Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Abriil 2002

Published on: 2002-04-01 06:03:04

Subaxnimadii bishii September 11, 2001 waxaa qaar ka mid ah madaxda dowladda Maraykanka u socday shir looga hadlayay sidii loo fududayn lahaa nidaamka qofka qoxootiga ah ama sharci laaanta ku daggan dalka maraykanka uuna u heli lahaa degganaanso rasmi ah (permanent Residence). Waxaa taas xigay labo maalmood ka dib in madaxwaynaha Maraykanku uu ku khudbeeyey in iyaga (terrorists) iyo kuwa la midka ahba (Qoxootiga) laga saaro dalka Maraykanka, ama haddii kale la ganaaxaa sida ugu adag. Madaxweyne Bush wuxuu kale oo sheegay inuu hawsha dib u habaynta Waaxda socdaalka la siin doono mudnaan gaar ah (top priority).

Wixii intaas ka dambeeyey qaxootiga iyo dadka sharci laaanta ku daggan dalka Maraykanka labaduba waxay la kulmeen dhibaatooyin badan oo isugu jira dil, dhac, xarig iyo tarxiil. Waxaa jira Soomaali badan oo dalka laga dhoofiyey iyada oo uu Maraykanku ogyahay in Soomaaliya ayan ka jirin nabadgalyo iyo iyadoo sharciga ururka qarammada midoobay (United Nation) uu dhigayo in aan qofna lagu celin meel uusan ku nabadgalayn.

Culaysku Soomaalida oo kaliya ma ahan, dadka Muslimka ah waliba carabta ayaa dhibaatada ugu wayni ku dhacday. Xitaa dhallinyaro yar yar oo Jaamacadaha Maraykanka wax ka barta waxaa lagu hayaa cabsi galin iyo dabagal aad u adag.


Ilaa iyo September 11, waxaa soo baxay sharciyo aad u fara badan oo lagu adkaynayo nolosha qaxootiga Maraykanka. Waxaana ka mid ah:

  1. In qofka qaxootiga ah ama sharci laaanta ku deggan dalka Maraykanka la xiri karo markii la doono uuna xabsiga ku jiri karo muddo dheer ama waligiisba isagoo aan wax maxkamad ah la soo taagin. Halka ay markii hore ka ahaan jirtay in qofka la sii daayo 24 saac gudahood ama maxkamad la soo taago oo la xukumo.
  2. In la duubo ama la dhagaysto waxa qofka qaxootiga ah iyo qareenkiisu ku wada hadlayaan. Halka uu markii hore qofku xaq u lahaa in wixiisu sir u ahaadaan kuna koobnaadaan isaga iyo qareenkiisa.
  3. In la isticmaalo qalab soo gudbinaya qofka qaxootiga ah dhaqdhaqaaqiisa sida iyadoo talefoonkiisa lala dhagaysto, lagu rakibto kamarado laga daawan karo iyo wixii la mid ah.
  4. In uusan qofka qaxootiga ahi gadan karin qori (gun).

 Waxaa kale oo jira in war isgaarsiinta (media) Maraykanku ay ku been abuurtaan qaxootiga guud ahaan iyo dadka Muslinka ah guud ahaan. Iyagoo uga dan leh inay sii kordhiyaan nacaybka ay dadka Maraykanka ahi u qabaan qaxootiga iyo in baqdin lagu abuuro qaxootiga dalka oo ah lambar aad u badan qayb waynna ka ciyaara dhaqaalaha waddanka. Jariiradda la yiraahdo Readers digest, oo wax ka qortay faaiidooyinka qaxootiga, dalxiisayaasha, iyo ardayda dibadaha waxa ay sheegtay in: 

v    ardayda ajnabiga ahoo Maraykanka wax ka barta ay tiradoodu dhan tahay 564,683 arday.

v    Ganacsatada dibaddaka timaadda ay tiradoodu dhan tahay 4.41 Million

v    Dalxiisayaashatiradoodu ay dhan tahay 23.25 Million

v    DhakhaatiirtaMaraykanka 20% ay yihiin qaxooti

v    22.7% dadka haystashahaadada Ph.D ay yihiin qaxooti

 Ugu yaraan 700,000 oo qof oo ku kala jira xeryo qaxooti oo kala duwan ayaa la rajaynayay in ay Maraykanka soo galaan, laakiin hayadaha Maraykanka oo u adeega qaxootiga ayaa muujiyey inay saluugsan yihiin qaabka ay dowladdu ula dhaqanto qaxootiga iyo in la joojiyey ama la gaabiyey howshii loo qaban jiray qaxootiga.

Haweeney magaceeda la yiraahdo Bernaddette Passade Cisse, oo madax ka ah xafiiska la magac baxay "Office of Migration and Refugee Policy " ayaa tiri ma jiraan wax xumaan ah oo ay dadka qaxootiga ahi gaysteen waxaa ay Bernaddette xustay in dadkii diyaaradaha afduubay oo dhan ay waddanka ku soo galeen Visa ee ayan ka imaan xeryo qaxooti. Dadka qaxootiga ayay tiri waxay soo maraan baaritaan aad u fara badan oo muddo dheer qaata inta ayan Maraykanka imaan 

Dood dheer kadib waxaa hayadaha qaxootiga u adeega ay ku guulaysteen inay dowladda Maraykanka ku qanciyaan in dib loo furo lana dadajiyo keenidda qaxooti fara badan oo ku xayiran xeryaha qaxootiga ee waddammo kala duwan oo adduunka ah. 

Waxaan ku dadaalaynaa inaan dib u furno keenidda qaxootiga waxaa yiri Commisioner-ka waaxda socdaalka Maraykanka Mr. James W. Ziglar. Waxaa kale oo uu sheegay in ay keeni doonaan tiradii uu maamulka Madaxwayne Bush u qorsheeyey in sannadkaan la keeno oo ahayd 70,000. waxaa jira ugu yaraan 22,000 oo qof oo mar hore loo oggolaaday in loo soo qaado dalka Maraykanka oo sugaya in diyaarado lagu soo qaado oo kaliya.

wixii ka dambeeyey September 11, qaxootiga waddanka yimid waxay gaarayaan 2,800. Tiradaan waxay aad uga yar tahay dadkii yimid sannadkii hore saddexdii bilood oo ugu horreeyey oo lagu qiyaasay 14,000. sidoo kalena State Department-iga dalka Maraykanka ayaa ka codsaday in aad loo yareeyo tirada qaxootiga dalka soo galaya sannadkaan. 

Sharciyada cusub ee waaxda socdaalka " Immigration" waxaa ay Soomaali badan oo Maraykanka deggan u gaysteen dhibaatooyin badan. Qaar dambiyo yar yar loo haystay oo laga musaafuriyey dalka, kuwo aan sharci waddanka ku lahayn oo ka baqaya in la xiro ama la dhoofiyo, iyo kuwo ka walwalsan qoysaskoodii oo ku xayiran xeryaha qaxootiga ee Keenya warna aan u hayn goorta dadkoodii loo keeni doono.

Soomaalida Maraykanka deggan oo intooda badani haysta sharciga la yiraahdo (Green Card) waxaa ku jira cabsi ah in haddii ay dambi yar galaan dib loogu celin doono Soomaaliya lagana reeban doono carruurtooda iyo wax kasta oo ay haystaan.

Back to Category