Intii aysan raad nagu yeelan ilbaxnimada daciifka ah oo dhaqanka u noqotay Soomaalida reer magaalowday, beelahayaga reer miyiga ah waxaa u dhaqan ahaa in ay ka guursadaan beelo ay degaan iyo dhalashoba ku kala drugsan yihiin, iyaga oo gabdhahooda siin jiray beelo aanan la duddo ahayn. Marka gabdhaha la isa siiyona, waxaa halkaas ka abuurma xiriir xididnimo. Xiriirkaasi wuxuu ahaa xiriirrada dhex-mara xubnaha bulshada reer miyiga ah kuwooda loogu xushmad iyo xishood badan yahay. Waxaa miyiga Soomaaliya ku badan nin meel kula nool soddohdiis oo eeyan weligood wejigooda is arag. Xoolo-dhaqatadu, wax badan oo nolosha u sahla ayay ku heli jireen xiriirka xididnimo. Aw-Muuse Ismaaciil oo arrinkaas tilmaamaya wuxuu yiri:
Nimankii deg deg u keeni jirey xidid wuxuu doono
Salaan Carrabey ayaa isaguna tilmaamay maamuuska xididka. Mar ay rag marti ah oo jifidiisa ah u yimaadeen ayuu xaaskiisa gabay kula hadlay isaga oo leh :
Naagyahay hannaan xididtinnimo waa hantiyo soore
Laba la hinjiyaba waa hunguri kii horreyn jiraye
Aqalkaan hilbiyo soori ool haqab la\' oo buuxa
Aan Haanta caanuhu ku jirin halab karuurkeedu
Guur uma hagaagine waxbaa loo hadoodilaye
Taas bay ahayd sababta uu Eebe uga mahad celiyay abwaankii lahaa tixdan.
Xamdi mahad xigto iyo tol iyo xidid haddaan yeeshay.
Maamuuska xididku ma ahayn arrin xilliyo gaar ah ku jaangoan. Sida uu dhaqanku ahaa, dadka xididka ah mar kasta oo ay colaad jirto waa ay is bixin jireen. Xilliyada qallafsan, xididku waa uu isu xoolo-gooyaa. Tub marka safarradana, xididku wuxuu ka mid yahay meelaha socdaalka lala beegsado oo ay reer miyigu higsadaan. Xushmadda iyo maamuuska xididku leeyahay iyo gudashadeeda, meelo badan ayay sheekooyinka Soomaalida kaga xusan tahay. Waxaa ka mid ah markii Maxamad Cabdulle Xasan uu gabadha ka doonay Islaan Faarax oo ahaa isimka ugu magac waynaa gobolka Mudug. Islaanku gabadhii waa uu bixiyay. Dabadeed siduu dhaqanku ahaa Sayidku waa uu marin-gobaadeeyay, wuxuuna bixiyay xoolo badan oo isugu jira geel, fardo iyo qoryo. Sayidkii waxaa loo sheegay in Islaanku uusan ku qancaynin xoolo yarad ah oo uu ka maqan yahay faraska la yiraahdo Xiin-finiin. Sayidku waxaa ku cuslaaday in uu faraska bixiyo qiimaha uu lahaa awgiis. Waxaa jira gabay uu Sayidku ka tiriyay dhacdadaas oo uu kaga faaloonayo qiimaha wayn ee uu farasku lahaa. Gabaygaas oo lagu magacaabo Xiin-finiin, wuxuu tilmaamayaa sida ay ugu cuslayd Sayidka in uu faraska bixiyo. Waxaa kale oo uu tilmaamayaa in xushmadda xididku ay ka sarreyso wax kasta oo la qiimeeyo. Tixihii gabaygaas waxaa ka mid ahaa :
Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
Xaayow iyo Qayuumey haddii, la igu xoodaansho
Xubbigayga kuma hayn inaan xiisow bixiyaaye
Xiddaysane ma dhiibeen anaan xaaladday bogane
Ha yeeshee xogtaydaan ka biqi inay xumeeyaane
Xaashaa-lillaahiye nin goba xamasho waw ceebe
Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane
Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xaydaantay
Xadhigigiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene
Xididkii intaas laga waayo, qiimo darridiisa waxaa tilmaamay Cali Jaamac Haabiil oo yiri :
Mataan lidiqa laas miilo leh yaa mitimis dhaama
Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta
Xididkii aan maamuus lahayn malihi baa dhaama.
Muuqaal ka mid ah abtirsigii awoowayaal :
1. Maxamuud 1. Faarax 1. Cali
2. Cali 2. Casayr 2. Xasan
3. Xirsi 3. Dhiblaawe 3. Cali
4. Warsame 4. Jimcaale 4. Cabdi
5. Sharmaarke 5. Wardheer 5. Maxamuud
6. Diini 6. Aadan. 6. Khaliif
7. Faarax 7. Yuusuf 7. Ay-Bakar
8. Guuleed 8. Cismaan 8. Fiqi-Walaal
9. Sharmaarke 9. Maxamad 9. Adeer
10.Khalaf 10.Cigalle 10.Mahad-Alle
11.Xuseen 11.Xashane 11.Yabar-Cadde
12.Yuusuf 12.Maxamuud 12.Fiqi-Cumar
13.Mataan 13.Cod-wayne 13.Xuseen
14.Ciise 14.Abokor 14.Buraale
15.Axmad 15.Majabe 15.Ciise
16.Maxamuud 16.Sebti 16.Waqantiile
17.Daauud 17.War-waaq 17.Abti-Udug
18.Abaadi 18.Xayle 18.Wacayeen
19.Muuse 19.Ximyar 19.Reer-Toonle
20.Maxamad 20.Makahaan 20.Qubays
21.Xuseen 21.Wacaysle 21.Sinji
22.Warwaaq-jecel 22.Kiliibaar 22.Lafa-gaab
23.Raadimiir 23.Murursade 23.Surre
24.Amaan-reer 24.Wadaare 24.Maha
25.Isaaq 25.Karanle 25.Dir
26.Gaashireedle 26.Hawiye
27.Hadambare
28.Baal-yare
29Aw-Same
30.Mareexaan
31.Sade
32.Daarood