Qaybihii hore waxaan soo bandhignay danbiyada waaweyn: Shirkiga, in uu qofku qof dilo, sixirka iyo salaadda oo laga tago, Zakada oo aan la bixin, Bisha ramadaan oo sabab laaan la afuro, qofka oo aan xajiyin isaga oo awooda iyo Waalidka oo lagu caasiyo.
Danbiga 9aad: Qaraabada oo la gooyo
Qaraabada ama dadka ehelka ah oo la xiriiriyo waa arrin aad muhiim u ah.
Xiriirinta qaraabadu waxa ay yeelan kartaa wajiyo badan sida:
In uu qofku qaraabadiisa uu ka dhaqaale roon yahay ka caawiyo dhinaca dhaqaalaha. In uu soo booqdo markii duruuftu u saamaxdo
In uu soo booqdo haddii uu jirran yahay
In uu la xiriiro si uu ula socda xaaladdiisa guud.
In uu ka waaniyo wax kasta oo xun
In uu ku dhiirro galiyo wax kasta oo wanaagsan
Marar badan ayaa Ilaahay Muslimiinta amray in ay xiriiriyaan. qaraabadooda. Ilaahay mar uu ka hadlayay qayb ka mid ah calaamadaha dadka Muuminiinta ah lagu garto wuxuu yiri Waa kuwa xiriiriya wixii Ilaahay amray in la xiriiriyo, waa kuwa Ilaahay ka baqa Suuradda: Racd, Aayadda: 20aad.
Sidaas iyo si lamid ah ayaa Nabiga korkiisa naxariisi ha ahaatee ayuu Muslimiinta ugu dhiirro galiyay in ay Qaraabadooda xiriiriyaan. Nabiga caleehi salaatu wasalaam wuxuu yiri Janada ma galo qof qaraabo gooys ah waxaa wariyay xadiiskaan Bukhaari iyo Muslim.
Waxaa kale oo nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri Qofkii Ilaahay, Nabigiisa iyo maalinta aakhiro rumaysan ha xiriiriyo qaraabadiisa waxaa wariyay Bukhaari.Qaraabada waa in qofku xiriiriyo xataa haddii ayan iyagu xiriirin waayo haddaad adigu xiririsid danbi ayaa kaa dhacaya, haddiise ayan iyagu ku xiriirin iyaga ayaa danbi loo qorayaa.