Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2002

Published on: 2002-02-01 00:37:23

Waddan kasta oo ka mid ah waddamada Muslimiinta wuxuu leeyahay dad culumo ah oo aad u yaqaan diinta Islaamka. Dadkaas culumada ah bulshada inteeda kale ayaa waydiiya arrin kasta oo diinta la xiriirta. Shiikh Cabadalla Al-Nuuri ayaa ka mid ah Culumada ugu waaweyn oo soo maray wadanka Kuwait . Shiikh Cabdalla kuma ekayn waddanka Kuwait oo kaliya, waxaa aad looga yaqaan waddamada Islaamka, gaar ahaan waddamada gacanka. Shiikh Cabdalla wuxuu barnaamij uu uga jawaabayo suaalaha dadka ka sii dayn jiray Talefishanka waddanka Kuwait. Wuxuu ka jawaabi jiray suaalaha diiniga ah iyo bulshada. Waqti kadib suaalihii uu Tv-ga ka sii dayn jiray ayuu wuxuu ka dhigay buugaag uu u baxshay Saluunii oo macnehedu yahay waa I waydiiteen.

Buuggii kowaad markuu qoray ayuu maalin maalmaha ka mid ah waxaa loo soo diray waraaq aad ug ayaabisay, markaas ayaa waxaa ku soo dhacday fikrad ah inuu qoro buug lagu magacaabo Min Qariib maa saaluunii oo macneheedu yahay suaalihii ugu yaabka badnaa oo la I waydiiyay . Shiikh Cabdalla wuxuu aad ugu caan baxay inuu ka jawaabo suaalaha diiniga ah iyo kuwa arrimaha bulshada xiriirka la leh.

Suaalahaan iyo jawaabohooda aan doonayo inay akhristayashu ila qaybsadaan waa 66 suaalood iyo jawaabohoodii. Qofkii carabiga fahmi kara wuxuu akhrisan karaa buugga Min qariib maa saaluunii waxaa la qoray 1984-tii, waxaa daabacay Datusalasil.

Suaashii kowaad: Waxaan nahay 2 wiil iyo gabar walaalo ah, waxaan nahay Carab, Aabeheen wuxuu ahaa ganacsade. waa uu dhintay, waxaan dhaxalnay ganacsigiisii. Intaan ganacsiga ku jirnay ayaan baranay nin caddaan ah oo muuqaalkiisu u eg yahay inuu ka yimid Yurubta Waqooyi. Wuxuu noo sheegay inuu wadankayaga-waddan carbeed- ku dhashay, Muslim ayuu ahaa. Shan sano ayuu nala noolaa, waxaan ogaanay inuu yahay nin aamin ah oo Ilaahay ka baqa, waxaa intaas u dheer inuu yahay nin hawl kar ah. Waxaan u bandhignay inuu shirko nala noqdo, waa uu naga aqbalay. Wuxuu noo sheegay inuu doonayo inuu nala xidido, oo uu guursado gabadha walaasheen ah, markaan gabadhii u bandhignay waa ay naga aqbashay. Aad ayaan ugu faraxsanayn inaan nin Ilaahay yaqaan oo dadaal badan aan wax ku darsanay. Waqti kadib, gabdhii ayaa uur yeelatay, intaan la gaarin waqti ay dhali lahayd ayaa waxaa ninkii ku dhashay safar deg-deg ah, isaga oo hal usbuuc sii maqan ayay wiil dhashay. Waxaa yaab nagu noqday inay dhashay wiil madow, aabihiis oo caddaan ahna uma eka, hooyadiis oo carab ahna uma eka! Gabadhii ayaan waydiinay meesha ay wiilkaan ka keentay, waxay noogu dhaaratay inaan waligeed nin aan ninkeda ahayn aan wax kala gaarin, kama aannan rumaysan, waayo waxaa noo muuqda wax cad. Waxaa waajib nagu ah inaan asturno ceebtayada iyo tan ninkii wanaagsanaa oo nala xididay si annaan isaga u waayin. Aniga iyo walaakay ayaa shirnay, waxaan is tusnay intaan ceeboobi lahayn inaan dilno wiilka yarka ah, kadibna aan gabadha ka qarino sida wax u dheceen. Wiilkii yaraa ayaan ceejinay. Ninkii ayaa safarkii ka soo noqday, waxaan u shegnay in gabdhii wiil dhashay laakiin uu isla markiiba dhintay, wuxuu yiri Ilaahay ayaa mahad leh waana khayr haddii hooyadii nabad qabto.

Waqti kadib ayay gabadhii mar labaad uur yeelatay, wal-wal ayaa nagu bilowday , markay dhalideedii soo dhawaatay ayaan jeclaysanay inuu mar kale dhoofo, wuxuu noo sheegay inuusan meelna u socon ilaa ay xaaskiisu ka dhasho. Markii ay fooshii qabatay ayaan umuliso ugu yeernay, albaabka ayuu taagnaa intay umulaysay, markii uu oohintii ilamha maqlay ayuu qolkii deg-deg ku galay, yaab! Mar labaad ayay dhashay wiil madow! Waxaa yaab nagu noqday inaan aragnay ninkii oo leh allahu Akbar wuxuu sii raciyay hooyaday waa laga gardarnaa, hadda ayaan hubsaday in aabahay ahaa aabahaygii runta ahaa, Allahu Akbar, Wallaahi waa anaa dhalay, waa wiilkaygii, aabahay ayuu u eg yahay wuxuu bilabay inuu marna ooyo marna qoslo, wuxuu aad ugu cel-celiayay aabahay aabahay, waxaan u malaynay in la maray oo uu waashay. Markii uu arkay annaga oo aad ugu dhaygagayna ayuu na waydiiyay, maxaad sidaas iigu fiirinaysaan? Wuxuu sii raaciayay ma waydnaan ogayn inaan intii aan noolaa hooyaday tuhmi jiray oo aan ku oran jiray aabahay wiilkiisii ma ahi, waayo uma eki, aabahay waa madoobaa, nasabadayda ayaan ka hakiyi jiray, hooyaday ayaan tuhmi jiray, waa nebcaa hooyaday, kamana nixin markay dhimatay. Hadda oo xaaskaygu dhashay ilmo madow ayaan hubsaday in aabahay yahay aabahaygii runta ahaa, sidoo kale waxaan hubsaday in hooyaday ay run sheegaysay ayna ahayd qof dhawrsan wuxuu bilaabay inuu ooyo oo uu Ilaahay waydiisto naxariis iyo danbi dhaaf. Wuxuu bilaabay inuu hooyadiis la hadlo isaga oo oranaya hooyo, iska kay cafi, waa ku dulmiyay adiga oo aan danbi lahayn, waa kan wilkaygu kuu markhaati furaya in aabahay yahay aabahaygii runta ahaa adiguna aad nadiif ka tahay dhammaan wixii lagugu tuhmay. Awal horay uma aanaan ogayn in aabihiis madoobaa hooyadiisna ay caddayd, kadibna uu isagu u ekaaday hooyadiis, hadana cunugiisii ayaa aabihiis raacay.
Suaasha aan qabno waa: waxaan dilnay wiilkii koowaad isaga oo aan waxba gaysan, waxaan u dilnay anaga oo ceeb ka cararayna, mana annaan ogayn in seedigayo aabihiis madoobaa:
1) Maadaama aan dil gaysanay maxaa nala ka rabaa? Ma waxay la mid tahay annagoo ula kac u dilnay? Carada Ilaahay ma nagu dhacaysaa kadibna naarta-Jahanama- miyaan galaynaa? Mase waa gafnay -ulama anaan kicin- oo waxaa nala ka rabaa Diyo ama kafaaro?
2) Waa maxay waxa nala ka rabo maadaama aan gabadha walaasheen ah tuhunay? Ma waxaa laga soo qadayaa Qadaf?Shiikh in Illahay raalli kaa noqdo noo sheeg wax aan samayno, wax kasta diyaar ayaan u nahay, arrinta kaliya oo annaan awoodin waa inaan u sheegno seedigayo inaan dilnay wiikiisii waayo arrin keeni karta dhibaato aan waligeed dhammaan.

Jawaab: Ilaahay ayaa mahad leh, Ilaahay ha I waafajiyo xaqa.
Suaashiinu waxay u qaybsantaa laba qaybood:
Naf ayaad si ula kac ah u disheen, arrintaan aad leedihiin ceeb ayaan ka baqaynay idiin noqon mayso mar-marsiinyo, waxaad qabteen shaqadii uu xaakinku qaban lahaa, naf ayaad maxkam,ad saarteen kadibna dil ayaad ku xukunteen kadibna idinka ayaa gacantiina ku dilay. Waxaad disheen naf aan danbi galin Ilaahayna ma ogola arrintaas. Dilka noocaan oo kale ahi wuxuu leeyahay laba waji, mid waa danbiga aad Ilaahay ka gasheen, Ilaahayna waa suurto gal inuu danbigaas idiin dhaafo waa haddii uu si run ah qofku u toobad keeno, waayo Ilaahay ayaa quraankiisa ku yiri, suuradda Al-furqaa qofkii toobad keena mahane oo Ilaahay rumeeya oo camal wanaagsan , Ilaahay xumaantii ayuu ugu badalayaa xasanaad, Ilaahay waa mid danbi dhaaf badan oo naxariis badan aayadaas ayaa laga fahmayaa waa markii la akhriyo aayadaha ka horreeya.
Wajiga labaad waa xaqa aabuhu ku leeyahay ilmihiisa, waana lagama maar-maan in loo sheego aabaha, isaga ayay jirtaa inu ka tanazulo xaqiisa iyo inuu dalbado in diyo la siiyo ama dalbado Qisaas (in la idin dilo), waxaan u malaynayaa inuu ka tanaasuli doono. Ugu dambayntii ma ahan arrin sahlan in la aqbalo inaad disheen ilmo yar, waxayna ahayd inaad si geesinimo leh arrinta wajiga u siisaan, mana ahayn inaad walaashiin ka shakidaan maadaama aydnaan horay ugu arag wax laga shakiyi karo, Midda kale ma ahan markii u horraysay oo haweeneey cad ay ilmo madow dhasho ama haweenay madow ay ilmo cad dhasho

Back to Category