Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2002

Published on: 2002-02-01 15:37:48

Waxaa garoonka kubbadda koleygaee Target Center ka dhici doona 31ka March 2002da barnaamij isboorti ooaad u xiiso badan. Barnaamijkaa isagaah waxaa ka qayb-qaadanaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee ciyaarta kubbaddakoleyga iyaga oo halkaasi ku soo bandhigi doona aqoonta ay u leeyihiinkubbadda koleyga. Sidoo kalena waxaa halkaasi ka dhici doona tababaraqoon kororsi oo ay bixinayaan ragka tirsan kooxda Timberwolves. Muddo dheer ayey qaadatay in xiriir isboortidhex maro Somali Community of Minnesota iyo kooxdacaanka ah ee Timberwolves isla markaana la is weydaarsado aqoonta iyofarsamada ciyaaraha, lagana caawiyo dhallinyarada Soomaaliyeed sare u qaadidaxirfadda iyo aqoonta ay u leeyihiin kubbadda koleyga

hadalkan waxaa yiri Saciid Jaamac Cali (Qorsheel) oo isaguka mid ah isku dubaridayaashabarnaamijkan la magac baxay toddobaadkaSoomaalida iyo Timberwolves.

Haddaba waxaa ii suuro-gashay inaan la kulmo Said kanawaraysto muhimadda barnaamijkani u leeyahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee degganGobolkan Minnesota iyo nawaaxigiisaba

Shiikha: Ugu horreyntii sidee buu kubilowday abaabulka barnaamijkani?

Said: Xaqiiqdiiwaqti aan dhaweyn ayuu barnaamijkani abaabulkiisu bilowday, waxaan

aad u danaynay inaan xiriir joogto ah la samayno madaxdasare ee Timberwolves iyada oo ujeedadu ahayd inaan soo bandhigno awooddaciyaareed ee dhallinyaradasoomaaliyeed, iyadoo dhawr jeer dibu dhac uu ku yimid barnaamijkanimunaasabadihii Bishii barakaysnayd ee Ramadaanka iyo ciidihii ka dambeeyayawgood ayey haatan nasiib wanaag noqotay in barnaamijkan la isla meel dhigay inuu fulo 31ka March 2002 haddii Allaha awoodda badani idmo.

Shiikha: Maxay tahay ujeedada ka dambaysaBarnaamijkan?

Saciid: Ujeedooyin faro badan ayaa ka dambeeyabarnaamijkan, kuwooda ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

1)In la baro marka hore dadka aynu la daggan nahay ee jinsiyadaha kaladuwan inay jiraan dhallinyaro Soomaaliyeed oo mustaqbal wanaagsan ku lehciyaaraha guud ahaan gaar ahaanna kubbadda koleyga.

2)In la bandhigo, lana arko xirfadaha iyo aqoonta ay dhallinyaradaSoomaaliyeed u leeyihiin ciyaarta kubbadda koleyga horayna aysumcad ugu lahaayeen caalamka Carabtaiyo Afrikaba taas oo ay taariikhdu xusayso.

3)In la helo mustaqbalka dhallinyaro Soomaaliyeedoo ka mid noqda ciyaaryahannada NBAda, tusaalena u noqda dhallinyaradakale.

Shiikha: Maxaa faaiido ah oo ugu jiradhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaysa inay ka qayb-galaan barnaamijkan isboortiiyo dhallinyarada guud ahaanbatababarku uga socdo garoonka YWCAda?

Saciid: Faaiidooyinkaugu jira way badan yihiin , waxaanaka mid ah:

1)Iyaga oo qaadanaya aqoon kororsi( Clinic ) ku saabsan ciyaarta kubbaddakoleyga.

2)Waxey la kulmayaan ragga caanka ku ah ciyaarta kubbadda koleyga ee kooxdaTimberwolves iyo tababarayaashooda.

3)Waxey ku ciyaarayaan ciyaar rasmi ah saalada loogu talo-galay inay kuciyaarto NBAda oo kaliya, taasoo inta ay ciyaartu socoto laga daawanayo si toosah meelo badan oo ka mid ah gobollada Maraykanka iyo dunidaba.

4)Waxey daawanayaan ciyaar rasmi ah oo dhex maraysa kooxaha NBAda eeTimberwolves iyo Nets (New jersey).

5)Waxey kaga fogaanayaan inta ay ku dhex jiraan mujtamaca isboortigadhexdiisa waxyaabaha xunxun oo idil, iyaga oo tusaale wanaagsan u noqonayadhallinyarada aan nasiibka u helin inay fursadahan oo kale helaan.

Shiikha: Dhallinyarofaro badan oo Soomaaliyeed ayaalaga yaabaa inay aad u xiisaynayaan inay ku ciyaaraan garoonka Timberwolvesamaba ay ka qayb-galaab barnaamijkan isaga ah, haddaba maxaa qorsho ah oo aadugu talo gasheen?

Saciid: Waxaa aynu haatangacanta ku haynaa dhallinyaro faro badan oo iyagu tababar joogto ah ku qaatagaroonka kubbadda koleyga ee loo yaqaano YWCA(lake Street) kuwaasi oo dadooduu dhaxeyso 7 jir ilaa 23 jir , iyaga ayaana diyaar u ah inay barnaamijkaasi kaqayb-qaataan, sidaasi ay tahayna waannu soo dhaweynaynaa dhallinyarada cusub eedoonaysa inay barnaamijka ka qayb galaan. Qorshaha kale aynu dajinayayaa wuxuu yahay in aynu ku hagaajinay barnaamijka waqti uusan iskuulkujirin oo fasax ah si dhallinyaradu ay awood ugu yeeshaan inay ka soo wadaqayb-galaan, saacadahuna ay yihiin 10:00 AM 12:30 P.M.

Shiikha:Ugu dambayntiimaxaad talo ahaan ugu soo jeedinaysaa waalidiinta Soomaaliyeed si caruurtoodauga qayb-galaan Barnaamijka toddobaadka Soomaalida iyo Timberwolves?

Saciid: Waxaan talo ahaanugu soo jeedinayaa

1)Marka hore waalidiinta Soomaaliyeed waa inay ugu dadaalaan caruurtoodadhanka waxbarashada oo ah aasaaska nolosha iyo inaysan ka tagin dhaqankooda iyodiintooda,mar kastana ay la socdaan dhaqdhaqaaqa caruurta ay samaynayaaniskuulka ka dib.

2)Tan kale waxaan oran lahaa waalidiinta Soomaaliyeed waa inay fahmaanmuhiimadda weyn ee isboortigu leeyahay xag caqli iyo caafimaad intuba, kanaqayb-galiyaan caruurtooda barnaamijkan isaga ah iyo guud ahaanbadhaqdhaqaaqyada isboortiga ee ka jira gobolkan Minnesota oo ay gacanta kuhayaan Somali Community OfMinnesota, lagana faai,daysto tababarayaasha Soomaaliyeedee gacanta ku haya dhallinyarada, aqoonta fogna u leh noocyada ciyaareedee kala duwan.

Back to Category