaa markuu hoggaanka ka ahaa Golahii Sare ee Kacaanka.


La soco cadadyada dambe iyo qaab dhismeedkii dawladdii soomaaliyeed

Back to Category