Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2002

Published on: 2002-02-01 01:46:15

          Sida umadaha kaleba, dadka Somaaliyeed xagga nolosha waxay soo mareendhawr marxaladood oo aad u adkaa, mar baa jirtay dadku reer guuraa u badnaanoloshuna ku dhisnayd halgan iyo dadaal. Ninka xoogga ahi sabab laaan maalintii meel iskama seexan jirin, waxaad ku garan gartaamarkii nin barbaar ahi uu lug ka jabay, kadibna markuu ogaaday inuu jaban yahayayuu yiri Horta dhaan saddex-subaxle ahi ha iga haro Saddex-subaxle waadhaan subaxa la diro subaxa ku  saddex ah  imaan jiray. Mar kalenawaxaa la sheegay in nin dhallin yaro ahi arkay geed weyn oo har qabow, markaasayuu inta fiirshay yiri Allow yaa ku qandhada. Noloshaas miyiga oo ilaaiyo hadda socota waxaa ku xigay tii gumaysiga oo ka xoroobideedu ummadda qiimoweyn oo naf iyo maalba leh ugu fadhido.

           Waxaa jirtay oon ama harraad kulul oo dadka Soomaaliyeed dawladnimada uqabeen. Si ay oonkaas uga baxaan waxay dirsadeen rag, raggii ay dirsadeen iyodadka ku filan ma ayan keenin, waxaa halkaas ka bilaabatay catow iyo eedsheegasho, intii aan rag kale dhaan loo dirin ayaa waxaa dhaan keenay rag hawlkale lagu ogaa aanse dhaan laga filayn iyaga oo sii ballan qaaday in ay siikordhin doonaan, aad ayaa loogu riyaaqay, looguna hambalyeeyay, ha yeeshee waxaydadkii uga digeen in qofkii biyahaas xareedda ahi u dhadhami waayaan uu yahayqof xanuunsan isbitaalna loo diri doono, ballantaasna waa ka dhabeeyeen.Waxayanse ka dhabayn ballantii ahayd inay biyaha soo kordhin doonaan, dhawr jeeroo ay biyo keeneen waxay ka soo dhaaminayeen ceel kii ka horreeyay ka liitay,ilaa ay ugu danbayntii badda ka soo dhansheen. Kadibna qaladaadkii jiray ayaaqof waliba qaybtiisa qaatay. Abwaan Soomaaliyeed (Cali Sugulle) ayaa eraydisiiwaxaa ka mid ahaa dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhawra, wax kadhimman gobonimada qabiil dhex galee kala dhawra, ways dhinac wadna kala dhawra,kala dheer labaduye kala dhawra. Inaguna intaan isku dhufanay ayaan iskujajabinay, dhimbilhii ka finiinayna qof walb agurigiisa ayay ugu galeen. Raggiimajaraha hayay waa tabar darreeyeen ilaa ay ka noqdeen sidii Miishaar aan ilkolahayn oo kale. Abwaan horena waxaa erayadisii ka mid ahaa Onkodkii jibaadabamarbaa riinku jabayaaye. Kadibna kacdoon ayaa ku xigay, wuxuu ahaa mid aanloo kala harin loona dhamayn, gacanta iyo uurkaba waa laga hadlay.

           Waxaa xigtay 10 sano oo saddex waxyalood oo aynu horay u haysanaysaddexdiiba la waayay. Waa dadkii oo xabaddi ka meel weyday, dalkii oo la kalagoogooyay, qofna si xor ah uma dhex mari karo iyo dawladnimadii oo horaybameesha uga baxday. Waddankii wuxuu gaaray heer naxdin leh, dadkii Soomaaliyedkuwoodii aan wali rajada dhigin oo aan wali ka quusan soomaalinimadii, waxayisku dayeen inay wax furdaanshaan, shirar badan ayay galeen, umado kale ayay lakaashadeen, meelo badan ayay haab-haabteen laakiin mar kaliya xarig waa uguntami waayay, waayo? Waxay iska dhaadhiciyeen inay u baahan yihiin wax ayaaminaan oo ay saldhig ka dhigtaan, waxay u tageen Hangaraarac, waxay moodeen insiduu u lugo badan yahay uu u caqli badan yahay , waa uu soodhaweeyay, wuxuuna usheegay saddex qodob. Qodobka koowaad waa in qabiil kasta uu lugihiisa mid kamid ah uu qabsado uuna ku dhago, qabiilkii khalad sameeya lugtuu haysto ayaa loogoynayaa. Qodobka labaad, wuxuu u sheegay in hoostiisa uu joogo Ayax baalashiiiyo lugihiiba laga jaray oo qabiilkii aan lugta u gooyo cuni doona. Qodobkasaddexaad waxa uu u shegay in qabiil walba waxa uu donayo oo dhan uu ka helayoqabiilka  kale, waana inuu ka doonto.

Dhibaatada ummadda ku habsatay waxaa ka mid ah iyagaoo qabiil walba qabiilka kale farta loogu fiiqay oo ay islaynayaan. Tan labaadHangaraarucu maalin walba qabiil ayuu lugta uu haysto u jaraa, Illeyn lugohangaraarac ma dhamadaane waa dadkii waxa dhammaanaya. Tan saddexaad Ayaxu lugoiyo baalal toonna ma leh oo mid meel kaaga socda ma ahan. Tan afraad Ayaxadabeecadihiisa ayaa waxaa ka mid ah in uusan dhargin oo waxa uu afka ka cunayogadaalna waa ka socdaan. Tan shanaad haddii uu meesha ka tago si kastaba ha ugatagee waxaa diyaar ah oo ku sugaya Koronkoradiisii.

           Waxaa la sheegay in nin dadka qaarkiis ku tilmaameen inuu waalnaa uumaalin awr fara badan isku xiriirshay oo kii ugu horreeyay ku dabay kii ugudanbeeyay, markaas ayaa awrtii iska daba wareegaalaysatay, markaas ayuu inta kuqoslay yiri  "Allow ur u bixi, waa xaalka soomaaliya maanta ku sugantahay. Nin aan Soomaali ahayn ayaa xikmad ku sifeeyay in qofkii waxa uuraadinayo ka raadsha meel qaldan uusan k ahelayn, tusaalahaan ayuu ku caddeeyayarrintaas Nin indha la oo habeyn madow gudaya oo raadinaya Bisad madowkana raadinaya qol mugdi ah oo aan illays lahayn, oo waliba ayan Bisaddu joogin,ma kula tahay inuu helayo?" 

Waa halka aynu xalka ka raadinayno. Waxaa kale oomaah-mah caalami ahi oranaysaa haddii qof madaxu aad u xanuunayo aad madaxa ugalisid taaj dahab ah ma ku buskoonayaa?

           Ummadda Soomaaliyeed hadday soo martay waqti fog oo ay xeer dhaqan(Jungle law) isku maamuli jireen oo uu wax tari waayay, hadday soo martaydimuquraadiyad oo ay wax tari wayday, oo ay soo martay shuuciyad wixii nagaqabsadayna aan ogayn, kadibna aan soo marnay 10 sano oo dawlad laaan ah(anarchy) oo jab iyo naso beel naag qabsaday. Maxaa ina ka hortaagan indastuurkeenu noqdo Shareecada Islaamka? Mise tiiha iyo iska daba wareega ayaanil ka garanay? Allow ur u bixi.

 

Back to Category