Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2002

Published on: 2002-02-01 15:34:36

Sanadkan cusub ayaa waxa uu la kowsaday hadal heyn la hadal hayo Somalia. Quwadaha reer Galbeedka oo uu hogaanka u hayo Mareykanka ayaa waxa ay cadeeyeen in dagaalka lagu hayo argagixisida in aanu ku ekeyn Afghanistan oo qudha ee uu saameyn doono dunida oo idil. 

Meelaha la carabaabey ayaa waxa ugu horeeya Somalia, Yaman, iyo Philipin. Falalkii argagixisnimo ee magaalooyinka New York iyo Washington D.C. oo ahaa kuwo naxdin badan, kana fog dadnimida ayaa waxa lagu tuhunsan yahey in ay ka danbeeyeen Muslimiinta mayalka adag siiba Al-Qaacida gaar ahaan. Waxaa jira dadaal badan oo ay warbaahinta reer Galbeedka u galeen sida ay isugu xidhiidhin lahaayeen ururka Al-qaacida iyo iskudhacii dagaal ee Ceydiid iyo Rangers-ka Mareykanka. Dagaalkaas oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasey 1000-3000 oo Somali ah. Waxa kale oo farta lagu godey Somalida guud ahaan siiba Al-itixaad Al-islami gaar ahaan. 

Hadaba sida warbaahinta Galbeedku (intooda badan) ay wax u tabiyeen ayaa ah mid xaqiiqada jidha aad uga fog. Waxaa laga siman yahay in Somalia ay tahay wadan aan dawladi ka jidhin. Dowlad laaantana ay keeni karto in ururo sida Taliban ah ay ka sameysmi karaan ama ku xoogeysan karaan. Laakiin qof kasta oo xog ogaal ah waxa uu ka warqabaa waaqiciga wadanka ka jidha. Waxa aan qarsooneyn doorka Ethiopia ay ka cayaartey sida ay dunida u tusi laheyd musawir ah in Somalia ay tahay xarunta labaad ee Muslimiinta mayalka adag. Waxa ay Ethiopia ku andacootey in mudo ah in ay dagaal kula jidhey Al-itixaad Al-Islaami. Waxa kale oo isa soo taraya wararka ah in Ethiopia ay ka dhaadhicisey Mareykanka waxa ay ugu yeertey cadeymo ay ka soo ururisey Gedo. 

Ethiopia waxa ay ku guuleysatey in dagaalka ay kula jidho dhaqaaqyada xornimo doonka ah ee Ogaden ay ku xidhiidhiso dagaalka lagula jidho Argagixisada Waxaa ayaan daro ah in Mareykanka aanu sameyn u dhabagal dhameystiran ee uu si sahal ah u rumeysto waxa Ethiopia ay ugu yeedhay cadeymo. Ken Menkhaus oo ah aqoonyahan kala taliya CIA, Pentagon-ka, iyo Waaxda Arrimaha dibada ee Mareykanka arrimaha khuseeya Somalia ayaa qoraal uu u gudbiyey maamulka hada talada haya waxa uu ku sheegay in 10-12 Somali ah ay xiriir wacan la leeyihiin ururka Al-Qaacida ee Osama Bin Ladin. Hadalkaas oo laga soo xigtay jariidada Sunday Times ee ka soo baxda Egland. Jariidada cadadkeedii 1/20/02 ayaa waxa ay ku warrantey in ay heshay warbixintaa qarsoodi ah. Waxa kale oo Ken Menkhaus warbixintiisa ku sheegay in xataa Fadhiisimada Al-Itixaad Al-Islaami ay hore u deganayeen aaney hada isticmaalin oo laga guurey. 

Waxaa kale oo xusid mudan qeybta ay ku leeyihiin xubnaha isbaheysiga SSRC in Somalia lagu duulo. Dadaalka ay ugu jiraan in weeraro lagu qaado fariisamaha kooxaha ay hardanka siyaasadeed ay isaga soo horjeedaan iyo rabitaankooda ay ku doonayaan in ay gaashaanbuur la sameystaan Mareykanka iyo Ethiopia ayaa ah mid aan qarsooneyn oo si caam ah loo ogyahey. Waxa ay jariidada Sunday Times qortey in Xussein Ceydiid uu u dhiibay xubno ka socda heyada sirta ee CIA-da galal (files) xog badan ay ku urursan yihiin oo uu Aabahii ka dhaxley. 

Sida lagu wado galalkaa xogta ku taal oo la maleynayo in ay magacawdo xubno Al-Qaacida ka tirsan iyo sidii uu caawimaada uga helay Osama Bin Laden ayaa loo isticmaali doonaa in ay cadeyn u tahay xidhiidhka xoogaga Somaliya ka jidha haatan iyo ururka Al-Qaacida. Taas yaa waxa lagu xoojinayaa Cajalad laga hayo Osama isaga oo ugu yeedhay dhacdadii Somalia Guushii ugu weyneyd, intaa waxa uu ku daray in xoogaga ka garab dirirey Ceydiid ee la dirirey Rangers ay ahaayeen kuwiisa 

Maanta mareykanka waxa uu aaminsan yahay in uu hayo cadeymo ku filan oo u ogalaanaya inuu tallaaabo ka qaado Somalia si Al-Qaacida xubnaheeda baxsadka ah aysan ugu laaban fariisamaha ay hore Somalia uga sameysteen. 

Waqtiga iyo waayahaba waa ay ka hiiliyeen caalamka Islam-ka ah. Waxa la isu sheegtay awood dhaqaale iyo mid militari. Waxa hubaal ah in Somalia aysan ka jidhin argagixiso Al-Qaacida ah laakiin ay ka jidhaan kuwa qabiili ah oo hubeysan. Dhaqdhaqaaqyada xornimo doonka ah ee Ogaden, Falistiin, Kashmiiriyo Chechnia, giddi waa kuwa aayo ka talinta dadkooda u dagaalama laakiin maanta waxaa loo aqoonsaday in ay argagixiso yihiin. 

Intaba waxa ay wadaagaan Muslinimo. Hadana dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee Colombia, N. Irland, iyo Tamil Tigers kuma jidhaan liiska argagixisada. Ilaa waqtigan UN waxa ay isku khilaafsan tahey sida loo qeexayo argagaxisada 

Somalida ku nool Mareykanka ee aaminsan weerar Somalia lagu qaado in uu yahay mid qaldan waxa kaliya ee ay qaban karaan waa iyaga oo la hadla xubnaha Congress u fadhiya degaamadooda. Hadii aadan aqoon cinwaanadooda waxa aad ka heli kartaa halkan http://www.congress.org . Hadii ay dhib kugu tahay qorrida waraaqda waxaa kaa caawimaya Somalinet Magazine ee nagala soo xiriir magazine@somalinet.com.

Back to Category