Xubinteena joogtadaah ee barnaamijka xiddigaha waxaa aynu ku soo qaadanaynaa taariikhdiiCiyaaryahan Axmed Cismaan Geedi oo isagu caan ku ahaa kubbadda cagtaSoomaaliyeed looguna naanayso Geedi. Ahmedwuxuu ku dhashay degmadaCalanley ee gobolka jubbada hoose (Kismaayo) sannadku markuu ahaa 1962kii,waxbarashadiisa dugsi quraanka wuxuu ku dhammaystay isla gobolkaasi, aqoontiisakalena waxay gaarsiisan tahay heer jaamacadeed isaga oo ku takhasusayPhysical education andHealth.. Axmed waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannada kubbadda cagta ee naadigaBadda , isaga oo ka mid ahaa weeraryahannadii ugu khatarsanaa ee soo maranaadiga badda, wuxuuna awood u lahaa inuu buuxiyo boos kasta oo weerarka ah oolooga baahdo. Axmed haatanwaa xaas leh 3 caruur ah, waxaana uu ku nool yahay magaalada Saint Paul ee GobolkaMinnesota. Haddaba waxaa ii suuro gashay inaan la kulmo Axmed kana waraystotaariikh nololeedkiisii isboort, Sidan ayuuna u dhacay:
Shiikha: Sidee ku billowday ciyaaraha?
Geedi: Waxaan ku bilaabay ciyaaraha kubbadda koleyga,aniga oo aad u da`yar ayaan aad u jeclaa ciyaaraha gaar ahaana kubbadda Koleyga, inta aan u wareegin kubbadda cagta waxaan ciyaaray tartankii loo yiqiinayMini basket caruurta dadoodu ka yar tahay 10 jir oo ay ku tartamayeendegmooyinkii ay ka koobnayd gobolka jubbada hoose, dabadeedna waxaan u saftayisla kubbadda koleyga dugsiga sare ee Ganaane, inkasta oo aan horumar kasameeyay K/koleyga haddana ma sii wadin oo waa ka haray.
Shiikha: Sidee bay suurogal kuugu noqotay inaad uwareegto Kubbadda cagta? Yaase kugu gacan qabtay arrintaasi?
Geedi: Sida aynu wada ognahay Kismaayo waxey ahaydhoygii kubbadda cagta, waxaana ka soo baxay ciyaaryahannada Soomaaliyeed eekubbadda cagta kuwoodii ugu qiimaha badnaa, waxay lahayd xeeb dheer oo aad ufidsan oo dhallinyaradu ay ku ciyaaraan waqti kastaba, aniga oo xeebta kuciyaaraya ayaa halkaasi waxaa iga qaatay tababare Qariidi oo ahaa tababarahakubbadda cagta ee dawladda hoose gobolka kismaayo, ahaana tababarihii gobolkajubbadda hoose. Qariidi ayuuna ahaa qofkii ugu horreeyay ee igu dhiirri-galiyayciyaaraha gaar ahaanna kubbadda cagta.
Shiikha: Ma ka qayb-gashay tartankii ciyaarahagobollada?
Geedi: 1982kii ayaan ka qayb galay tartankiiciyaaraha gobollada oo aan u saftay kismaayo, ciyaartii kama dambaysta ahaydnawaxaan 1 iyo 0 uga guulaysanay gobolka Banaadir.
Shiikha: Ma jireen ciyaaro kale oo degmooyinkaama gobollada oo aad ka qayb-gashay?
Geedi: Waxaan ka qayb-galay tartankii ciyaarahadegmooyinka gobolka Banaadir oo aan u saftay degmada wardhiigley, waxaana kuguulaysanay kaalinta 1aad.
Shiikha: Goorma ayaad ku biirtayciyaaryahannada heerka 1aad eekubbadda cagta?
Geedi: 1983kii ayaan ku biiray ciyaaryahannada heerka 1aad , waxaana u saftay naadiga Badda.
Shiikha: Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihiikuugu waawaynaa ee xusuusta kuugureebay intii aad ku dhex jirtay ciyaarta kubbadda cagta?
Geedi: Arrinta ugu weyn ayaa ahayd dhaawac culus ooiga soo gaaray canqowga ciyaar kooxdeena badda ay la ciyaaraysay kooxdaMadbacadda oo markaa aan ku hoggaaminaynay 3 iyo 0 waqti ay ciyaartugunaanadkeedu ka dhinayd 25 daqiiqooo kaliya. Shan ciyaartooy oo kooxda madbacadda ah oo sharciga aan u fasaxaynayaa iga qaaday garoonka oo dibadda igu tuuray. 15 daqiiqo oo aan garoonkadibadda uga maqnaana kooxdaMadbacadda waxay fursad u heleen inay nala sinmaan oo natiijadii ciyaarta aynoqoto 3 iyo 3 (barbardhac).
Shiikha: Muddadii aad u safnayd kooxda baddawax guulo ah ma gaarteen?
Geedi: Guulo faro badan ayaan gaarnay oo ay ka midahaayeen:
1983-1984kaalinta 1aad ee horyaalka dalka.
1985-1986kaalinta 1aad ee Jeneraal daauud
sidoo kalena kooxdu waxey kuguulaysatay koobab munaasabado oo faro badan.
Shiikha: Ma ka qayb-gashay tartamo ciyaareed oocaalami ah?
Geedi: 1985kiI waxaan ka qayb-galay tartamadii ciyaaraha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oolagu qabtay Suudaan, sidoo kalena waxaan ka qayb-galay ciyaarihii koobkakoobabka waddamada Afrika oo lagu kala qabtay Kenya iyo Soomaaliya.
Shiikha: Kooxihii aad la ciyaartay wax ma kaxusi kartaa?
Geedi: waxaa ka mid ahaa: Almariiq(Sudan), KFFCLeopards(Kenya), Zimbabwe, Zanzibar iyoGormahia (Kenya).
Shiikha: Ma xusuusan kartaa guuldarradii kuuguxumayd ee ku soo marta intii aad ku dhex jirtay Ciyaarta kubbadda cagta?
Geedi: Waxey ahayd ciyaar ku tirsanayd isreeb-reebka horyaalada Afrika oo kooxdeena Badda(Somalia)aynu kaga hortagnay kooxda Gormahia (Kenya), ciyaartaasi oo ka dhacdayNairobi ayaa garsoorihii ciyaarta oo u dhashayEthiopia wuxuu si bareer ah ugu ansaxiyay 2 gool ay kooxda Gormahia midnagacanta ku dhalisay, midna uu ahaa rigoore aan sharciga waafaqsanayn. Taasoogunaanadka ciyaarta ka dhigtay in nalooga adkaado 3 iyo 1 .
Shiikha: Ciyaaryahannadee aad u jeclayd inaygarbahaaga buuxiyaan markaad u ciyaaraysay Kooxdaada Badda?
Geedi: Waxaan aad u jeclaaciyaaryahannadii kala ahaa: Khaliif Riiko, Xuseen yare, Waji, Sayidkey,Jamaal iyo goolhayihii kooxda Joorje.
Shiikha: Sidee buu ahaa aqoonta tababarayaashaSoomaaliyeed?
Geedi: Xaqiiqdii ma xumayn intooda badan marka loofiiriyo aqoonta tababarayaasha kale ee dunida 3aad, aad bayna uga sii fiicnaanlahaayeen heerkoodaasi haddey heli lahaayeen tababaro caalami oo joogto ah.
Shiikha: Yaad jeceshahay inaad halkan ugamahad-celiso?
Geedi: Waxaan mahad ballaaran u celinayaa TababareMaxamed Yuusuf Kabey oo ahaa tababarihii kubbadda cagta ee naadiga baddaoo isagu gacan ballaaran I siiyay intaan ku dhex jirayciyaaraha kubbadda cagta, waxaana ku tilmaami karaa inuu ahaa tababareaqoontiisu wanaagsanayd, aadna u xaq-dhawra ciyaartooydiisa lana socda markastaaba xaaladahooda gaar ahaaneed.
Shiikha: Ugu dambayn maxaad talo ahaan ugu soojeedinaysaa ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee ku hawlan Ciyaarta kubbadda cagta eeku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba?
Geedi: Marka hore Allaha awoodda badan ayaan kabaryaynaa in dalkeennu noo xasilo oo aynu aragno sharaftii iyo sumcaddiidalkeenna iyo dadkeena oo mar labaad soo noqota, marka labaad waxaan talo ahaanuga soo jeedinaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan isboortiga meel kastaoo ay joogaan inay ku dadaalaansumcadda dalkooda iyo dadkooda dhinac kastaba, ayna ku dhaganaadaandhaqankooda iyo diintooda. Ugu dambayntiina waxaan halkan mahad ballaaran ugasoo jeedinayaa guud ahaanba dadka isku soo qabanqaabiya barnaamijkan Xiddigahagaar ahaan Shiikha oo aynu isku koox wada ahayn intaysan dagaaladii sokeeyeSoomaaliya ka qarxin.