Diinta: Su\'aalihii iyo Jawaabihii Bishaan
Diyaariye: Anisa Ali
Su\'aal: asalaamu caleykum; waxaan qabaa su\' aal walalayaal su\' aasha aan qabo waa:
wiil baa sino galey,sinada markuu galayna waa ka toobad keenay laakiin sharciga Islaamka ma uu isku dhiibin toobaddda ma laga aqbelayaa mise ma laga aqbalayo? wuxuuna rabaa in uu ogaado shuruudaha laga rabo madaama uu hadda guursadey ee sheekhow wax siyaada ah ma ka siin kartaa?
Jawaab: Toobad keeniddu wey u furan tahay Ruux walba waana laga doonayaa , hase yeeshee waxay leedahay Shuruudo tirsan oo ah sida tan:
1) In uu faraha kala baxo Arrinkaas. (arrinka uu ka toobad keenay)
2) In uu ka shalaayo dhab ahaan (si dhab ah uga shalaayo)
3) In uu go`aansado in uusan ku noqon arrinkaas foosha xun.
3) Haddii aad qabto xoola dad ama dhiig ama dhaawac aad geeysatey Cay iyo Xan Ruux muslim ah, waa in aad isaga kala xiriirtaa . Ogowna waa xaq Aadane waana lagaa doonayaa mar walba kan 4aad Cilmigeeda ALLAAH ayaannu u Celineynaa.
Shiikh Nuux Shiikh Ciise Iimaan
Su\'aal:
Asalaamu calaykum walaalayaal waxaan idin waydiinayaa su\'aal shaki iiga jiro. Haddii ay labada qof ee is qaba ay wada seexdaan. Salaadda markii waqtiga tukashada la gaaro waan ogahay in laga qubaysanayo oo ay waajib tahay laakiin walaalayaal qubayska xitaa timaha ma ku jiraa oo illaa madaxa ayaa laga bilaabayaa oo kuligaa ayaad maydhanaysa mise madaxa kuma daraysid oo waa jidhka kaliya marka walaalayaal taas iga jaahil bixiya, wabillahai tawfiiq waanad mahadsantihiin.
Jawaab:
Assalaamu Caleykum: waxa lagaa doonayaa qubeys jirka oo dhan ah Marka aad ka mayraneyso janaabada ama Caadada, bisha Umusha iyo wixii La mid ah. Ogowna waa Cibaado Allaah kugu waajib yeeley Ajirna leh badan waxana ku xiran dhamaan Cibaadooyinka kale. dahaaradu waa furaha Cibaadada Allah ee si fiican u sug (isu daahiri) ajarkeedana ALLAAH ku Xisaabo. Lagaagama baahna in aad timaha kala furfurto ee biyaha dusha uga shub Intaas baana kaaga filan Niyaddana ha Iloobin ee la imow.
Shiikh Nuux Shiikh Ciise Iimaan
Su\'aal:
Asalamu caleykum walalayal naag ninkeeda ma iska fasaqi karta diintu ma u ogashahay? wacaleykumwasalam
Jawaab:
Salaan dabadeed waxaan leeyahay Arrinta fasaqashadu ma sahlana waana lagu khaldan yahay inta aan ka warqabo. Nin la ogsoon yahay meesha uu ku Sugan yahay ama looga soo tegey Afrika, amaba jooga Yurub lagama Fasaqan karo, nin kalena ma guursan karto Xaaskiisu, haddii ay ku dhaqaaqdo arrinkaas Allah ayey Caasidey, wixii ay dhashaana Meher Xalaal ah kuma dhalan. Allah halaga Cabsado Arrinkaasu waa xaduudda Eebe ee yaan loo dhawaanin, in la jiiro iskaba daaye.
Shiikh Nuux Shiikh Ciise Iimaan
Su\'aal:
Aslaamucalaykum sheekh marka xigta waxaan ku waydiiyaay su\'aal ah xaq ma u leeyahay anigoon wax diidaneen inaan ninka aan guursanaayo kulano anakoo ku kulmayno daacadda Illaahay oo aan is aragno oo sheekaysano, maadaama aan laba wadan kala joogno hadana iska rabin xumaan ee guur xalaal ah iska rabno xaq ma u leeyahay ina aan ka dalbado aragti iyo isu imaansho illen berri anagaa dhaqan nalaga rabaa. Hadii ay jirto arrin dhanka caafimaad daro ah sida ina qofku waashatay xaq ma u leeyahay in aan qofkaas cafimaadkiisa iska hubiyo oo aan ku adkaysto aragti horta si aan u xaqiijiyo caafimaadka qofka anoo og qadarka illaah wabilaahitowfiiq
Jawaab:
Salaanta Islaamka ayaan kugu Salaamaya: Assalaamu Caleykum. Arrinta is araggu wey banaan tahay waana lagama maarmaan, hase yeeshee Waxaa loo baahan yahay in uu kula joogo ugu yaraan Ruux kuu ah maxram wuxuu yiri Nebigu calehi salatu wasalaam "laba hadey kulmaan waxaa saddixeeya sheydaan" waa in lagula joogaa, waana in aad u oggolaato in uu arkaa wejigaaga iyo ugu yaraan Gacmahaaga. Xagga Caafimaadka Asalku waa ladnaan ee Allaah tala Saaro, Guursana Ruux laga filayo Dhowrsanaan, dhalan wanaag iyo diin. ALLAH ayaa ku aqoon badan ,Wassalaamu Caleykul:
Nuux Sheikh Ciise Iman
Su\'aal:
ASLAAMU CALAYKUM WAXAAN RABAA IN SU\'ASHAN LA IGA SOO JAWAABO HADUU ALLEH IDMO. MAXAY KA QABTAA DIINTA ISLAAMKU IN LA OGAADo GABERTA UURKA LEH WAXAY CALooSHA KU SIDo IN UU YAHAY WIIL IYO IN uu YAHAY GABER IN TUUNA DHALAN ILMAHAASI?
Jawaab:
Assalaamu Caleykum: ALLAH Ayaa Mahad iyo Amaan Buuxda leh Kalidii, N.N. Nebigeenna Muxamad ah Dushiisa ALLA ha ka yeelo. Dabadeed: Walaal hala yaabin Xoogowga yar oo Eebe u iftiimiyey dadka Wax intaas ka badan ayaa la sugayaa, Sidaas darteed waxaan Anigu Qabaa Ma jiraan wax ku jaban in la sii ogaado intuusan dhalan: ma dhadig baa mise waa lab. ogowna Aad bey u yar yihiin waxa laga ogaan karo.
Sh. Nuux Sheikh Ciise Iman
Su\'aal:
Salaamu calykum waxaan rabaa in layga soo jawaabo su\'aalsha ah: Waxaan ka shaqeeyaa meel aan salaada laguu oggolayn markaas wakhtigina waa dhacayaa aan salaada ku tukan lahaa gurigayga markaa maxaan samaynayaa mayaan ka tagaa shaqada jasaakalaahu khayr aftuunii wasaalamu calykum waraxama tulaahi wabarkaatu.
Jawaab:
Assalaamu Caleykum: Salaadu waa Tiirarka Islaamka 5ta ah kan 2aad Waxayna ku xiran tahay Waqti Xadeysan, sida uu Allah leeyahay Suuradda 4aad AnniSaa: aayadda Boqol iyo Saddixaad waxay leedahay Salaadu waa waajib waqti ku xiran, dibna looma dhigi karo horeyna looma soo dhigi karo, Roob haduu da`ayo iyo Safarka ayaa Ruqsad leh. Ma banaana in cidna laga yeelo wax Allah ka Careysiinaya. Sidaas darteed ka tag shaqada aan diintaada kuu oggolyn. Ogsoonow waa ALLAH kan kelidii deeqda bixiya, waxa keliya oo dhamaan naloo abuurey in Aannu ALLAH Caabudno. Risaqana Isaga ayaa kafaalo qaadey.
Sh. Nuux Sheikh Ciise Iman