Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2002

Published on: 2002-02-01 00:51:41

Runahaantii waa arrin aad u fiican in la helo magazine ay Somalidu ku faani karaan.Si uu noqdo magazine-ku mid magacaSomalida sharaf u soo hoyiya waxaa lagama maarmaan ah inad laba arrimoodmarkasta maskaxda ku haysaan. Midda koowaad waa inuu magazine-ku noqdomid xanbaarsan wax yaalo badan oo ummadda faiido u leh. Midda labaad waa inuunoqdaa mid qurux badan.
Cabdirizaq Gawracane, South Africa.

Waxaanbooqdey magazine-kiina, gaar ahaan boggaciyaaraha runtii waxaan soo xasuustey bogga ciyaaraha oo ka soo bixi jireymadabacaddii Qaranka oo uu qori jirey Najiib Ciise. Runtii aad ayaan uga helaywaxyaabo badana wuu uga duwan kiihore. Horuumarka aad ku sameyseen sportigaSoomaaliyeed waa mid baal dahab ah idiin gali doona. Dad badan oocayaaraha jecel oo aan anigu ka mid ahay ayaa jeclaan lahaa in markaad qofcayaartooy ah soo waraysataan aad waraysiga ku soo dartaan hadday jirto si loolaxiriiri karo, tusaale ahaan hadduu e-mail leeyahay, taasi waxay fududaynaysaa incayaartooydii adduunka ku kala baahay ay mar kale is helaan oo ay kadibna wadaxiriiraan, waana arrin horumarinta cayaaraha qayb ka qaadan karta.
Baareey, Sweden

Hi All,Job well done. Now, we have a wonderful online magazine. As a Somalinet fan, wecan rely on it every month and we are looking forward coming months. Ourcontribution and suggestions will be well observed.
Zakariye Muse, Minneapolis.

Walaalayaal,Salaan iyo nabadi dushiina haahaato. Tan iyo intii dhibaatadu kuhabsatay Soomaaliya waxaa hana qaaday oo fagaaayaashalagu arkay qoraalo fara badan oo akhriskooda si aad la isugu taxalujiyayogaanytayse cimrigoodu gaabnaa oo aan sii raagain. Joogtaynta hawl saxaafadeedkawaa midda ugu adag isla markaana inta badan sababta in aanay wargaysyada hanaqaadaa aanay cimri dheer yeelan. Waxaan idinkula talin lahaa inaad taas kadigtoonaataan. Shaki kuma jiro in aad hawl balaaran qabateen waana mid runtii laidinkaga mahdiyay (koox ahaan) waxaana si gaar ah aan idinkugu amanilahaa ururinta iyo waqtiga farahabadan ee aad galiseen isu keenida qoraalo intaas le\'eg tayo ahaana aad u sarreeya. Akhrintu qoralada waa mudo gaabanlaakiin isu keenista, ururinta iyo farsanada ayaa waqti badan u baahan aniga ooogsoon in qof kasta oo gacan ka gaystayay u dheer tahay hawl naalmeedkiisa iyo danihiisa gaarka ah. Waxaanidinku dhaafayaa kolay bilowde ha ahaato hawl aan loo kala tagin,dhantaalin isla markaana joogto noqota.
Abdi Guled Elmi

Back to Category