Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Agoosto 2002

Published on: 2002-08-09 17:08:15

Diinta - suaalihii iyo Jawaabihii bishaanAnisa AliSuaalihii Bishaan

Marka kowaad waxaa mahad u soo jeedinayaa somalinetka, marka xigta waxaan rabaa inaan sheekha weydiiyo su\'aalahaan:
1. salaadaha sunada waa meeqa? sunada mu\'akadka ah?
2. marka quraanka la aqrinaayo oo ku timaado aayad sujuud imisa jeer ayaa la sajuudayaa? maxaase la aqrinayaa?
3. salaada janaasada maxaa lagu aqriyaa 4-ta takbiirood?
4. magacyadii 10-kii saxaabi oo iyaga oo nool loogu bishaareeyey Janada?
Waad mahadsan tihiin howsha aad u haysaan ummada soomaliyeed.

5) Aad ayay ugu mahadsan yihiin dadka isku soo duba rida Somalinet Magazine. Ilaahay ajar ha ka siiyo dadka cilmigooda ummadda uga faaiideeya. Suaasha aan qabo waa: Annaga oo Kenya joogna ayaa walaashay oo aad u yar lagu daray nin weyn oo maraykanka ku nool. Masruuf ayuu u soo diri jiray. Kaddibna Maraykanka ayay soo gashay. Soo galitaanka Maraykanka isaga kharash ugama bixin, dad eheladeeda ah ayaa soo dhoofiyay. Markii ay Maraykanka timid ayay aragtay in uu yahay nin aad uga weyn. Waa ay diiday. Markii isagii loo sheegay in uu gabadhii furo maadaama ayan donaynay. Waa uu diiday. Hadda waxa uu yiri si aan u furo ha la isiiyo 10,000 (toban kun) oo dollar. Gabadhu hadda waa 18 jir. Waxaana ninka lagu daray dhawr sano ka hor?. Gabadha aabeheed oo awal ninka ku daray waa dhintay!
Diintu see ayay u xallin kartaa arrintaa?
Waad mahadsan tihiin.
6) Waxaan Doonayaa in aan ogaado in haweenayda garoobka ah weli looga baahan yahay in iyo in kale?

Jawaabihii Shiikh Nuux Ciise Iimaan
1) Salaadaha sunada waa meeqa? sunada mu\'akadka ah? Sunayaasha laxiriira Waajibaadka: waa 12 Ragco malinwalba, amaba 10 Ragco Maalintii iyo habeenkiiba:-
1- Subaxa Hortiis Laba Ragco Tuko.
2- Duhurka Hortiis Afar Ragco, dabadiisna laba Ragco tuko.
3- Maqribka dabadiis laba ragco tuko.
4- Cishaha dabadiisna laba Ragco tuko.
Sidaas waa laba iyo toban Ragco, waxase jirta in uu soo aroorey xadiis qaba 10 Ragco. Xadiskaas iyo in 12 Ragco ay yihiin ismadiidana, duhurka ayaa labo laga hormarinayaa weyna ka sugnaadeen nebiga N. N. Dushiisa ha ahaatee abaalgud weyn ayaa Allaah u yaboohay Ruuxa Tukada

Ka raalli ahow haddii aad suaasha ka waday sunnooyinka guud ahaan. Shiikhu wuxuu u qaatay inaad ka wadid kuwa la xiriira salaadaha waajibka ah.

2) Marka quraanka la aqrinaayo oo ku timaado aayad sujuud imisa jeer ayaa la sajuudayaa? maxaase la aqrinayaa?

Waxaa la sujuudayaa hal mar. (hal sujuud ah)
Waxaa la akhrinayaa ducadaan Ilaahow Danbiga iiga yaree, Ilaahow ajar iiga sii, Ilaahow agtaada Kayd iiga dhig, Ilaahow adiga ayaan kuu sujuuday, adiga ayaan ku aaminay, Adiga ayaan kuu hogaansamay, adiga ayaa rabigayga ah, Ilaah aan adiga ahayn ma jiro, waxaan wajigayga dhulka u dhigay Ilaahii I abuuray oo maqalka iyo aragga ii yeelay, Barakadii Ilaahay ayaa badatay, Wax wax abuura isagaa ugu kahyr badan

Markii Quraanka la akhrinayo 14 meelood oo ka mid ah ayaa la sujuudaa markii la akhrinayo, waa kuwaan 14-kii meelood
1. Suuradda Al-Acraaf, Aayadda 206
2. Suuradda Al-Racad, Aayadda 15
3. Suuradda Al-Naxal, Aayadaha 49 iyo 50
4. Suuaradda Al-Israa, Aayadaha 107, 108 iyo 109
5. Suuradda Maryam, Aayadda 58
6. Suuradda Al-Xaj, Aayadda 18
7. Suuradda Al-Xaj, Aayadda 77
8. Suuradda Al-Furqaan, Aayadda 60
9. Suuradda Al-Namal, Aayadda 26
10. Suuradda Al-Sajadah, Aayadda 15
11. Suurada Fusilat, Aayadda 37
12. Suuradda Al-Najm, Aayadda 62
13. Suuradda Al-Inshiqaaq, Aayada 21
14. Suuradda Al-Calaq, Aayadda 19
Waxa loo baahan yahay weesaqab, qiblo u jeensi, Takbiir (Allaahu Akbar), Hoobasho, Sajuud, kasoo kicid iyo Salaama naqsi.
Alla ayaa ku aqoon badan
Nuux sheekh Ciisa Iimaan.

3)salaada janaasada maxaa lagu aqriyaa 4-ta takbiirood?
Salaadda Janaasada waxa la tukadaa Sajuud la`aan, waxeyna leedahay Takbiiro afar ah iyo salaama naqsi, waxaa la aqriyaa:-
1- Takbiirta Koowaad: Faataxada Kitaabkeenna
2- Takbiirta labaad waxa la aqriyaa Salliga Nebiga oo ah mida dheer.
3- Takbiirta saddixaad: waxa la aqriyaa duco Gaar ah macnaheeduna yahay
Ilaahayow u naxariiso keena nool iyo kan dhinteyba, kan weyn iyo kan yarba, Laboodkeena iyo dhaddigena, Xurkeena iyo kan laleeyahayba, Ilaahayow Cid kasta ee nagamid ah oo nool islaamka ku nooley, Cidii aad oofsatana Iimaanka ku oofso Adiga ayaa awoodaas lehe.

4- Takbiirta afraad : waxa ku xiga Salaama naqsi Midig iyo Bidix ah.

4) Magacyadii 10-kii saxaabi oo iyaga oo nool loogu bishaareeyey Janada?

10-ka saxaabi ee iyaga oo nool Janada loogu bishaareeyay waa:
1. Abubakar Al-sadiiq: magiciisa waxaa la oran jiray: Cabndullahi Ibn Cuthman.
2. Cumar Ibnu Khidaab
3. Cuthmaan Ibnu Cafaan
4. Cali Ibnu Abii Daalib
5. Sacad Ibn Abii Waqaas
6. Siciid Ibn Zeyd
7. Cabdiraxman Ibn Cowf
8. Zubayr Ibn Al-Cawaam
9. Abu Cubaydah Caamir Ibn Jarraax
10. Dalxah Ibn Cabdullahi
Waxaan idin xusuusinayaa in ay jiraan dadka kale oo saxaabadii ka mid ahaa oo nabigu Calehu Salaatu wasalaam Janada ugu bishaareeyay.

5) Waxan Doonayaa in An si gaaban u soo jeediyo talo lagama maarmaan ah marka la lakulmo Mushkiladan oo kale lana doonayo in loo furdaamiyo si nabadgalyo ah. waxan ka soo qaadaynaa in ay Markii hore isku Raacsanaayeen Gabadha iyo Aabeheed in Ninkaan loo guuriyo. idankeeduna waa aamusnan marka la bixinayo.
Sida uu leeyahay Xadiiska Nebigu ( Carmalka waa la amarweydiiyaa Inanta yarna waa laga idanqaataa Idankeeduna waa Aamusnaan ), mar hadii an odeygii laheyn waxan ubeyreynaa wixii lahelikaro, taasoo isugu jirta Musaalaxo iyo maalcelin :-
1- Sida ku sugan Aayadda 2:35 taasoo oraneysa ( hadii aad Cabsataan in ay is khilaafaan, u Saara laba odey oo Caadil ah, labada dhinac Go`aamiyna Wadajir ama Kalatag, Allabaa hagaya oo haleeshiinaya hadii ay doonayaan wanaag ).
2- Waxa ku sugan Aayadda 2:129 ( Hadii ay kalatagaan mid waliba Allah baa ka deeqa Tanaadnimadiisa ) Anigu maba arko wax leysugu dheganado
3-Hadii intaas lawaayo waxa kaloo Xal ah in lasiiyo wixii kharash ah oo ka baxeySida ku cad Aayadda 2:229 Hadii ad ka baqdaan in ay Xuduudda allah ilaalin kari- waayaan, wax kuma jabna in ay isfurasho Maal ah bixiso Gabadhu taasina waa Xuduudda Allah ee ha gudbina, Ciddiise gudubta Allah ayey la Maageen Gardaro.
Walaalayaal Guurku malaha Sumad gaar ah , Cumri Gaar ah, amaba waxqabid

6) Gabadha hadii lafuro ama ninku ka dhinto ee ay dooneyso in an ay mar labaad guursato , wey u baahantahay weli , marnaba suutagal ma aha Meher aan lahayn weli, wuxuu yidhi Nebigu N.N. D. ah ahaatee ( Nikaax ma jiro illaa la helo Weli iyo Laba Markhaati) ( Bukhari ) Wuxu ku yijri Xadiis kle : ( Haweney Kasta ee Guursata weligeeda idankiisa la`aantiis Nikaaxeedu waa baadil 3x jeer buu ku Celiyey)
Waxa keli ah ee ay ku kala duwan yihiin hawennayda garoobta ah iyo gabdha marka la gursanayo waa wakiilashada :
Inanta yari Haddii ay Aamusto Marka Odeygu usheego in uu nin u guurinayo waa raali, oo aamuskeedaas ayaa la mid ah in ay raalli ka tahay arrintaas.Carmalkase (Garoobka) waa in ay ku wakiilataa af buuxa oo ay tiraahdo Hebel igu meheri waan doonayaaye.

Back to Category