
Tartankii koobka kubbadda cagta ee dunida ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo 31-ka May 2002da Magaala Seoul ee caasimadda Kuuriyada koonfureed iyada oo ciyaarta ugu horreysa ay isku haleeli doonaan kooxaha faransiiska oo ah dalka haysta horyaalnimada koobka dunida iyo Senigaal oo iyadu ah markii ugu horreysay oo ay u soo baxaan tartanka ciyaaraha adduunka.
Tartankan oo isagu afartii sanoba mar la qabto waxaa marti-galinaya dalalka kuuriyada koonfureed iyo Japan, waana markii ugu horreysay taariikhda ee koobka adduunka oo ay martigaliyaan labo dal iyada oo goaankaasi uu gaaray xiriirka kubbadda cagta adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan FIFA. Tartanka sannadkan waxaa ka qayb-galaya 32 dal kuwaasi oo loo qaybiyay 8 guruub, iyada oo guruubkiiba ay ku jiraan 4 kooxood, lagana doonayo 2 kooxood inay u soo gudbaan wareegga labaad. Shaxdan hoose ayaad ka akhrisan kartaa sida kooxuhu ay isugu aadeen.
| Guruub A | Guruub B | Guruub C |
| Faransiiska | Spain | Brazil |
| Senegal | Slovenia | Turkiga |
| Uruguay | Paraguay | China |
| Denmark | K. Afrika | Costa Rica |
| Guruub D | Guruub E | Guruub F |
| Korea Koonfureed | Germany | Argentina |
| Poland | Saudi Arabia | Nigeria |
| U.S.A | reland | Ingiriiska |
| Bortuqaal | Cameroon | Sweden |
| Guruub G | Guruub H |
| Italy | Japan |
| Croatia | Russia |
| Mexico | Belgium |
| Ecuador | Tunisia |
Dalalka Africa ee sannadkan awoodda u yeeshay inay masalaan magaca afrika oo ah 5 dal waxey kala yihiin: Nigeria, Cameroun, Tunisia, Senegal, iyo South Afrika.
Marka aad u fiirsato guruubka F ayaad mooddaa inay ugu adag yihiin kooxaha ku jira oo giddigoodba aan la dhayalsan karin marka aad u eegto sumcadda ay ku leeyihiin ciyaarta kubbadda cagta. Faransiiska oo isagu ku jira guruubka A ayaad mooddaa inaysan shaki ugu jirin inuu u soo gudbayo wareegga labaad ee tartanka, waxaase la is weydiinaya Faransiiska ma difaacan doonaa darajada horyaalnimada uu haatan haysto? Mise!