Ciyaarihii Toddobaadka Soomaalida oo lagu soogabagabeeyay (Toronto)
Diyaariye: Shiikha
![]() |
KOOXDA KUBBADDA KOLEYGA OTTAWA KAALINTA 1aad Heerka Jaamacadaha "Colleges |
Tartammo ciyaareed oo aad u xiiso badnaa oo labadii toddobadaynu ka soo gudubnay si xamaasad badan uga socday magaalada Toronto ee dalkaCanada ayaa la soo gabagabeeyay. Tartamadaasi iyaga ah oo sannad kastaaba laguqabto magaalada Toronto kuna koobnaa kubbadda cagta ayaad moodaa inuusannadkani ka duwanaa sannadihii hore, iyada oo lagu soo kordhiyaytartan kubbadda koleyga ah oo dhexmarayaykooxo ka kala yimid Gobollada Canada sida: Montreal, Ottawa, Toronto iyo labakooxood oo ka socday dalka Maraykanka oo mid ay ka socotay magaaladaMinneapolis ee gobolka Minnesota, tan kalena ay ka socotay Gobolka Ohio. Guudahaanba Jawiga magaalada Toronto ayaa ahaa mid ay aad u soo buuxiyeen dadweynefaro badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo ka kala yimid dalalka Yurub iyo NorthAmeerika iyaga oo taageerayay kooxahoodii. Haddii aan faalo kooban ka bixiyotartammadii ciyaareed ee kubbadda koleyga iyo sida ay ku gabagaboobeen ayaaahayd sidan:
Ciyaarta KubbaddaKoleyga ayaa loo qaybiyay laba qaybood oo kala heer ahaa, Heerka Jaamacadahaiyo heerka ardayda dugsiyada sare oo da,doodu u dhaxaysay 14 ilaa 21 Jir. Kooxaha heerka jaamacadahawaxaa ku tartamayay kooxo ka kala socday: Ohio, Ottawa iyo Toronto. Ciyaartiikama dambaysta ahayd waxaa isugu soo haray kooxaha Ottawa iyo Toronto, Waxaanaguushii 72 dhibcood ku qaatay kooxdaOttawa, Halka Kooxda Toronto ay ka keensadeen 59 dhibcood.
Dhanka dhallinyaradaYaryar Waxaa ciyaartii kama dambaysta ahayd isugu soo haray Kooxaha Montreal ooka socotay Canada iyo Minneapolis oo ka socotay gobolka Minnesota. Ciyaartaniyada ah oo ahayd mid aad u xammaasad badnayd si aad ahna loo sugayay waxaa labada kooxoodba ay ku soo bandhigeenciyaar farsamadeedu aad u heer sarreysay, aadna ay u jeclaysteen dadweynihiifaraha badnaa ee daawanayay. Waxaana kaalinta koowaad ku guulaystay kooxdaMinneapolis oo keensatay 67 dhibcood, halka Kooxda Montreal ay ka keensadeen 64dhibcood.
![]() |
KOOXDA KUBBADDA KOLEYGA MINNEAPOLIS KAALINTA 1aad Heerka dugsiyada sare " High School " |
Ciyaaryahannadii Kooxda Minneapolis guusha u soo hoysaywaxaa ka mid ahaa: Maxamed, Cabdirashiid, Sakariya, Saciid, Bilaal, MaxamedC/llahi *Mao*, Fu,ad, Kaneeco, Cumar, Axmed, iyo Maxamed Maxamuud. GabagabadiiXafladda waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyay kooxaha Minnepolis iyo Ottawakoobabkii kaalinta 1aad, halka kooxaha Montreal iyo Toronto lagu guddoonsiiyaykoobabkii kaalinta 2aad. Munaasabaddii xiritaanka waxaa halkaasi ka hadlayTababare Cabdi Maxamuud Cige Cabdi Dheere oo isagu ka mid ahaatababarayaashii qiimaha wayn ku lahaa qaranka Soomaaliyeed iyo ciyaaraha gabiahaanba, gaar ahaan kubbadda Koleyga. waxaana uu u mahadceliyay dhammaanbakooxihii tartanka ka soo qayb-galay iyo ciyaar-wanaaggii ay muujiyeen intaba.Waxaa isna Munaasabaddaasi hadallo qiimo badan ka soo jeediyay Guddoomiyahaguddiga Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo isagu u mahad-celiyaydhammaanba dadkii soo abaabulay Ciyaaraha iyo shakhsiyaadkii gacanta wayn kagaystay inuu tartankani noqdo mid lagu najaxo. Waxaa uu tusaaleeyaydhallinyarada Isboortiga ka sokow inay ku dadaalaan Waxbarashadooda,Dhaqankooda iyo diintooda. Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu u hambalyeeyaydhammaanba kooxihii tartanka ka soo qayb-galay iyo kooxahii ku guuleystaytartanka intaba. Waxaa iyaduna xusid mudan in ciyaaryahan Maxamed C/llahi Mao oo ka socday kooxda Minneapolis in la guddoonsiiyay koobkii ciyaarwanaagga ee Tartanka MVP.
Intaasi dabadeed waxaan la kulmay guddoomiyahii guddigaqabanqaabada tartankaasi kubbadda koleyga Faarax Jaamac Nuur Oday"
![]() | ![]() |
Faarax Jaamac Nuur "Faarax Oday, Gudoomiyaha Qabanqaabada Koobka Kuabadda Kolayga | Mohamed Abdullahi "MAO" Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee Kubadda kolayga. |
waxaana uu ii sheegay: in ay dadaal badan u galeen sidii aysannadkani u marti-galin lahaayeen ciyaaraha. Waxaa uu caddeeyay inay iska jireenKhaladaad yaryar oo farsamo oo iska dhacay hase yeeshee ay noo noqotay waayoaragnimo iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo aynu qabano ciyaaraha noocanoo kale ah, waxaana isku dayi doonaa mustaqblka haddii allaha awoodda badaniyiraahdo inaan joogtayno ciyaaraha oo aynu ballaarino isla markaana aan qabanotartankii haatan mid ka wayn oo ay ka soo qayb-galaan kooxo faro badan.Waxaa uuaad farta ugu fiiqay sida loogu baahan yahay in wax loogu qabto jiilka yaryaree soo koraya oo uu ka muuqdo mustaqbalka yididiilo fiican oo ay ku gaari karaan horumar. Waxaan mahad ballaaran usoo jeedinayaa dhammaanba ganacsatadii Soomaaliyeed oo iyagu gacanta wayn kagaystay Barnaamijkan isaga ah, sidoo kalena dhammaanba shaqsiyaadkii gaarkaahaa oo waqtigodii qaaliga ahaa u huray horumarinta Isboortiga , ciyaartooydii,Tababarayaashii, garsoorayaashii, iyo Maamulkii Isbortiga intaba.
![]() |
Kooxda Banaadir oo ku Guulaysatay koobkii Kubbadda Cagta KAALINTA 1aad |
Kooxda kubbadda cagta ee Banaadir ayaa iyadu noqotayhoryaalka kubbadda kubbadda cagta ee toddobaadkaSoomaalida"Toronto-Canada" kaddib markii ciyaarteedii kama dambaystaahayd ay 2 gool iyo 1 gool ugu awoodsheegatay kooxda Somali stars.
Labadan kooxood ayaa iyagu ka wada socday magaalada torontoee dalka canada.
Guud ahaanba waxaa tartankaasi ka soo qayb-galay 12 kooxoodoo kala ahaa: Iftin, Banadir, Somali Star, Northern Star iyo Waamo oo dhammaanka wada socday Canada, Sidoo kale Washignton, Ohio, Atlanta, Rochester iyoMinnesota Stars oo ka wada Socday gobollada Maraykanka iyo laba kooxood oo ka socday Yurub oo ka kalayimid dalalka Ingiriiska iyo Holland.
Dadweyne aad u faro badnaa ayaa galab kastaaba soo camirayaygaroonka kubbadda cagta ee lagumagacaabo Centenial Park, waxaana daawadayaashu ay aad farta ugu fiiqayeenkooxihii ka socday Atlanta , Northern Stars, iyo Rochester oo soo bandhigayay ciyaaro aad loo jeclaystay. In kasta ooaysan soo gaarin ciyaartii kama dambaysta oo ay ku hareen Is reeb-reebkii ugudambeeyay haddana dad badan ayaa aaminsanaa inay u qalmeen inay soo istaagaanciyaarta dambaysta ah. Dhammaanba kooxihii tartanka ka soo qayb-galay waxay soobandhigeen ciyaaro aad u xiiso badnaa oo aad loo jeclaystay kuna dheehnaydasluub iyo is qadarin waxaana ay ahayd arrin aad loogu faani karo ooaan oran karo waa guul wayn oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanjaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada iyo dadka ku hawlan horumarintaIsboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubbadda cagta. Abaabulka iyo barnaamijkaloo dajiyay kubbadda cagta ayaa ahaa mid aad u heer sarreeyay oo si nidaamsan ku socday.
12 kaasikooxood ee tartanka ka soo qayb-galay waxaa loo qaybiyay 4 guruub, guud ahaannakulammadii ay yeesheen wareeggoodii hore ayaa natiijadoodu noqotay sidan:
Iftin | 8 Gool | Holland | 2 Gool |
Banadir | 3 Gool | England | 1 Gool |
Waamo | 1 Gool | S/ Star | 2 Gool |
North/star | 2 Gool | Atlanta | 0 Gool |
Ohio | 2 Gool | Banadir | 3 Gool |
Iftin | 1 Gool | Washington | 1 Gool |
Rochester | 3 Gool | N/ Star | 0 Gool |
Minnesota | 2 Gool | Waamo | 3 Gool |
England | 0 Gool | Ohio | 9 Gool |
Holland | 1 Gool | Washington | 2 Gool |
Minnesota | 4 Gool | S/ Star | 5 Gool |
Rochester | 1 Gool | Atlanta | 3 Gool |
Wareeggii labaad " Quarter Finals" waxaa isugu soo haray 8 kooxood, kuwaasi oo iyaguna noqotay natiijadoodu sidan: | |||
Rochester | 4 Gool | Washington | 0 Gool |
Atlanta | 2 gool | Iftin | 0 Gool |
Banaadir | 6 Gool | Waamo | 1 Gool |
Somali Star | 3 Gool | Ohio | 1 Gool |
Ciyaarihii Semi-finalka ayaa waxaa isugu soo haray 4 kooxoodoo aad u wada adkaa, kuwaasi oo wada ciyaarayay ciyaar Knock Out ah oo kooxdiilaga adkaadaa ay ka harayso tartanka, waxaana natiijadoodu ay noqotay sidan:
Rochester 3Gool Banadir 6 Gool
Somali Star 7Gool Atlanta 6 Gool Ciyaartan ayaa ahayd mid lagu kala baxay Rigoorayaal, kadib markiiwaqtigii loogu talo galay ay isla dhaafi waayeen 0 iyo 0.
Ciyaartii kama dambaysta ahayd waxaa isku haleelay Banaadir iyo Somali Star. In kasta ooqaybtii dambe ee ciyaarta uu roobbadani soo da\'ay galabtaasi haddana xammaasaddii ay ku socotay ciyaarta waxbakama badalin waxaana 2 gool ay guushii ku raacday kooxda Banaadir,halka kooxda Somali Star ay ka keensadeen 1 Gool.
|
Kooxda Somali Stars- koobkii Kubbadda Cagta KAALINTA 2aad |
Munaasabaddii xiritaanka tartanka waxaa halkaasi laguguddoonsiiyay Kooxihii tartanka ku guulaystay iyo kuwii galay kaalimaha labaadkoobab iyo Billado. Waxaa iyaguna abaal marino la guddoonsiiyayciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa dhanka aadaabta, iyo gool dhalinta. Sidookalena waxaa halkaasi lagu bixiyay shahaado sharafyo dhammaanba kooxihiitartanka ka soo qayb-galay iyo shaqsiyaadkii gacanta wayn ka gaystay muddadiiuu tartankaasi socday.
Xiritaankii xafladda ka dib waxaa ii suuro-gashay inaan lakulmo guddoomiyihii guddiga qabanqaabada kubbadda cagta ee sannadkan 2002daBaashi Cali Baashi , waxaana uu warbixin kooban iga siiyay halgankii loo soomaray qabashada tartankani waxaana uu yiri:
![]() |
Baashi Cali Baashi Gudoomiyaha Qabanqaabada Koobka Kubadda Cagta |
Sannad kastaaba magaaladan Toronto waxaa lagu qabtaatartankan isaga ah oo ay isugu yimaadaan Kooxo faro badan oo ka kala socdaYurub iyo North Ameerika. Diyaargarow dheer ayaan u galnay sidii aan hawshanbaaxadda leh u gudan lahayn ilaahayna waa nagu garab galay oo sidii aanfilaynay iyo si ka wanaagsan ayay noogu dhammaadeen, waxaana mahaddeeda iskaleh Allaha wayn ka sokow dhammaanba guddigii isboortiga ee ka shaqaynayayhawshan iyada ah oo kala ahaa: Macallin Tuke, Cabdi Aadan, Cabdi Rabbi,Ibraahim, Maxamed Faarax, Cantar, Ciise Madoobe, iyo C/llahi Yuusuf . Sidookalena jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Toronto oo iyaguna gacan wayn ka gaystay inuu tartankani noqdo mid lagunajaxo. Waxaa kale oo uu aad u ammaanay dhammaanba Ciyaartooydii hore ee Soomaaliyeedoo iyagu talo iyo tusaaleba na siinayay mar kastaba Sida: Yuusuf Shaqaaq, NuurItop., Nuuraaye, Cumar Ganjab iyo qaar kaleba.
Waxaan iyaguna la illoowi karin shakhsiyaadkii gaarka ahaaee ka qayb qaatay soo dhawayntiidhallinyaradii Soomaaliyeed ee ciyaartooyda oo nooga timid Yurub iyoganacsatadii Soomaaliyeed oo iyaguna taakulayn wanaagsan noo fidiyay aad baanaugu mahadcelinayaa runtii gacantii wanaagsanayd oo ay na siiyeen. Tartankasannadkani waxaa uu uga duwanaa kuwii ka horreeyay, waxaa sannadkan ka sooqayb-galay tartanka dhallinyaro aad u da\'yar oo wacdaro ka muujiyay garoomada,taasoo nagu dhiirro-galisay inaansannadaha soo socda haddii eebe yiraahdo inaan ciyaaraha kubbadda cagta labawaji u kala qaadno oo aan ka dhigno dhallinyarada yaryar iyo kuwa waawayn.Waxaa iyaguna qorshaha noogu jira inaanu badino kooxaha tartanka ka sooqayb-galaya haddii eebe Idmo. Ugu dambayntiina waxaa uu ku booriyaydhallinyarada Soomaaliyeed inay fahmaan ujeedada loo qabanayo tartammada ciyaaraha oo ah isdhexgal iyo isbarasho,ayna kaga fogaadaan waxyaabaha xunxun ee wax u dhimaya sharaftooda oo uu qabiilku ugu horreeyo, waana arrin waajib ahin shaqsi kastaaba xil iska saaro in la isu keeno oo loo istaago sidii dhallinyaradaSoomaaliyeed la isugu keeni lahaa, fikradahoodana loo midayn lahaa.