Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Diseember 2002

Published on: 2002-12-10 14:57:08

Ciyaaryahan Cabdiqani Maxamed Barre oo ku magac dheer "Aar", Waxaa uu ku dhashay Gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco Sannadku markuu ahaa 1976kii, hase yeeshee waxaa uu ku barbaaray magaalada Muqdisho oo uu ku bilaabay dugsi quraanka. Waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe waxaa uu kaga baxay dugsigii loo yiqiin Maxamuud Warsame Zio. Cabdiqani Aar yaraantiisii ayuu ku barbaaray ciyaarta kubbadda cagta oo uu aad u jeclaa isaga oo aad uga dhex muuqan jiray caruurta yaryar oo markaasi ay isku da\'da ahaayeen isaga oo markaasi u safan jiray kooxdii loo yiqiin "Xiddigaha Kaambo"

Ciyaaryahan Cabdiqani " Aar"

Markii masiibadu ay ku habsatay dalkeenna Soomaaliya ciyaaryahanku waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee u soo qaxay dalka Kenya, isaga oo markaasi la dajiyay xeradii qaxootiga ee loo yiqiin "Thika". Xeradaasi iyada ah oo ay ku noolaayeen ajaanib faro badan oo qaxooti ah waxaa ka socday abaabul isboorti, waxaana uu ciyaaryahanku fursad u helay inuu tartamadaasi kubbadda cagta ka qayb-galo isaga oo markaasi ku ciyaarayay magaca jaaliyadda Soomaalida, waxaana uu halkaasi ka muujiyay xirfad iyo wacdarro aad u soo jiitay dhammaanba daawayaashii ciyaaraha, waxaana uu ciyaaryahanku caan ka noqday gabi ahaanba goobaha ay ku kulmaan ciyaaryahannada kubbadda cagta ee jaaliyadaha kala duwan ee halkaasi ku noolaa. Xiritaankii xerada Thika ,ciyaaryahanku wuxuu u wareegay Xero kale oo ku tiil Mombasa oo loo yiqiin "Utange",waxaana uu halkaasi ka sii watay ciyaarihii isaga oo markaasi u soo saftay kooxdii loo yiqiin "Machango",waxaana tartamadii ay ciyaareen ay kooxdu ku hartay ciyaartii Semifinalka. Isku soo wada duub ciyaaryahankani waxaa kaloo uu ka qayb-galay tartammo faro badan oo ka dhacay dalka Kenya oo uu haatan ku sugan yahay isaga oo markaasi masilaya Jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan , waxaana uu u soo hooyay magaca jaaliyadda Guulo faro badan, waxaana haatan la isku raacay inuu ka mid yahay ciyaaryahannada ugu xirfadda wanaagsan ee u safata jaaliyadda Soomaalida ee Kenya. Ugu dambayntii waxaan ciyaaryahan Cabdiqani Mxamed Barre" Aar" u rajaynaynaa inuu halkaasi ka sii wado dadaalkiisa ku aadan ciyaaraha gaar ahaan kubbadda cagta.

Back to Category