Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Agoosto 2002

Published on: 2002-08-09 21:05:39

Dhibaatadii loo gaystay dalka Maraykanka bishii September ee sannadkii 2001, waxaa ka dhashay baqdin wayn oo soo foodsaartay shacabka iyo dowladda labadaba. Madaxwayne Bush waxa uu soo bandhigay qorshe cusub oo ah in dib u habayn lagu sameeyo hayadaha dowladda iyo shaqooyinka loo xilsaaray. Waxa kale oo madaxwaynuhu soo bandhigay qorshe cusub oo lagu samaynayo hayad cusub oo uu magaceeda u bixiyey Homeland Security. Bishii October ee sannadkii 2001, ayaa madaxwaynuhu u magacaabay nin la yiraahdo Tom Ridge inuu qabto jagadii ugu horraysay ee hayadda Homeland Security. Tom Ridge oo uu aabbhiis ka mid ahaa askartii dagaalkii labaad ka qayb gashay, ayaa isaguna ka mid ahaa ciidamadii maraykanka ee dagaalka la galay dalka Vietnam. Sidoo kale Tom Ridge waxa uu ka baxay jaamicadda caanka ah ee Harvard. Tom Ridge waxaa loo doortay labo jeer inuu ka noqdo governor gobolka Pennsylvania, sidoo kale Mr. Tom Ridge waxa uu ka soo shaqeeyey muddo dheer congresska dalka maraykanka. Isla markii loo magacaabay Jagada cusub, waxaa uu Tom Ridge iska casilay jagadiisii governorka waxana uu u soo guuray Washington si uu guda galo howshii cusbayd ee loo xilsaaray. Dib u habayn noocaan oo kale ah waxaa la sameeyey sannadihii 40-eeyadii markii laga soo noqday dagaalkii labaad oo Maraykanka iyo xulufadiisu ay ku guulaysteen. Madaxwayne Truman ayaa ku khudbeeyey in la mideeyo ciidamadii Millateriga oo dhan si loogu guulaysto dagaalkii qaboobaa cold war. Markaas ayaana la sameeyey Department of Defence iyo hayadda la yiraahdo National Security Council.

Madaxwayne Bush oo khudbad u jeediyey Congresska waxa uu ka hadlay khatarta uu ku sugan yahay dalka maraykanka iyo in cadawgu uu si fudud ku soo gali karo dalka gudihiisa khal-khalna galin karo nabad galyada. Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu qiray in ayan jirin hayad si buuxda isaga xilsaarta ilaalinta amniga. Khudbaddaas madaxwaynuhu waxa uu ku sheegay in America ay dagaal kula jirto cadow aan loo jeedin, ayna lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo dhulka maraykanka. Hayaddaan cusub ee la aasaasay ayaa shaqadeeda guud waxa ay noqon doontaa ka hortagga argagixisada iyo weerarrada lagu soo qaado dalka gudihiisa iyo haddii dhibaato dhacdo, sida tii September 11, in hayaddu ay ka qayb qaadato dib u dhiska iyo sidii loo yarayn lahaa khasaaraha ka yimaada weerarrada lagu soo qaado dalka gudihiisa.

Dhismaha hayadda cusub waxaa ka soo horjeeda shacab badan oo Maraykan ah oo markii horeba ka caban jiray tirabadnida shaqaalaha iyo hayadaha dowladda iyo waxqabad laaantooda. Waxaa la iswaydiinayaa haddii dhowr boqol oo hayadood ay nabadgalyada sugi waayeen sida loo rumaysan karo in hal hayad wax qaban karto. Laakiin madaxwayne Bush waxa uu sheegay in cilladda oo dhan ay ka timid hayadaha tirada badan oo aan wax wada shaqayn ahi ka dhexayn oo mid walibana ay qaabilsan tahay wax yar oo information ah.

Tusaale ahaan haddii uu markab ku soo xirto deked ka mid ah dekadaha dalka maraykanka waxaa la kulmaya hayado badan oo ay ka mid yihiin Customka, Immigrationka, Coastal Guard, Department of Agriculture iyo hayado kale oo badan. Markaas hayad kasta waxa ay shaqo ku leedahay howl gaar ah. Sida Custom-ka oo ku shaqo leh alaabta markabka saaran oo kaliya; Immigration-ka oo ku shaqo leh dadka markabka saaran oo kaliya iyo Coast Guard-ka oo masuul ka ah markabka inta uu ku xiran yahay dekadda ama ku sugan yahay biyaha maraykanka; hayadda beeraha iyaduna waxay ay u xilsaaran tahay qaybo kale.

Waxaa kale oo welwel laga qabaa awoodda weyn ee la siiyey hayadda cusub. Waxaa dhici karta in hayaddu ay ku tagrifasho awooddeeda oo markaas ay qofka muwaadinka ah xorriyaddiisa ku xadgudubto. Ciidamada police-ka dalka maraykanka oo aan xitaa awood ballaaran lahayn ayaa aad u isticmaala ku takrifalka awooddooda oo dhibaatooyin waawayn u gayta shacabka maraykanka ah, gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay ama leh midabka aan caddaanka ahayn.

Sidoo kale dhaqaalaha loo qoondeeyey hayadda cusub ayaa ah mid aad u fara badan. Sannadka 2003 ayaa waxaa loogu tala galay hayadda Homeland security lacag dhan 37.7 Billion. Si kastaba ha ahaatee labada sano ee soo socota ayaa la arki doonaa faaiidada iyo khasaaraha hayadda cusub ee Homeland Security.

Back to Category