Dumarku waxay ahaayeen dabaqadda ugu xushmadda weynbulshada Biri ma-geydada ah. Soomaalida reer guuraaga ah waxay lahaayeen dhaqanadag iyo xeer aan laga tallaabsan oo ilaaliya sharafta gabadha reer miyiga ah.Xeerkaasi wuxuu gaarsiisnaa in ninka xaaskiisa u gacan qaada, la oran jirey Xilo-gube,gogoshiisana fadhi ma laheyn. Sheekooyinka Wiil-waal oo ay soomaalidu isuweriyaan waxaa ka mid ah mar ay odayaal beeshiisa ah inta u yimaadeen isaga oohurda ay ka xishoodeen in ay kiciyaan, markii ay xaaskii Wiil-waal ka codsadeenin ay u kiciso, inta dul istaagtey ayey haraati ku kicisay. Xushmadda ay dumarkuku lahaayeen dhaqanka reer guuraaga soomaaliyeed waxay aheyd mid muuqata xilliwalba oo ay beeluhu ku sugnaayeen. Arrintaasina waxaa laga garan karaa sidaRaage Ugaas loogu xukumay inuu xaal mariyo xaaskiisii mar uu gabay wax ugasheegey. Raage, gabaygaas wuxuu ku tilmaamayey falal uu quursaday oo uu gabadhaku arkay. Raage wuxuu yiri :
Naasow Xaliimay Xadiyoxaalna kama raacdid
Naasow dabkuba waa xurmee xaabo lama saaro
Naasow ardaagaan xunka ah waana lama xaaqo
Naasow xalid laguma dayo xeeradiyo dhiisha
Allahayow xaraaraa anfacii xaleyto lay siiyey.
Aflagaaddada uu gabaygaas geystey ayaa Raage waxaa laguxukumey in uu gabadha siiyo kala bar magteedii oo dhan 50 halaad.
Waxaa kale oo jirtey sheeko dhacday mar Saahid Qamaan gabaruu jeclaa oo Mullaaxo la oran jiray uu nin xoolo badan leh ka qaaday. QoyskiiSaahid ayaa waxay u dooreen gabadhii qoyskooda ugu qurux badnayd si uu u illaawoMullaaxo. Habeenkii markii gabadhii loo guri-geeyey ayey gabadhii waxay is tirisi uu ninku u illaawo gabadhuu jeclaa bal wax kasta oo uu uga samri karo u samee.Waxay ku dadaashay inay wax kasta oo uu jeclaysan karo horgeyso. Hufnaansariireed, haybad dhago nugayl, haasaawe dabacsan, hooh gacan qabow, iyo heewalaalle waxaan ahayn kuma holliso. Gaarinimo, gacalnimo, bilic gaamurtay, iyoxaal gobeed ayey gundhig uga dhigtay jeceylkeeda aan gaamurin. Habeenkii danbeayey iyada oo is leh ninku gabdhii hore illow maskaxdiisana ka saar, ayey waxayu soo dhigtay haruub si wanaagsan loo culay oo caano xoor lihi afka hayaanwaxayna soo raacisay luqmad oodkac ah oo naag jari taqaan ay si wanaagsan u soobandhigtay, laguna soo daray neef yar oo xili gu\'ah jooga subagiis, markaas ayayku tiri " Baashe bal isku day xoogaagaan luqmadda ah raalina ka noqo intaadcaanaha lisidooda sugaysey ". Dabadeed inta maradeeda dacalkeeda ku siijiidday tiri iskana daa hamiga iyo walaaca aad la foorartid.
Odaygii Saahid ahaa afka ma saarin wixii la soo hordhigay. Markii ay tiri "Saahid walaalle maxaad cunadda u qaadan weydey, miyaad xanuunsan tahay?".Saahid wuxuu la soo booday gabay. Tixdii uu habeenkaas tiriyey waxaa kamid ahaa:
Haruub laban ah Caanaha hoyaad halab karuurkeeda.
Hilibka cusub haydaari iyo sogob la hoogaanshay.
Habka fudud halkaan yeel ku oran hagar la\'aantaada.
Habkaad igu baayici kabahaad howda kaga yeerin.
Haweenbaad tahee adiga oon hodin kobtaan joogo.
Waa habbi la\'aan dhuunigaad hoo ileedahaye
Heensaha Mullaaxaa qalbigu haabo leeyahaye.
Haasaawahaan qaybsannaa magac habeynkiiye
Adoon i hubsan soortaad halligi haysku hanagoyne.
Haragayga uun baad arkiye kuuma soo hoyane.
Gabaygu wuu dheeraa laakiin gabadhii waxay la gam\'i weydey habeenkaas ereyga ah(Heensaha Mullaaxaa qalbigu haabo leeyahaye Haragayga uunbaad arkiye kuuma soohoyane). Waxay ogaatay in Saahid xabbad ku dhuftay maxaa yeelay waxay u qaadanweydey jacaylkii ay is lahayd bal abuur oo wiilku yuusan ku baabi\'in jacaylkiilaga qaaday, waxay kaloo is tiri ninku waa qoyskaaga oo ficilo ayaa ku khasabtayin ay u hoyato waxayse la kulantay dhacdadaas foosha xun iyo in uu ku caayocunto siintii iyo raaligelintii ay ku wanaajinaysay.
Habeenkii ayey ka guuraysay tolkii markay maqleen sidagabdha loo galay waxaa Saahid lagu xukumay oo laga qaaday Magteedii illeen wuudilaye.
Soomaalida reer guuraaga ah waxay ka caagganaayeenfara-xumeynta dumarka. Xushmadda loo hayey dumarka waxay gaarsiisneyd in xataaninka dhalinyarada ah oo doonaya in gabar gayaankiis ah uu xod-xoto, wuxuu kalasheekeysan jirey masaafo dhowr mitir ah. Dhacdooyinka ah fara-xumeynta dumarkaee ka suurageli jirey bulshada reer guuraaga ah dhexdeeda, ma ahayn kuwo laxiriirey dagaallada beelaha dhex mara, ee waxay ahaayeen falal xiriir la lehmarka ay nabad iyo barwaaqo helaan, markaas oo degsiimada beeluhu ay isu soodhowaan jireen. Bulsho waliba waa ay leedahay dad qalloocan oo uu gardaadiyodamaca dhalanteedka adduunyo. Haddii ay dhacdo in mid maldahan oo maxishoode ahuu fara xumeeyo qof dumar ah, dhaqanka reer guuraagu wuxuu lahaa xeerar adag ooloo cuskado falka noocaas ah. Xeerarkaasi waxay u qeybsamaan qodobo reer miyigau kala qiimeysnaa, iyada oo ey tix-raac u aheyd dada gabadha la fara-xumeeyey.Waxaa jira xeer laga soo min-guurshey beelo ka mid ah bulshadeenna reer miyigaah, kaas oo qodobadiisu ey yihiin sidatan:
1. Baara-cad : waa gabartaaanan weli qaan-gaarin, dadeeduna ay ka yartahay 15 jir, magteedu waa shanhalaad.
2. Billo-cad : waa gabartanin kale u doonan, aanse weli la meherin, magteedu waa shan iyo toban halaad.
3. Ganbo-cad : haweeneyda uuninkeedii ka dhintey oo weli aseyda sidda, magteedu shan iyo toban halaad.
4. Afar ku kaca : islaantawaayeelka ah, magteedu waa shan iyo toban halaad.
5. Isa-sida : haweeneydauurka leh, magteedu waa konton halaad.
6. Madax bannaaney : waagabarta xilligii la guursan lahaa joogta, welise aan la soo doonin, magteedu waakonton halaad.
Xilliyada dagaalka, soomaalida reer miyiga ahi waxay kacaagganaayeen fara-xumeyn dumar oo la xiriirta dagaalka. Dumarku waxay sixorriyad buuxda leh u kala gooshi jireen degaamada labada beelood oo colaaddudhex-martey. Arrintaasina waxay ku dhici jirtey iyada oo gabdhuhu ey beelna udhasheen beelna u dhaxaan. Sidaas ayaa dumarku waxay mar walba ahaayeen ergadakoowaad oo u kala dab-qaadi jirey beelaha dirira. Waxaa kale oo ay ahaayeenmeesha koowaad ee laga heli jirey, waa ayaamaha hore e, xogta saxa ah eedhimashada iyo dhaawaca uu dagaalku reebo (waayo raggu wuxuu isku war dhaafsadaagogol ay dumar dhigeen). Dhaqanka reer miyiga kuma xusna dil ama fara-xumeyn loogeysto dumarka xilliyada dagaalka. Haddii ay wax jireenna waa dhif iyo naadir.Haddey dhacdana waxay reebi jirtey dhiillo gaamurta iyo dhiig qubta, sheekanawaa ka hari jirtey. Nin la oran jirey Xuseen Gaafoote ayaa isaga oo yarbeeshiisii lagu soo duuley. Ayeeyadiis oo waayeel aheyd ayaa si kama ah loodiley. Xuseen oo ay dhacdadaas xanuun ku reebtay ayaa markii uu gaashaan qaadnoqday, aanadii ayeeyadiis rag badan u laayey. Inkasta oo ragga uu laayey ayanaheyn kuwii ayeeyadiis diley (waxay ahaayeen ficihii ay dhaleen), misana Xuseenwuxuu falkan kaga qabow sanayey falkii foosha xumaa oo gurigiisii lagu reebey.Isaga oo arrintaas tilmaamayana wuxuu yiri:
Daadaheeya mucoydaye
War maxaa loo dilaayoo
Daanka loo jebinaayey
Ma duulaan bey wadatoo
Dirir waa la yaqaanee
Raggu waa is dilaayoo
Dumar daarka la gooyo
Ma dir baan u laheyn
Anna diif igu raagtoo
Madobeysey dirkeygaan
Geesiyaasha u dooxoo
Iyagaa damin waayee
Ha dillaacdo colaaddu
Sidaas ayay soomaalidu guud ahaan waxay u dhamaayeenxushmadda xeerka Biri ma-geydada xilliyada colaadda, gaar ahaan dumarka oo marnaah ilihii taranka marna ah ilihii xiriirka ee isku hayey beelaha kala duwan.Wax-yeellada loo geystana waxay reebi jirtey utun xanuun badan.
Haddey labo qabiil dirirto oo qolola naafeeyo
Maatada kuwii laga qashaa nabad ma qaataane