2-2-1977-kii, maalin ka hor intuusan Mengiste xukunka qabsan ayaa Herbert Malin oo ahaa qunsulkii siyaasadda safaaradda Mareykanka ee Itoobiya, wuxuu kulan la qaatey S. Sinitsin oo ahaa Soviet Conselor Minister in Ethiopia. Malin wuxuu fadhigaas ku caddeeyey in dowladdiisu eeyan weli qaadin tallaabo diblomaasiyadeed oo lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo in dowladda Itoobiyana eeyan wax codsi heshiisiin ah u gudbin dhanka dowladda Mareykanka. Waxaa kale oo diblomaasigaas Mareykanka ahi uu hadalkiisii raaciyey :
Waxaan filayaa in xiriirka labada dal (Soomaaliya iyo Itoobiya)uu sii kharibmayo kaddib marka Jabuuti ay hesho madax bannaanideeda sannadkan dhexdiisa. Bilihii la soo dhaafey Soomaaliya waxaa ay ku guuleysatay in ay Jabuuti ku yeelato saameyn siyaasadeed oo weyn, Xiriir adagna waxaa ay la yeelatay mas\'uuliyiinta reer Jabuuti. Arrinkaas wuxuu cabsi wayn ku abuurey dowladda Itoobiya. Waxaa kale oo jira, markii ay Jabuuti xorowdo, in ay si toos ah ugu biiri doonto Jaamacadda dowladaha carabta, kuwaas oo ay la yeelan doonto xiriir dhaqaale. Waxaa la filayaa in arrnku uu sii murugsanaanan doono. Kuwo badan oo ka mid ah dowladaha carabta ayaa qunsullo ka furtay Jabuuti.
Ururkaas wuxuu ahaa halka uu cadaadiska dhabta ah kaga imanayey maamulkii gumeysiga ee Faransiiska ee Jabuuti fadhiyey. Dabadeed Faransiiskii wuxuu goaan ku gaarey in uu Jabuuti siiyo madax-bannaani buuxda. Bishii disember 1975-kii, kulan ka dhacay magaalada Baariis oo ay isku arkeen Cali Caarif iyo madaxweynihii Faransiiska Giscard d Estaing, ayaa Cali Caarif loogu sheegay in Faransiisku doonayo in uu Jabuuti siiyo madaxbannaani buuxda , iyadoo uu Faransiiskuna rabo in uu xejisto booskii uu ku lahaa oo ay ciidamadiisu fadhiyeen.
AASAASKII JABHADIHII XOREYNTA SOOMAALI GALBEED
Qorshihii ugu horreeyey ee ku saabsanaa dagaalkii Itoobiya lagu qaadey wuxuu dhacay bishii Nofember sannadkii 1975-kii, markaas oo magaalada Qoryooley lagu qabtey fadhi saddex maalmood socday oo ay ka soo qeyb-galeen rag gaaraya 300 oo nin oo ka socdey qaxootigii ku sugnaa dalka Soomaaliya ee degaanka Ogaadeenya ka yimid. Halkaas waxaa laysku tusiyey in liidashada ay dowladda Itoobiya liidato ay suurta-gelineyso in haddii dagaal lagu qaado lagaga adkaanayo. Dhowr maalmood dabadeed boqollaal rag ah ayaa waxaa la farey in ay xuduudda ka tallabaan, dabadeedna waajibaad la siiyey ay gudaha Itoobiya ka soo fuliyaan. Gaashaanle Sare Galaal ayaa ciidankaas sii dhoweeyey oo wuxuu uga soo harey degmada Bar-daale ee Beydhabo iyo Luuq u dhexeysa. Hadalladuu ku sagootiyey waxaa kamid ahaa:
Dowladdii soomaaliyeed iyo shacabkeedii, wixii ay idiin heli kareen waa ay idin siiyeen, wixii intaas dhaafsiisan waxaad ku leedihiin Itoobiya ee u doonta.
Ciidamadii waxaa ay ka tallaabeen xuduudda koonfureed ee Itoobiya kuwaas oo sitey hub cusub laakiin aanan casri aheyn. Ciidamadaasi markey gudaha Itoobiya galeen waxaa ay isu qey-biyeen labo qeybood, waxaana ay kala aadeen Baali iyo Siidaamo. Qeyb ka mid ah ciidankaasi waxaa watey Ruube waxaana ay ka koobnaayeen 750 nin oo awr u raran tahay. Ciidankaasi waxaa ay gaareen galbeedka gobolka Baali, halkaas oo ay labo kooxood isu qeybiyeen. Koox uu hoggaaminayey Ruube waxaa ay ku nagaadeen degmada Delo, kooxda kale oo uu hoggaaminayey Siraaji Xaaji Isaaq Daadi waxaa ay aadeen dhanka waqooyiga iyo agagaarka degmada Ginir.Ruube intuusan Baali gaarin wuxuu farriin u diray Waaqow Guuto oo howshan odey ka ahaa . Waaqow markiiba wuxuu ciidankii ku soo xoojiyay rag kale oo tababar ugu jiray xeryo Soomaaliya ku yiil. Ciidammada Siidaamo waxaa dusha ka heystay nin la yiraahdo Cabdullaahi Xaaji Xasan (Geri) kaas oo isagu ka mid ahaa raggii ku soo tababartay Waqooyiga Kuuriya. Intii uu ciidankaasi dhexda sii socdey meelo dhowr ah ayey isaga hor yimaadeen ciidamadii dowladda Itoobiya, waxaana dhex marey dagaallo.
Markii ay dagaaladaasi dhaceen, dowladdii Soomaaliyeed waxaa ay guddoonsatey in ay dagaalka ballaariso oo ay iska hormariso jabhado sita magacyo kala duwan oo ka dagaal gala gobollo kala duwan. Goaankaasi waxuu ahaa kii sababey in ay dowladdu sameyso magacyihii jabhadaha dagaallamayey ay wateen oo kala ahaa (Western Somali Liberation Front W.S.L.F.) iyo (Somali Abo Liberation Front S.A.L.F.). Fadhi mar dambe loo qabtey W.S.L.F.buu Maxamad Siyaad wuxuu ku sheegay in ujeeddada uu Abboo u bixiyey ay aheyd iyadoo laga rabey Oroma-da dhulka buuraleyda ah deggan in ay dagaalka ay Soomaalidu ku qaadeen Xabashida ay gacan ka geystaan, waayo Soomaali keligood kama ay dagaallami karaan Baali iyo Siidaamo haddii eeyan Oromada gacan ka helin. Hadalkaa waxaa sheegey Duraan Axmad Xaashi oo fadhigaa goobjoog ahaa. Jabhadda W.S.L.F. wuxuu magaceeda baxay bishii janaayo 1976-kii mar fadhi lagu qabtay tuulada la yiraahdo Yaaq-bariweyn ee u dhow degmada Wanlaweyn. Halkaas waxaa lagu doortey guddi uu magacaabay Maxamad Siyaad, waxaana ku ayiday rag isaga taageersanaa. Fadhiga isaga iyo saraakiil sare ee dowladdiisa ah ayaa maamulayey.
Waxaa la doortey 25 xubnood oo ah gole dhexe, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 10 nin oo jaamicado ka oo qalin jebiyey, 5 ka mid ah waxaa ay wax ku soo barteen dalka Masar, waxaa kale oo ka mid ahaa hal qof oo haween ah. Ugu yaraan 3dex ka mid ah guddiga waxaa ay ku soo tababarteen dalka Waqooyiga Kuuriya. Intooda badan dadooda aad bey uga yareyd in ay hoggaamiyaan halgan noocan oo kale ah. Golahaasi intiisa badan waxaa ay ahaayeen beesha Ogaadeen,qabaailka kale ee degaanka waxaa kaga jirey dad matala.
La soco cadadyada dambe iyo qaabkii golahu u dhisnaa