Danbiga 14aad: Dagaalka Jihaadka oo laga cararo (dhabarka la jeediyo)
Waxaa ka mid ah danbiyada waaweyn in qofku cararo ama baqdo iyada oo jihaad lagu jiro. Ilaahay waa inoo ka digay in aan dhabarka jeedino iyada oo jihaad lagu jiro, wuxuu Ilaahay inoo sheegay in ay caro Ilaahay ku dhacayso oo uu jahanama ku waarayo qofkii dhabarka jeediya iyada oo jihaad lagu jiro. Fiiri Aayadda 16aad ee suuradda Al-anfaal.
Sidoo kale nabigeena caleehu salaatu wasalaam wuxuu inoo sheegay in ay danbi wayn tahay in dhabarka baqo lala jeedsho iyada oo jihaad lagu jiro.
Danbiga 15aad: In hogaamiyuhu khayaamo ama dulmiyo dadka uu u taliyo
Masuuliyad ayaa qofka hogaamiyaha ah ka saaran in uu dadka uu hogaamiayaha u yahay uu faro ama amar ku siiyo wax kasta oo wanaagsan isla markaasna uu ka reebo wax kasta oo xun. Meelo badan oo quraanka ka mid ah ayaad ku arkaysaa in Ilaahay cadaab ugu yaboohay dadka dhulka fasaahidnaya oo dadka dulmiya. Fiiri Aayadaha 65aad iyo 66aad ee suuradda Al-anfaal iyo Aayadda 42aad ee suuradda Al-shuuraa. Iyo Ayadaha 42 & 43 ee suuradda Ibraahim. Iyo Aayadda 227 ee suuradda Al-shucaraa. Iyo Aayadda 79 ee suuradda Al-maaida.
Nabiga Calehu salaatu wasalaam waxaa laga soo wariyay Axaadiis badan oo dadka masuuulyiinta ah uga digaysa dulmiga. Axaadiistaas waxaa ka mid ah:
o Qof kasta oo masuuul ah oo khayaama dadka uu masuulka ka yahay wuxuu galayaa naarta.
o Cadaabta ugu badan maalinta qiyaamada waxa ay u sugnaatay hogaamiye (Imaam) dadka ku xad gudba.