1. Furasho : Qofka hadlaya wuxuu ku bilaaban jiray bisinka Eebe. Taasina waa dhaqan ka soo jeeda diinta islaamka. Soomaalidu bisinka waxay Eebe kaga magan geli jireen xoogag qarsoon oo ay aamin sanaayeen in ay shar wadaan, kuwaas oo sheydaanku u weyn yahay.
2. Arar : Waa hadalka hor-dhaca ah, kaas oo hadlka la leeyahay ku kordhiya shacni iyo miisaan, waxayna u gogol xaartaa oo ay buuxisaa hadalka biyo-dhaca ah ee uu oranayo ninka hadlaya. Arartu waxay ka kooban tahay maahmaahyo iyo hal ku-dhegyo lagala soo baxay gabayo horay rag u tiriyeen oo mowduucoodu u saansaan eg yahay kan loo fadhiyo. Arartu waxaa ay qurux u yeeshaa meelaha uu hadalku ka fool-xumaan karo.
2. Biya-dhac : Waa qeexidda ujeeddada iyo halbowlaha murtida looga golleeyahay ararta hore. Waa meesha ay ku aroorto ujeeddada ninka hadlaya, isla markaasna bar-tilmaameed u ah godobta ay beeshu (beeluhu) u fadhido (fadhiyaan).
3. Afeef : Waa hadalka ka dambeeya biyo-dhaca. Afeefta waxaa looga hor tagayaa hadal kasta oo la mala-awaalayo in uu gadaal ka yimaado, kaas oo lid ku noqon kara hadalladii horay looga yiri godobta loo fadhiyo. Sidaa darteed ayaa afeeftu waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay midda buuxisa meelaha uu ka liidan karo hadalka la yiri.
4 Baaniso : Waa sheekooyin horey u dhacay oo taariikhda galay, kuwaas oo u raad eg godobta loo fadhiyo. Sheekooyinkaasi waxay difaacayaan ninka godobta sheeganaya. Qodobka baanisada ah wuxuu fursad siinayaa ninka hadlaya in uu hadalka dhankii uu doono u kaxeeyo, waana qodob sida ararta oo kale, intii la doono laga hadli karo. Baanisadu waa qodobka ay Soomaalidu ka maahmaahdey markey oranayeen :
" Nin kaa hadal badiya haddii uu hortaa hadlona wax kuuma hambeeyo, haddii uu dabadaa hadlona waa uu ku ceebeeyaa".
26-2-1977-kii, waxaa magaalada Xamar lagu wareystay oday Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Sheeko-xariir. Odaygaasi wuxuu ka sheekeeyey nin ka mid ahaa odayadii Soomaaliyeed oo hadal-yaqaannada ahaa oo la oran jirey Goojow Cadde (Ogaadeen). Waa waxaa jiray uu Goojow aaday geed ay fadhi ku lahaayeen beesha (Jid-waaq) si uu ugala soo xaajoodo godob colaadeed oo ka dhexaysay labada beelood. Goojow Cadde geedkii ayuu ka hadlay. Arartii uu Goojow geedkaas ka sheegay waxaa ay ka koobnayd 114 qodob. Tiradaas wuxuu uga dan-lahaa in uu la simo tirada suuradaha quraanka oo 114 suuradood ah. Goojow wuxuu intaa raaciyay baaniso ka kooban 114 qodob oo sheekooyin dhacay ah taas oo uu wada xasuusnaa. Ujeeddada Goojow waxaa ay aheyd, beesha Jidwaaq oo uu dagaal xumi ka dhexeeyay in ay rumeystaan wada hadallada nabadgelyo ee uu Goojow wado. Xaqiiqaduse waxay aheyd, Goojow in uu sheekooyinkiisaa ku maaweelinayay dadka madasha fadhiyay ee reerka Jidwaaq ahaa. Goojow oo ay talo ka dhexeysay reer tolkiis, wuxuu fadhiga ku sugayey ciidan Ogaadeen ah oo soo socday. Goojow wuxuu ku guuleystay in uu ragga hub-qaadka ah ee beesha Jidwaaq uu hadal xiiso badan ku madadaaliyo oo ay is dhigtaan.Toban maalmood buu Goojow sheekada waday. Maalintii dambe, odayadii Jidwaaq oo qaarna hurdaan qaarka kalena ay daal la il daran yihiin ayaa nin beesha u dhashay ku baraarugay xaaladda, markaas buu dhawaaqay isaga oo leh : " War geedkan ma mid loogu adeegayo Ogaadeen baa "?
Dadkii madasha fadhiyay ayaa baraarugey, iyada oo kuwii hurdeyna ay tooseen. Laakiin baraaruggii wax-tar uma yeelan oo ciidammadii Ogaadeen ayaa markiiba kor yimid. Halkaasna waxaa lagu jebiyay reerkii Jidwaaq.
4. Mahadnaq : Fadhiga waxaa lagu gabagabeeyaa mahad celin loo mahad-celinayo xeerbeegtida fadhiga abaabulay iyo xubnaha beesha (ama beelaha) ee ka soo qeyb galay. Ninka godobta sheeganaya in uu wax markhaati ah wato haddii loo baahdo waa khasab. Halkaas baa guddoonkii waxaa kula wareegaya xeerbeegtida, kuwaas oo xaalad kasta oo ay gelayaan ka dhex-dhexaad ah, kalsoonidii dadweynahana sita. Waxaa dhacda in marar badan ay xeerbeegtidu iyagu bixiyaan qiimihii godobta leysku haystay si ay nabad uga xasiliyaan beesha (ama beelaha) dhexdeeda.
Saddex weyga marin dedan
Ninka marashi door ah leh
Meel kale u marac tegey
Ninka maal adduunyo leh
Marti nebi ka dhaban dhigey
Garta leys macooriyey
Ee muddac iyo muddaaca leh (muddaci caleyhi)
Laba markhaati gooyeen
Mooyi mooyi lagu naqay.
(Muuse Xaaji Ismaaciil)