Fu\'aad Shiikh Ibraahim oo bulshada isboortiga Soomaaliyeed ay u yaqaaniin "fu\'aad Fujuu" ayaa ka mid ahaa dadka sida aadka ah loogu qadariyo ciyaaraha Soomaaliyeed, gaar ahaan kubbadda koleyga oo uu xilliyo kala duwan ku soo dhex jiray isaga oo marna ahaa ciyaartooy, marna ahaa tababare, waxaana uu soolayliyay kooxo faro badan oo markaasi isugu jiray kooxo Soomaaliyeed iyo kuwo Ajnabi ah intaba. Fu\'aad Fujuu waxaa uu ku dhashay Magaalada Jigjiga sannadku markuu ahaa 1954kii, Waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe iyo sareba waxaa uu ku qaatay magaalada Muqdisho isaga oo markaasi ka baxay dugsigii sare ee 15ka May, dabadeedna waxaa uu u leexday dhinacii isboortiga isaga oo markaasi ka qayb-galay Machadkii Isboortiga ,waxaana uu halkaasi ka qaatay koorosyo faro badan oo ku taxaluqay isboortiga gaar ahaanna kubbadda koleyga. Inkasta oo loo xulay ciyaaryahannada qaranka ee kubbadda koleyga misana Macallin fu\'aad kama qayb qaadan tartammadii cayaaraha caalamiga ee dibadda isaga oo uga haray dhaawacyo soo gaaray, Waxaase xusid mudan in Fu\'aad uu ahaa macallinkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo gacanta ku qabta koox qaran oo ajnabi ah taasoo ah waxyaabaha ugu waawayn ee lagu xasuusto shakhsi ahaantiisa. Fu\'aad Fujuu haatan waa xaas leh sagaal caruur ah waxaana uu ku nool yahay dalka Holland.
![]() |
Macalin Fu\'aad |
Shiikha: Goorma ayaad billowday ciyaaraha ? yaase kugu dhiirri-galiyay?
Fu\'aad Fujuu: Waxaan bilaabay ciyaaraha sannadkii 1968dii,gaar ahaanna kubbadda koleyga ayaan ku bilaabay oo xooggiisii uu ku billowday iskuulada, waxaana markaygii ugu horraysay igu diirri-galiyay macallin noo dhigi jiray isboortiga oo la yiraahdo Maxamed Yuusuf, Markii dambana waxaan dhiirri-galin badan ka helay oo ii bilaabay aasaaska ciyaarta kubbadda koleyga macallinkii la oran jiray Aadaamo.
Shiikha: Ma jireen noocyo kale oo ciyaareed oo aad ka qayb-qaadatay?
Fu\'aad Fujuu: Haa, waa jireen, ciyaarihii dugsiyada ayaan ka qayb-galay aniga oo markaasi ciyaarayay ciyaarta kubbadda cagta oo aan aad ugu wanaagsanaa, inkasta oo aanan safan ciyaaraha heerka 1aad misana waxaa jiray naadi aad ii raadinayay inaan u ciyaaro oo ahaa naadigii la oran jiray Auto-barka oo markii dambe loo bixiyay Gaadiidka, waxaana arrintaasi aad iiga hor istaagay jacaylka gaar ahaaneed aan u qabay ciyaarta kubbadda koleyga oo aan ku haminayay inaan mar un soo gaaro ciyaaraha heerka 1aad ee naadiyada taasoo ii hirgashay.
Shiikha: Sidee baad ku soo gaartay Ciyaaraha heerka 1aad ee naadiyada?
Fu\'aad Fujuu: Markii aan ciyaaray ciyaarihii dugsiyada ayaa 1969kii waxaan helay fursad aan kaga mid noqdo kooxdii loo yiqiin Centro Sportivo oo uu guddoomiye noo ahaa nin la yiraahdo Isoo-mareey,1970 kii oo ahayd markii la aasaasay naadiyada heerka 1aad ayaana ka mid noqday naadigii loo yiqiin Munishiibiyo ama dawladda hoose, waayadii dambana loo bixiyay naadiga Muqdisho.
Shiikha: Ma ka qayb -qaadatay tartammadii xiisaha badnaa ee ciyaaraha gobollada oo sannadkiiba mar la qaban jiray?
Fu\'aad Fujuu: In kastuu ahaa tartammadii Soomaaliya laga qabanayay kii ugu xiisaha badnaa ,misana nasiib wanaag kama qayb qaadan waayo ciyaarahaasi gobollada waxaa sidoodaba la bilaabay 1971 kii, aniguna 1970kii ayaan ku biiray ciyaaryahannada heerka 1aad ee dalka (Seria A), markaasi sharciga ayaa noo diidayay in ciyaaryahan heerka 1aad ah uu ka qayb qaato tartamadii ciyaaraha gobollada.
Shiikha: Naadiyo kale oo aad u ciyaartay ma jireen?
Fu\'aad Fujuu: Runtii waa jireen, 1975 kii ayaa mar ay Xurguf ina dhex martay aniga iyo tababarihii naadiga dawladda hoose ayaan ka tagay kooxda oo waxaan u soo saftay naadigii la oran jiray warshadda Caanaha oo ay joogeen rag isboortiga caan ku ahaa Sida Jimcaale Qararac, Cabdirisaaq Shuluq, C/salaam Muuse Galaal, iyo Macallin Joonmuddo yar dabadeedna khilaafkii aniga iyo tababaraha waa la xalliyay waxaana dib ugu soo noqday naadigaygii dawladda Hoose.
Shiikha: Wax guulo ah oo ay gaartay kooxdaadii dawladda hoose ma jirtaa?
Fu\'aad Fujuu: Sideedaba kooxda dawladda hoose waxaa la aasaasay 1970 kii, dalka Soomaaliyana waxaa laga ciyaari jiray labo koob oo kala ahaa Horyaal iyo Jeneraal daa\'uud.
Marka aan kuu soo koobo kooxda dawladda hoose ayaa labadaasi koob ku guulaysan jirtay inta badan ilaa laga soo gaaro 1975 kii oo ay soo baxeen wiilashii Jeenyo ama 5 tii Jeenyo sida aad u maqashay kuwaasi oo jilbaha noo laabay hoggaankiina nagala wareegay.
Shiikha: Maxaa kuugu xusuus badnaa intaad ciyaaraha ku dhex jirtay gaar ahaan K/koleyga?
Fu\'aad Fujuu: Sannadkii 1976kii ayaanan sinnaba ku illoowi karin oo xusuustayda si gaar ah ugu qoran, waayo waxay ahayd guul wayn oo u soo hoyatay dhammaanba kooxaha naadiga dawldda hoose..Galabtii waxaa koobkii Horyaalka ee kubbadda cagta ku guulaystay naadiga Munishiibiyo..Habeenkii markii laysugu yimid garoonkii Luujino oo aalaaba lagu qaban jiray ciyaaraha kubbada koleyga iyo laliska, kooxaha Dawladda hoose oo iyagu wiilal iyo gabdhoba taagnaa Final ayaa gabi ahaanba ku guulaystay koobabkii jeneraal Jeneraal Daa\'uud iyaga oo ku guulaystay kubbaddii laliska (Volly ball) iyo kubbaddii koleyga ( Basket ball)taasi ayaana iigu farxad badnayd intaan ku dhex jiray ciyaaraha. Markaasi ayaana gabi ahaanba iigu dambaysay ka qayb-qaadashada ciyaaraha waxaana u wareegay dhanka tababaraninimada. In kasta oo ay aad uga xumaadeen maamulkii naadiga iyo taageerayaashoodaba tallaabadaasi aan ku dhaqaaqay misana waan ku adkaystay inaan ka fadhiisto ciyaaraha waxaana ii muuqatay inay ii ahayd fursad munaasabad qiimo wayn oo sida ay ii soo martaa mar kale ay adag tahay.
Shiikha: Ma Xusuusan kartaa guuldarradii kuugu xumayd intaad ku dhex jirtay ciyaaraha?
Fu\'aad Fujuu:Guuldarradii iigu xumayd ayaa ahayd ciyaar ay kooxdaydii dawladda hoose kaga hor imaanaysay kooxdii jaamacadda oo markaasi aynu guul filanaynay iyadoo kooxda jaamacadda aynu ciyaarta dhammaadkeedii ku hoggaaminaynay 10 dhibcood ayay markaasi si aad ah jaanta isula heleen rag caan ku ahaa kubbadda koleyga oo markaasi u ciyaarayay Jaamacadda Sida : Jaarlees, Cali Qaraab ( Allaha u Naxariisto) iyo C/risaaq Matiito, waxaana u suuro -gashay inay guushii naga maroorsadaan.
Shiikha: Ciyaaryahannadee aad ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan , markaad u ciyaaraysay kooxdaadii kubbadda koleyga ee naadiga Dawladda hoose (Munishiibiyo)?
Fuaad Fujuu: Ciyaartooyda aan sida aadka u jeclaa waxaa ka mid ahaa: Sarxaan dheere, Cumar Ringo, Cali Cismaan, Faarax Kaynaan ( Allaha u naxariisto) iyo Abkoow.
Shiikha: Ma jireen ciyaaro caalami oo aad ka qayb-gashay?
Fu\'aad Fujuu: in kasta oo la ii magacaabay xulkii qaranka sannadihii 1975/1976 kii haddana Xaqiiqdii ma jirin ciyaaro caalami oo dibadda ah oo aan ka qayb-galay dhaawac I gaaray awgii, iyo ciyarihii oo iska baaqday dhawr jeer , hase yeeshee waxaan saftay ciyaaro saaxiibtinimo oo ka dhacay dalka Soomaaliya gudahiisa oo aan la ciyaaray kooxo ka socday: Shiinaha, Ruushka, iyo koox ka socotay dalka Masaarida.
Shiikha: Ma Jireen Guulo Gaar ahaaneed oo aad ciyaaraha ka gaartay gaar ahaan K/ Koleyga?
Fu\'aad Fujuu: way jireen waayo waxaan ahaa tababarihii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo gacanta ku qabta koox heer qaran oo ajnabi ah, kooxdaasi oo ahayd kooxda qaranka kubbadda koleyga ee Yaman ( Yamanta -Sanca), waxaana ay ahayd mid taariikhdayda baal dahab ah iiga jirta. Tan kale waxay ahayd kooxda Munishiibiyo oo aan gacanta ku hayay oo sannadkii 1980 kii ku guulaysatay koobkii kaalinta 1aad ee Jeneraal Daa\'uud iyaga oo aan marnaba dhinacooda dhulka la dhicin. Labadaasi arrimood ayaan u arkaa inay ahaayeen guulihii gaarka ahaa oo aan isboortiga ka gaaraygaar ahaan kubbadda koleyga.
Shiikha: Kooxdaasi qaranka ee aad xustay ,wax guulo ah ma gaareen intaad gacanta ku haysay?
Fuaad Fujuu:Xaqiiqdii guulo ayay ku tallaabsadeen iyaga oo markii hore ahaa kooxaha sida aadka loogu dhibco badsato ciyaaraha caalamiga ah, wax wayn ayaana iska badalay intii aan la joogay waxaana ay dhawr jeer u soo gudbeen wareegii labaad ee tartamada Zone-ka.
Shiikha: Maxaa farqi ah oo u dhaxeeyay awooddii ciyaaryahannada Soomaaliyeed Iyo ciyaaryahannada aad ku aragtay dalalka carabta, iyo Afrika ?
Fuaad Fujuu: Markaan xaqiiqda ka hadlo waxaan la inkiri karin in dalkeenna Soomaaliya ay lahaayeen ciyaartooy aad ugu wanaagsan kubbadda koleyga, awooddooda iyo xirfaddooduna ay sarreysay, fahamkooduna uu aad u wanaagsanaa, inkasta oo uu dalkeennu dhaqaale ahaan iska liitay haddana awoodda ciyaartoydeena waxaan oran karaa way ka heer sarreysay ama way la sinnayd ciyaaryahannada ay isku arkaan ciyaaraha caalamiga ee Afrika, iyo Carabta hase yeeshee aysan helin fursadaha dibadeed oo ay heleen ciyaaryahannada kale ee dunida. Tan kale Ciyaartooyda Soomaaliyeed aad buu u wanaagsan yahay Fahamkoodu, hase yeeshee kooxihii Carbeed oo aan soo layliyay iyo haatan oo gacanta aan ku hayo koox Reer Holand ah waxaad moodaa in fahamkoodu uu gaaban yahay oo waqti faro badan ay kaa qaadanayso sidii uu ciyaartoygu durba u fahmi lahaa una qabsan lahaa xeeladda aan markaasi doonayo in kooxda lagu joojiyo weerarkooda, difaacoodana lagu jabiyo.
Shiikha: Taasi macnaheedu ma xagga isfahamka luqaddaa, mise wax kale ayaa jira?
Fuaad Fujuu: aad baan ugu wanaagsanahay luqadaha carabiga iyo tan Holland, waxaase ay murugtu ka jirtaa ciyaartooyda oo fahamkoodu uu liito.
Shiikha: Sidee baad is leedahay waa lagu horumarin karaa gabi ahaanba isboortiga Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan?
Fuaad Fujuu: Waxa ugu horreeya ee lagu horumarin karo waa iyada oo la badiyo tartammada ciyaaraha dhallinyarada, waayo sida aynu ka wada dharagsan-nahay Isboortiga waxaa uu dhallinyarada kala diriraa anshax xumada, waxaana u arkaa in isboortigu yahay kan isu keeni kara Bulshada loona baahan yahay xag maskaxeed iyo xag jireed.Tan kale ayaa iyaduna ah in la abuuro dad aqoon fiican u leh Isboortiga ha noqoto dhanka Tababarayaasha, Garsoorayaasha, iyo maamulka Isboortiga intaba.
Shiikha: Ugu dambayn maxaad talo ahaan ugu soo jeedinaysaa dhammaanba ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee ku hawlan noocyada ciyaareed ee kala duwan?
Fuaad Fujuu: Waxaan ugu horrayntii aad ugu mahad-celinayaa dhammaanba dadka Soomaaliyeed ee isu xilsaaray inay horumariyaan Issboortiga Soomaaliyeed iyadoo aysan wax dawlad ah maamulayn, waana arrin runtii aad loogu faani karo..Tan kale waxaan jeclahay inaan iraahdo ciyaartooyda guud ahaanba ha ku dadaalaan Ismaqalka iyo kala dambaynta dhexdooda iyo tan ay u hayaan tababarahooda taasoo aan oran karo waxay horseed u noqonaysaa guulo faro badan oo ay kooxdu ku tallaabsato. Ugu dambayntiina waxaan ku bogaadinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddaba inay ku dadaalaan waxbarashadooda, ilaalinta dhaqankooda, diintooda, isla markaana ay dareemaan inay yihiin jiilka cusub ee laga sugayo inay hoggaanka dalka qabtaan.