Ilaaheennaweyn bay awoodi u sugnaatey oo og waxa inaka qarsoon. Marka laga hadlaayowaxyaabaha ku saabsan caafimaadka, gaar ahaan cudurrada, ayaa culimada aqoonta ulihi waxay dunida u bidhaamiyaan helitaanka iyo daah furka cudurro cusub ooaduunka ku soo siyaadey ama kuwo hore loo yaaqaney oo wejiyo iyo tabo cusub oo aan horey loo aqoon la soo baxay. Haddabawaxaan la soconaa in cudurka loo yaqaan KUDKA, afka qalaadna lagu yiraahdoANTHRAX-ku uu aad welwel iyo walaac badan ku abuurey meelo ka mid ah aduunka,gaar ahaan wadanka Maraykanka oo uu fara kulul ku hayo. Cudurkaan kudku ma ahancudur cusub ee waa cudur hore loo yaqaaney ilaa sanadahii 16 C.H (ciise hortiis)waa la ogaa jiritaankiisa, inkasta oo uu caan noqdey wixii ka dambeeyey qarnigii18-aad. Horumarka bini-aadamku uu gaaro ayaa mararka qaarkood waxay noqdaan midlid ku ah noloshiisa, sida marka uu gacmahiisa ku sameeystey cudurkaan dilaagaah oo kale.
Markaan u soodaadegno qormadeena uu maqaalku ku saabsan yahay ayeynu waxaynu si kooban kagahadleynaa bal waxa u cudurkaani yahahy,halka laga helo, sida uu u gudbi karo,calaamadaha lagu garto, sida looga hortagi karo, iyo sida laysaga daaweeyointaba.
Anthrax amaKudku waa cudur uu keeno jeermiska ama bakteeriyada loo yaqaan
Bacillusanthrax, waxaa cudurkaan lagu yaqaan oo uu ku dhacaa xoolaha naasleeyda ah sidaloda, idaha, riyaha, geela iyodadkaba marka ay siyaabo kala duwan xoolahoodu ugu soo gudbiyaan. Taasina waasababta keentey in maanta uu noqdo cudurkaani mid aad u muhiim ah ka dib markuusababey khasaaro nafeed. Haddaba hal qof ayaa markii ugu horeysayba u dhintey cudurkaan, iyagoo laba qof oo kalena aycusbitaal ugu jiraan gobolka florida ee dalkaan Maraykanka. Sidoo kale waxaacudurkaan uu u gudbey oo laga helay xafiisyo waaweyn oo ay dowladu leedahaysiiba dhismayaal boostadu leedahay.
Meelaha laguyaqaan cudurkaani waa dhulka beeraleeyda ah ee ay ka baxaan dalagyada kala duwan,halkaas oo uu jeermiskaani ku negaan karo ciidda sannado farabadan.
Cudurka kudkuwaxa uu u jiri karaa saddex nooc ama weji ;
-
Cutaneous (skin), oo ah nooca koowaad, waxuu ku dhacaa maqaarka marka horana lama dareemo xanuunkiisa balse cuncun yar ka dib meeshu waxay isu beddeshaa boog, iyadoo tartiib u fidda, waa kan ugu sahlan daaweeyntiisu hadii marka horeba wax laga qabto. waxay qaadataa sida caadiga 7 cisho si loo dareemo cudurkaan, inkasta oo oo ay ku xiran tahay hadba qaddarka aad la kulantey cudurkaani inta uu leegyahay. dhimashadiisu aad beey u yartahay noocaan.
-
Nooca labaad waxaa loo yaqaan Inhalation ama waa nooc ku gudbi kara hawo ahaan isagoo qofku uu hawo ahaan u jiidayo wax budo oo kale ah oo engagan ,waa nooc aad u khatar ah, lehna dhimasho deg deg ah hadaan horey wax looga qaban dawadiisa, noocaan bakteeriyada la dhaho Bacillus anthracis ayaa lagu koriyaa shaybaarka ama laboratoriga, dabadeedna process ka dib waxaa la soo saaraa iyagoo buddo daqiiqa ah, ka dibna waxaa layskugu ridaa buqshadaha ama waraaqaha laysku dirayo,markay qofka gaarto waraaqdu oo uu furtana waxaa hawo ahaan ugu tegaysaa budadii dabadeedna waxay waxyeelaysa qaybaha neefsashada ee loo yaqaan resparotiriyada iyo jirka xubnihiisa kale oo dhan. calaamadaha marka horaba la dareemo noocaani waa qandho, qabow , maalmo ka dibna waxaad dhibaato kala kulmeeysaa hab neefsashadaada oo aan caadi ahaaneyn.
-
Nooca sadexaad waxaa loo yaqaanaa Gastrointestinal(Ingention) ama waa nooc qofka uu ugu gudbo jeermisku (anthrax-ku) marka uu u raaco cuntada uu cunayo sida hilibka jeermiska watey oo uu qofku cuno, dabadeedna uu xiidmayaasha u sii gudbo, waxyaabaha calaamadahiisa lagu garto waa calool xanuun (abdominal pain) , matag (vomiting), matag dhiig wata (vomiting of blood), qaadashada cuntadiisa qofka oo yaraata (loss of appetite), qandho (fever) iyo qaar kalaba.
Hadiiaan si kale u niraahno cudurkaani waxuu dadka ugu gudbi karaa dhowr siyaaboodkuwooda ugu horeeyana waxaa ka mid ah.
A) qofkaoo meelaha jiran oo uu cudurku kaga dhoco xoolaha ama neefka taabta sida timaha(hair), dhogortiisa (wool), geesihiisa (hides)
B)Isagoo aad hawo ahaanu qaatadid spore ama budo yar oo uu ku jiro anthrax.
C) Iyo in aad cuntid neef jiran hilibkiis, deetana jeermiskiicudurku sidaa kuu galo.
Cudurkaan oolaga helo gobol kasta oo aduunka ah, haddana waxa uu aad ugu badan yahaywadamada horey u marey (Developed Countries) ama Waddamada aan lahaynxannaanooyinka xoolaha (Countries without veterian public health programs).meelaha aadka loogu sheegay in uu cudurkaani xoolaha kaga badan yahay wax kastaoo kale waxaa ka mid ah; South and Central America, Southern and Eastern Europe,Asia, Africa, and Middle East.
Waxaa laogaadey in ay aad u adagtahay in dadku ay si toos ah isugu gudbiyaan cudurkaan,xataa qofka oo aad taabatid ama ku booqatid cusbitaalka kuuguma gudbi karohabkaan inhalation anthrax-ku. Waana xigmad ilaahay ogyahay, oo haddii aynu sitoos isagu gudbin lahayn habka neefshadaan qofba kama hareen meeshii uu kadilaaco cudurkaan.
Cudurkaankudka waxaa looga hortagi karaa siyaabo kala duwan, weliba meelaha ama gobolladauu ku badan yahay bakteeriyadaan Bacillus anthracis-ku, islamar ahaantaasna aanlahayn wax tallaal ah ama ka hor tag ah amase uuba yaryahay tallaalka ka hortagaxoolahu waa in uu dadku qaataa ama raacaa talaabooyinkaan si loo yareeyowaxyeeladiisa;
a) waa in uuqofku ka fogaado taabashada neefka qaba cudurkaan sidoo kalana laga fogaadowaxyaabaha manaafacaadkiisa ah oo ay ka mid tahay dhogartiisa, caanahiisa,neefsashadiisa iwm.
b) waa inuusan qofku cunin hilibka neefka qaba cudurkaan, sidoo kale waa in hilibka aansida fiican loo karkarin layska ilaaliyo, waana in neefka si wacan loo gowracaa.
c) noocasadexaad oo lagaga hortegi karo waa iyadoo la qaato tallaal ka hortaggacudurkaan ah, sidiisaba talaalku waa in aad qaadatid ama lagugu duro qadar yaroo cudurkii ah (anti corpka) si jirkaagu isaga difaaco (anti-gene) jeermiskiisoo weerarey, isla mar ahaantaasna uu u barto noociisa si uu berri ka maalinhaduu ku dhaco uu jirku ula diriro illeen wuu bar garanayaaye. waxay culimadaaqoonta u leh cudurkaani dadka ku boorriyaan in uu talaalku 93% uu cudurkaan kahortago ayna haboon tahay in la qaato.
Waxaalagu ogaan karaa in uu neef ama qof qabo cudurkaan waa isagoo lagu baaroshaybaadh cudurka, oo dhiig laga qaado qofkaas, dabadeedna gooni loo soocobacteriyada bacillus anthrax-ka ama sidoo kale maqaarka meesha jiran laga qaadosambal ama qayb ka mid ah laga xoqo jirka oo shaybaadhka lagu fiirayo, tan kaleoo la sameyn karo waa iyadoo laga sooco qaybta respiratory secretionka. intaasiwaxaan ku soo koobaynaa sidii loo cadeeyn lahaa cudurkaan.
Waxaamaqaalkeenna kusoo gunaanadeynaa cudurkaan KUDKU ama anthrax-ku ma leeyahaydaawo?, taas jawaabteedu waa fududdahay waayo inta badan cudurrada noocaan ah ooay keenaan bakteeriyadu waa sahal in la helo daawooyinkooda, haddabadhaqaatiirta aqoonta u leh cudurkaan ayaa waxay aad u daneeyaan in lagu daaweeyocudurkaan ANTIBIOTICS sida PENICILLIN, DOXYCYCLINE, CIPOFLAXIN, hadda si aywaxtar u lahaadaan oo ay daawadaasi u anfacdo qofka ama xoolaha waa in markahoraba lagu bilaabo oo la siiyo, waana in daawadaasi socotaa ugu yaraan afarisbuuc (4 weeks), haddii uusan isla markiiba helin daawadaas neefkaasi waxadhici karta in uu cudurkii meel halis ah gaaro oo uu neefkii ama qofkiiba dhintoama aysanba daawadii wax ka tarin hadhoowdii markii uu cudurkii weeynaado, waanatan la dhaho murtida ah ka hortagu waxuu ka wanaagsan yahay marka uu cudurkukugu dhaco daaweeyntiisa.
Haddabainkasta oo uu yaryahay fursadda cudurkaani uu qof ugu dhici karo mar hadduusanahayn xoolo dhaqato, haddana waxaa waayadaan danbe soo baxay dad iyagu uadeegsada hub ahaan, iyagoo abuuraya cudurkaan , ka dibna bini-aadamka uqaybinaya taas oo ay u adeegsanayaan boostada oo sidii warqad oo kale laguugusoo dirayo adrees-kaaga, kolkii aad furtidna aad cudurkii neefsasho ahaan kuqaadi karto waxaana haboon in aadka feejignaatid arintaas adigoo qaadaya talaabooyinkaa soo socda;
-
Fiiri cinwaanka ay ka timd warqaddu, haddaadan garan ama aysan lahayn return adrees oo ah meel ay ku noqoto warqadu haba furin marka hore.
-
Hadii aad rabto ama go-aan ku gaartid in aad furto warqadda ha foorarin,hana ruxruxin si aysan kuugu soo daadan waxa budada oo kale aad mooddid (iska jir waa Anthrax- la abuuray oo budo loo ekeeysiiyey)
-
Hadii aad ku aragto wax budo oo kale ah warqadda ku rid ama dhig meel aad hubto, haddeey tahay meel shaqo u sheeg maamulkaaga si la idiin geeyo meel shelter (meel gooni ah )oo aad ku sii negaataan inta loo yeerayo shaqaale caafimaad ku shaqo leh ama qaybta booliiska.
-
Haddii aad gurigaaga joogtidna sidoo hubi in aad warqadda dhigto meel sugan dabadeedna gacmahaaga saabuun isaga dhaq amaba qubeysaba, una yeer si dhaqso leh qaybqha ku shaqo leh sida boliiska, qaybaha caafimaadka, sheegna dadka waqtigaas kula joogay hadii ay jiraanba si iyagana loo hubiyo, waayo cudurkaani waxuu ka mid yahay cudurada faafi kara hadaan si dhaqso ah looga hortegin.