Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Agoosto 2002

Published on: 2002-09-03 09:42:33

Axmed Ismaaciil Diiriye

Dacartuba mar bay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe;
Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaalle.
Midigtaydiyo bidixdaydu waa, labo mataanoode;
Midi waa martida soora iyo, maato daadihise;
Midna waa middiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe.
Masalooyin talantaalliyaan, maandhe leeyahaye;
Mar baan ahay muddeec camalsanoo, maagista aqoone;
Marna macangag laayaan ahoo, miiggan baan ahaye.
Mar baan ahay muftiga reerkiyo, mudanow shiikhiiye;
Marna mukhawi waashoo khamriga, miista baan ahaye.
Mar baan ahay murtiyo baanisaba, madaxda reeraaye;
Oy weliba muuno iyo dulqaad, igu majeertaane;
Marna reer magaal loofaroon, muuqan baan ahaye.
Mar baan ahay nin xaaran maqdac ah, marin jidiinkiise;
Marna tuug mu\'diya baan ahoo, maal Rasuul bixine.
Mar baan ahay maqaan awliyaad, maqaddinkoodiiye;
Marna mudanka shayddaanka iyo, maal jin baan ahaye.
Mar baan ahay nin midabaynayoo, maalinbays roga\'e;
Muuqaygu gelinkiiba waa, muunad gooniya\'e;
Miisaanna ima saari karo, qof i maleeyaaye.
Muslinkiyo gaalada dirkaba, waan micne aqaane
Malaa\'iigta Naartiyo Jannada, waygu murantaaye.
Mahadhooyin kala kaan ahoo, la igu maansheeyey
Maahmaahahaan soo dulmaray, doqoni waa mooge;
Ninkii maalmo badan soo jiraye, madaxu boosaystay
Ee inan rag miisaami jirey, wuu i maan garane.
Nin kastaw halkii kula macaan ay, muhato laabtaadu
Ee aanad madadaaladeed, igala maarmaynnin
Iska soo mar waa kuu mubaax, marinkaad doonto\'e!

Back to Category