Waxaan shaki lahayn in ummad kastaa leedahay dhaqan u gaar ah oo ka sooca ummadaha kale ee adduunka kula nool, ummad kastaana waxaa ay ku faantaa dhaqankeeda soo jireenka ah oo ay ku abtirsato. Sidoo kale, dhaqan kastaa wuxuu leeyahay dhinacyo fiican iyo kuwa aan fiicneyn, marka loo fiirsado oo si wanaagsan loo lafaguro.
Dhaqanka ay ummadi leedahay waa mid badanaa si caadi ah loo dhaxlo, umana baahna in goobo waxbarasho loo galo, laakiin waxaa laga bartaa bayadda ay ummadaasi ku nooshahay. Dhab ahaantiina bayadda ayaa ah macallinka weyn ee dhaqanka u gudbiya jiilal badan oo isdaba joog ah. Jiil kastaana si fudud ayuu ula wareegaa dhaqanka iyo hab nololeedkii isaga ka horeeyey. Dhaqanka ummadi leedahay waa mid aan u baahnayn in la xasuusto, la xafido, amabase la akhriyo. Waa mid ka mid ah hab nololeedka maalinlaha ah ee ummadaas. Sidaas darteed, jiil kasta oo barbaarayaa wuxuu ku indha dilaacsadaa dhaqankaas oo meesha yaala.
Waxaa xusid mudan in dhaqan ummadeed aanu ahayn ma doorsoome, laakiin uu doorsoomi karo isna badali karo. Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha badala ummad dhaqankeed, sida la qorey, waa waxyaabo adag! Waxyaabahaasna waxaa ka mid ah xoog qalaad oo ka tan roon kuna habsada ummad meel dagan lana dagaalama dhaqankeeda. waxaa kaloo ka mid ah, ummada oo ka bara kacda bayaddii ay ku noolaan jirtay. Waxaana iska cad in ummad kasta oo baro kacdaa ay la kulanto dhibaatooyin fara badan oo kala duwan. Sida mid siyaasadeed, dhaqaale, iwm. Dadyow badani si sahlan ayay u lumiyaan dhaqankooda ka dib markii uu ku yimaado baro kac.
Waxaan shaki lahayn in tiro badan oo ka mid ah ummadda Soomaaliyeed ay ka baro kacdey bayaddii ay isir iyo farac ugu soo noolaan jirtay, sababa badan awgood. Markaas waxay tahay su\'aashu, sidee bay ummada Soomaaliyeed ee Galbeedka ku nool dhaqankeeda u heysan kartaa ummaddana u dhexgali kartaa? Jawaabta suaashani waa mid u taala akhrista kasta, waxayna u eg tahay in ay jawaabtu tahey Baryo Eebe.
Waxaa marag ma doonta ah in qoys kasta oo Soomaaliyeed oo ku nool Galbeedka uu wadnaha farta ugu hayo dhaqan doorsoon ku iman kara jiilka isaga ka hadhi doona, waalid badanna waxay u arkaan in ubadkoodu si aayar aayar ah ay u sii luminayaan dhaqankii soo jireenka ahaa ee awowyadood. Dhinaca kale, dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed waxay arkaan in waalidkood yahey maro ku dhag aan waxba laga dhaadhicin karin, mana arkaan dhaqan weyn oo ay ka tagayaan ama qashinka ku darayaan. Waxaa jira loolan fikradeed oo ka dhaxeeya waalidka Soomaaliyeed iyo ubadka barbaaraya.Waxaad moodaa in dad badani aaminsan yihiin in dhaqankaaga laga tago, haddii la doonayo in la dhexgalo ummado kale, iyaga oo adeegsanaya maahmaahyo ay ka midyihiin: Haddaad joogto meel il laga layahay isha ayaa layska ridaa, markaad Rooma joogto samee waxa Roomaanku(Talyaaniga) sameeyaan, dhib malaha in dadkoo kale la noqdo, iyo kuwa kale.
Dhamaan maahmaahyahaas kor ku xusan waa kuwo si khaldan loo adeegsado, looguna talo galay in ruuxa raaca ay dhaqankiisa badalaan. Waxaana cad inay tilmaamayaan dhibaatooyinka uu la kulmi karo qof kasta oo ka bara kaca bayaddii uu ku noolaan jiray.
Run ahaantii, way ku adag tahay jiilalka soo kacaya inay dhaqankooda sidii la rabay u haystaan una xafidaan! Dad badan waxay u arkaan in haysashada dhaqanka wanaagsan iyo dhexgalidda ummadi ay yihiin laba arrimood oo aan is qaadan karin, in badan oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeedna waxay aaminsan yihiin in haddii ay tahay inay ilaaliyaan dhaqankii waalidkood ee soo jireenka ahaa ay faraha kala baxaan bayadda ay ku nool yihiin, iyaga oo aaminsan ineyna xubin firfircoon marna noqon karin, hadday dhaqankooda heystaan! Waxaana hortaala laba daran mid dooro.
Waxaa hubaal ah inuu jiro culeys badan oo ka imanaya bayadda qalaad oo ay Soomaalidu ku nooshahay, laakiin waxaa la gudboon qofkii doonaya inuu dhaqankiisa badbaadiyo inuu dulqaato, dadaal dheerad ahna sameeyo. Haddii loo dulqaato dhibaatada bayadaha qalaad, waxaa laga yaabaa in ugu dambeystii bayadaha laftigoodu ku bartaan, aqbalaana dhaqankaaga; taasna waxaa ka dhalan karta inuu qofku si caadi ah dhaqankiisa fiican u heysto isagoo isla markaana ummada uu la nool yahey dheehaya.
Waxaa lagama maar maan ah in ruuxa meel qariib ku ahi uu dadka baro dhaqankiisa, una sheego inuu dhaqankiisu yahey qayb isaga ka mid ah. Haddii kale waxaa imanaysa in qofku ka xishoodo ku dhaqanka dhaqankiisa, ugu danbayntiina uu meel laba dhexaad ah isa soo taago.
Gabagabadii, Soomaalida ka soo bara kacdey waddankoodii kuna nool waddamada reer Galbeedka waxay haysan karaan dhaqankooda ummadana way dhexgali karaan, dhibba ha kala kulmeene. Haddaba waxaa la gudboon waalidka Soomaaliyeed inay ubadkooda ku beeraan dhaqan jacayl, iyaga oo tusaya faaiidooyinka dhaqan haysashada.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!