Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2002

Published on: 2002-02-01 02:54:36

 Soomaaliaad u fara badan ayaa ku nool gobolka  Minnesota,gaar ahaan labada magaalo oo loo yaqaan mataanaha- Minneapolis iyo St. Pual-.Dadkaas soomalida ahi qaarba meel ayuu bulshada uga jiraa, qayb waa shaqaale,qayb waa arday, qayb kalena waa ganacsato. Ganacsiyo kala duwan ayay Soomaliduku leedahay gobolkaan, sida; Dukaammo, Makhaayado, Xawilaado, meelo Tigidhadadiyaaradaha lagu iibiyo, iwm. Waxaa xusid mudan inay jiraan carwooyin waaweyn ooSoomaalida gaar u ah, haddaad meelahaas soo booqatid waxa ay u badan tahay inaadka heshid wax kasta oo guriga qofka Soomaliga ah looga baahan yahay.

Somalinet Magazine waxaa u suurta gashay inaywaraysi la yeelato Yasmiin Cali oo ah gabar Soomaaliyeed oo ganacsato ah, kanamid ah  maamulka carwo ka mid ah carwooyinka  aySoomaalidu ku leedahay labada magaalo ee mataanaha ah isla markaasna iska lehmeel tigidhada diyaaradaha lagu  gado-YasmiinTravel Agency- Waxaan wax ka waydiinay  ganacsigaSoomaalida guud ahaan iyo ganacsigeeda gaar ahaan. Waraysigii wuxuu u dhacaysidaan:

SNM:Dukaamo badan ayaa halkaan ka muuqda, Sidee ayay ku bilaabatay fikaradaan inSomalidu samaystaan dukaamo badan oo hal meel ku wada yaal?

Yasmiin:Fikraddu waxay nagu dhalatay markaan aragnay in soomalidu u baahan yihiindukaamo iyaga gaar u ah oo ay ka heli karaan wax kasta oo ay u baahan yihiin.

SNM:Goorma ayaa la furay suuqaan Soomalida?

Yasmiin: Waxaa la furay July 2001-dii  

SNM:Imisa rugo ganacsi ayaa ku yaal meeshaan?

SNM:Waxaa kuyaal 64 rugo ganacsi, waxaa kale oo jira qayb cusub oo dhismo ku socdo.

SNM:Soomalidu badanaa maxay ka ganacsadaan?

Yasmiin:Soomalidu waxyaalo badan ayay ganacsi ka sameeyaan, waxay aad uga ganacsadaandharka, waxyaalaha guryaha lagu qurxiyo, sidoo kale waxaa jira dad ka ganacsadamakhaayadaha.

SNM:Waxyaalaha ay ka ganacsadaan ma waxay u badan yihiin waxyaalo wadankaan lagusameeyo mise waa waxyaalo la soo dhoofsho?

Yasmiin:waxay u badan yihiin waxyaalo laga soo dhoofsho dibadda, waliba waxaa u badan oolaga so dhoofshaa wadanka Imaaraadka Carabta.

SNM:ma jiraansuuqyo kale oo kan la mid ah?

Yasmiin:waa jiraan, waxaa jira carwada  soomaalidaoo ku taal koofurta Minneapolis, waana carwadii ugu horreeyay oo soomalidu kuyeelato gobolkaan, kaddibna waxaan samaynay carwadaan

SNM:Maxay ku kala duwan yihiin labada suuq?

Yasmiin:Markii lagafiirsho dhinaca waxyaalaha lagu gadayo farqi weyn uma dhexeeyo, hase yeesheewaxaanu aad isugu taxalujinayaa inaysan dukaamadu wax isku mid ah aysan wada gadin kaasoo aan filayo inaanu kaga duwan nahaycarwada koonfurta .

SNM:labada suuq ma isku wax ayaa laga helaa?

Yasmiin:badanaa badeecadda lagu gado waa isu dhaw-dhawdahay, laakiin waxaa jirtamaadaama kani danbeeyay inaan ku dadaalnay inaan xal u helno dhibaatooyin kajira moolka kale, tusaale ahaan Moolkaan hadda markaad timaadid horay ayaad kahelaysaa meel aad gaarigaaga dhigatid sidoo kale waxaa jira waxyaalo fara badanoo suuqaan laga helo oo aan suuqaas laga helin.

SNM:waxaad fikrad naga siisaa habka soomaalidu ay ganacsiga u bilaabaan?

Yasmiin:Qofku marka uu doonayo inuu ganacsi sameeyo waa inuu diiwaan galiyo nooca ganacsiga uu doonayo kaddibna badanaa waa loo oogolaadaa. Soomalidubadanaa toos uma soo dhoofiso wax yaalaha ay gadaan, waxaa jira dad u dhexeeyaSoomaalida iyo meesha alaabta laga keenayo, dadkaas ayay soomaalidu ka soo gataan waayo badanaa soomalidu waxay furtaan dukaamo ee ma lahan ruqsad wax lagu soo dhoofiyo. In ganacsiga la sharciyeeyo ma ahanarrin dhib badan.

SNM:Soomalidu ma leedahay urur matala ganacsatada soomalida?

Yasmiin:nasiib darro Soomalidu ma leh urur noocaas ah, waana arrin aad u fiicnaan lahaydoo dhinacyo badan Soomaalida ka caawin lahayd oo haddii urur noocaas ahi jirowaxyaalo badan oo hadda dadka waqti badan ka lumiya kama lumiyeen, dadkaganacsatada ahna waa ay u faaiidayn lahaayeen. Waxaase jira maamul uuleeyahay suuqaani, waana maamul loogu tala galay inuu xalliyo arrin kasta ooSuuqa soo food saarta.

SNM:Dhibaatadii Maraykanka ka dhacday 11-kii September ma saamaysay ganacsigaSoomalida?

Yasmiin:si weyn ayay u saamaaysay, mana ahan ganacsiga oo kaliya, waxay saamaysaynolosha oo dhan. Dhinaca ganacsiga hadda waxaa jira sharciyo khuseeya ganacsigaoo la soo saaray markii dhibaatadu dhacday kaddib, tusaale ahaan wax kasta oo lasoo dhoofiyo si ay waddanka u soo galaan waa inay meesha laga soo dirayo loogasoo qoro waxaas oo faah-faahsan, nooca badeecadda, midabka iyo tirada iwm,haddii taas la waayo lama soo galin karo, waxaana hadda jirta dad Soomali ah oolaga gubay alaabtii loo soo dhiibay kaddib markii ay ka soo bixi waayeenshuruudihii laga rabay. Awal arrintu saas ma ahayn oo waa ka fududayd, sidookale waxaa hadda dhibaato dadka ka haysataa waqtiga ay qaadanayso intabadeecadda la soo saarayo.

SNM:haddaan u soo noqonno ganacsigaan aad adigu ku jirtid oo ah tigidhadadiyaaradaha, ma soomalida oo kaliya ayaad ugu talo gashay inaad tigidhada kaiibisid mase waxaad ugu talo gashay dadka oo dhan.

Yasmiin:dabcan waxaan ugu talo galay dadka oo dhan isla markaas markaan bilaabayaywaxaan xoogga saaray soomaalida kaddibna dadka Afrikaanka ah marxaladdasaddexaad ayaan u soo gudbay  oo ahdadka dhan.

SNM:  Kolley intaad howalahaaan ganacsiga ku jirtay khibrado badanayaa kuu kordhay, ma jiraan arrimo aad is leedahay qofka Soomaaliga ah ooganacsi samaynaya wuu u baahan?

Yasmiin:waa jiraan waxaan qof kasta oo doonaya inuu ganacsi sameeyo kula talin lahaainuu marka koowaad baaris sameeyo oo iska hubiyo in faaiido ka soo baxaysowaxa uu doonayo inuu ka ganacsado,  waayohadddii qofku ganacsiga u galo hebelba waa galaye adiguna gal waaxa laga yaabaain dhibaatooyin badan soo food saaraan, waxaa dhici karta in qofka lagu dayanayouu haysto fursado badan oo aan qofkaan suuqa ku cusubi haysan, sida inuu haystoboos ku yaal meel ganacsi ku fiican  amauu macaamiil badan oo joogto ah haysto. Marka labaad waxaan kula talin lahaainay dadku bartaan u adeegidda macaamiisha waayo markii qof ajnabi ahi kuu yimado wuxuu kaa filanayaa inaad uguadeegtid sidii loogu adeegi jiray markii uu tago dukaamada waaweyn oo caanka ah.

Back to Category