Sida aynu ogsoonnahay ummad walba oo af , dhaqan iyo hiddo wadaag ahi waxayleeyihiin murti iyo sugaaan u gaar ah oo ay higsadaan. Halabuurayaasha murtida Ilaah ku maneeystay waxaa la ogsoon yahay inay door weyn kaciyaaraan wax ka badalka wacayiga ummada, hadday noqon lahayd mid Dagaal, Nabad,Naceeyb, iyo Jacaylba. Hadaba, markii dhan laga eego af Soomaaligu waa hodan waxa uu u kala baxaa, hadal iyo howraar,maanso iyo maah maah, gabay iyo geerar, masafo iyo madaddaalo, Hees iyo heello,sheeko qorriin iyo qun u hadal geesloo dayaba afkeenu waa qani.
Guudahaan afka Soomaaligu waa qaybo badan yahay hadii aan soo qaadano hadal iyomurti. Hadal waa eray qayaxan oo aan taxneyn jiib iyo luuq midna aan laheyn.Murti waa eray taxan oo luuq iyo jiib labadaba leh deelqaaf iyo laaxin lagailaaliyay marka la gudbinayo.Murtidii baa sii kala baxday oo noqotay labo qaybood oo kala ah, maanso iyo Hees. Heeskii baa isna labo qeeybood noqday oo ahhees hawleed iyo hees ciyaareed, Hees hoowleed waa heesta lagu qabto hawsha hanoqoto mid xoolaad ama mid farsamo gacmeed. Hees ciyaareedku waxay kaga duwantahay waxay leedahay sacab iyo jaan ama durbaan la garaaco oo loola jeedofaraxad ama maaweello. Qaybaha aansoo sheegnay ee murtida Soomaaliyeed ay ka koobantahay haddii la falanqeeyo midwaliba wuxuu noqonayaa mowjado bad oo soo rogmaday.
Ujeedadeenumaahan inaan ka sheekeyno heesahainaan tusaale u soo qaadanno mooyaane Haddii aan u dhabbo galno maansadu waxay u kala baxdaa (7) qeeybood oo kala ah:
-
Gabay
-
Geeraar
-
Masafo
-
Jiifto
-
Weglo
-
Guuroow
-
Buraanbur
Toddobadaanqeybood ee maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sita gabayga. Siday isu xigaanna waa u kala qaayo weyn yihiin, Soomaalidii hore ninka gabyaaga ahiyo gabayguba qiimayn weyn ayay kulahaayeen agtooda dadka dhexdiisana xurmo iyo xaq dhowr bay ku lahaayeen xulquuniyo xoolana way u ogolaayeen, waayo gabaygu wuxuu ahaa hubka iyo saanadda lagu xisaabtamo.
Aanka soo qaadno iyada oo col ladumayo, waxaa lagama maar-maanahayd in nin gabyaa ah uu colka ka mid yahay.
Haddabahaddii colkaas guuleeysto geelna lasoo dhoco gabyaagu wuxuu lahaa saami dheeraadah oo loo yaqiin (hashii gabyaaga).
Dhamaanafka soomaaligu murti iyo macaan waa ka siman yahay waase kala horeeyaan gabayguwaa kow, waana ugu hana qaadsan yahay. Waxaa la moodaa inuu kuwa kale ka qiimoiyo qaayo weyn yahay, guud ahaan dadka gabya. gabayga waa ku kala fiican yihiinmurtida iyo meel markana waa kalaheli ogyihiin ujeedadana waa kala abbaari og yihiin waxaa dhacda in nin gabyaaahi meel ku fiican yahay meelna ku liito, meelahaas waxaa ka mid ah
-
Amaanta
-
Cayda
-
Faanka
-
Digashada
-
Diradiraha
-
Calaacalka
-
Guubaabada
-
Waanada
-
Kuhaanka
Waxaakale oo dhici karta in ay jiraan maansooyin badan oo aanan maqal amaarag laakiin aragtidayadu waxay kukooban tahay intaan sheeko amashaahid ku ahaa. Waxaase qofkasta oo u dhabba galay maansooyinka Soomalida u soobaxaysa inay tahay waxaan la soo koobi Karin.
Halabuurayaasha Soomaaliyeed waa tiro badnaayeen waxaana dhab ah in ey kala ereyocuslaayeen kuna kala duwanaayeen waxay ka gabyaan, bal aan soo qaadanno mid kamid ah abwaannada Soomaaliyeed ee ku caan baxay inuu mar kasta ka gabayoxorriyada, calanka iyo waddaninnimadda waa abwaankii weynaa ee CabdulaahiSuldaan Timacade naxarii iyo jano Alle ha siiyee, abwaanku wuxuu gabaygiisa kumuujinayaa dhibaatada waddamada horay u maray ay ka soo gudbeen iyaga oo iskaashanaya wada jirna wax ku qabsanaya. Waxa kale oo uu dadka xasuusinayaa indowladaha horay u maray iyaguba aybalanbal iyo hoog soo mareenAbwaanku waxuu yiri:
Indhowaydba qarankiisa gabay qaad isma lahayne
Wax waliba qisuu leeyahay iyo qir iyo maamuuse
Qawaanniinta maansaduna waa qalad laaan sheege
Halkaan xarafku kuu qabanba waa laga qandoodshaaye
Maansada qaraamiga yaryar ee qayliyaa dilaye
Qarka orobba qaaliga frans qooriyada maarsi
Quruxdii almaaniya dhulkii muuse laga qaaday
Qalcadihii burburay reerahay qadaydu yeedhaysay
Ninna lama qasbine waa u ka seeninay qasaaraaane
Wuxuu qalinku meeraba markii la isu wada qaatay
Qabbaa raga isu geeyaye markay qaraxday baaruudu
Taangiga qafilan maalintuu qaaatay minawaarka
Qaladdii jabbaan lagu dhuftuu qoobla rogi waayay
Qumblooyinkii oo kalaan manta qubayaaye
Hadaad qaban kareeysaan araar qaaliyaan tirine
Dowladahaan laga qeeyliyay ee qaaq wax ka ga siiyay
Nin waliba marbuu qaadan jiray qaanso iyo leebe
Qorfo iyo marbuu seexan jiray qalanqal hoosteede
Hayeeshee qaluub wada jirtaa qaniya sheekhoowe
Qalalaase meel lagu lumo iyo qeeylo iyo oohin
Qorraxdii dhacdaba teenu waa kala qaxeeysaaye
Qod la riday qudhaan jada gashaaqoob dad wow halis
Hadduu geed qalalo roobku waa u qamac ka liileede
Dirxiga qudhunka uma soo uree waaabu quudsadaye
Qabaail iyo jeer la naco qaadkan laga waasho!
Qasti jeeray wada yeelatoo qowlka ku heshiiso
Qabyo weeye soomaaliyeay qiiradaadaniye
Nin qalbi la quraan kuu akhriyo qaaf dheh ku haraadye
Kutubtaa sidii lagau qarridhay qiil la aakhiroe
Qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiise