Thanks by Samiira
Talo:
Arrintaan ku haysata waa mid ay kula qabaan dad aad u fara badan. Mar kasta oo xiriir dhamaado aad ayay dadka ugu adkaataa sidii ay mid cusub u bilaabi lahaayeen. Sababtii xiriirkii hore eersaday ayaa ka mid ah wax yaalaha gacan ka gaysta sidii mid cusub loo bilaabi lahaa. Tusaale ahaan haddii uu qof ballantii ka baxo qofkii ballanta looga baxay waa u dhib yaraanaysaa in uu xiriir cusub bilaabo isaga oo isku qancinaya in uusan qofkaasi ahayn qofkii saxda ahaa ayna lagama maarmaan tahay in uu baadi goobo kii saxda ahaa.
Haddii aynu arrintaada u soo noqono, maadaama uu xiriirkaagii hore eersaday duruuf labadiinaba idinka baxsan isla markaasna aad ogsoon tahay in aad xiriir u baahan tahay si aad u guursatid waxaad u baahan tahay in markaad qof baratid ama aad qof aad horay u taqiin doonaysid in aad xiriir la yeelatid aadan qofkaas u baran in aad guursatid ee aad u baratid in aad qofkaas isaga baratid oo aad ogaatid in uu yahay qof wax lagu darsan karo iyo in kale. Haddii aad qof baratid oo aad adiga oo aan waqti siin ku fakartid in aad guursatid waxaa dhacaysa in uu kuu cuntami waayo sababta ay taasi u dhacaysana waa adiga oo is barbardhigaya qofkaan cusub iyo saaxiibkaagii hore ee aad 3-da sano wado socoteen. Dadka intooda badan waa ku dhacaan khaladkaan ah in ay is barbardhigaan qof ay muddo badan wada socdeen iyo qof ay hadda barteen, markastana waxaa u soo baxa in aan hebel ama heblaayo oo kale adduunka ku noolayn. Runtuna waa in dad badan oo wanaagsan adduunka ku nool yihiin loona baahan yahay in waqti la galiyo si loo ogaado wanaagooda.Waxaa muuqata in aad hadda haysatid fursad fiican maadaama khibrad kuu korortay oo aad hadda garanaysid waxa aad u baahan tahay. Kalsoonida waxa aad ku soo celin kartaa adiga oo xisaabtama oo dib isugu noqda kana fakara waxa imaan kara haddaad xaaladdaan ku sii jirtid. Waxaadna ogaataa in laga fiican yahay inaad aad u taxadartid oo aad markasta ku fakartid armaa xiriir hadaad bilowdid uu burburaa!
Haddii uu ninkii hore ku xumayn lahaa arrintu waa ka duwaanan lahayd, maadaama aan ninkaasi ku xumayn ee duruuf iska timid. Si kasta oo aad qof u jeclaatid haddii ay suuroobi waydo in aad la noolaatid waa inaad tilaabada labaad ku fakartid.
Waxaan kuu rajaynayaa xiriir wanaagsan oo mira dhala.
Qofkii haya talo munaasab ah waa uu u soo diri karaa Samira.magazine@somalinet.com
Walaalayaal aad baad u mahad san tihin marka hore marka xigana waxaan u bahanahay in aad ila talisaan. Waxaan ahey xaas oo waxaa ley qabaa mudo 4 sano ah, hal canug baan leeyahay marka wax kale ma dhalin ninkeygana wuxuu igu yiraahdaa naag baan guursanayaa ilmo badan baan u bahanahay anigu waxaan jiraa 24 sano oo daaan ilmo ku dhali waayo ma gaarin maxaad igula talin laheydeen walaalayaal?
Marka koowaad waxaan ku xusuusinaynaa in carruurta Ilaahay baxsho, marka labaad haddii aad ku nooshahay meel Isbitaalo leh waxaa quman in aad takhaatiirta la tashatid oo aad baaris isku samaysid adiga oo waliba ku dadaalaya in ninkaaguna isbaaro waayo haddii cilad jirto lama garan karo qofka ay dhibaatadu haysato. Markii aad isbaartaan haddii ay dhibaatadu xaggiisa tahay isaga ayaanba waqti ku luminayn in xaas kale ku fakaro, haddiise dhibaatadu adiga tahay markaas adiga ayaa goaanka noloshaadu ku xiran yahay, in aad xaaska labaad raalli ka noqotid iyo in aad ka tahsatid adiga oo is barbardhigaya faaiidada iyo khasaaraha kuugu jira haddii aad kala tagtaan ama is qabtaan. Waxa ay u badan tahay in takhaatiirtu sheegaan dhibaatada jirta. Haddii aan isleenahay isaguna waa akhrisnayaa taladaan waxaan kula talin lahayn in uu dulqaad yeesho oo ogsoonaado in ay suurto gal tahay in uu inta guursado ay haddana carruur u dhalan waydo.Qofkii haya talo munaasab ah waa uu u soo diri karaa gabadhaan.
magazine@somalinet.com