Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2002

Published on: 2002-02-01 21:38:47

Afgembigii ka dhacay Soomaaliya Oktoober 1969-kii, waxaa taladii dalka kula wareegey koox saraakiil ah oo ka tirsanaa ciidammadii qalabka sidey ee dalka Soomaaliya. Waxaa saraakiishaas hor kacayey taliyihii milleteriga Soomaaliyeed Jeneraal Maxamad Siyaad Barre. Waxaa xusid mudan in Jeneraal Siyaad, xilligii uu ku xigeenka u ahaa jeneraal Daauud, bilowgii iyo bartamihii sanadihii 1960-aadkii, uu masuul ka ahaa xafiis laga maamulayey howl-gallada ciidameed oo ay jabhadihii soomaaliyeed ka wadeen dhulka Soomaalida laga heystay ee Ogaadeenya iyo N. F. D.

Labadii sano ee ugu horeysey ee uu jirey maamulkii Kacaanka (1970-kii iyo 1971-kii) waxaa jirey dhowr kulan oo ey isku arkeen qaar kamid ah masuuliinta soomaaliyeed iyo madax Itoobiyaan ah. Masuuliintaasi waxey ka wada hadleen ismaandhaafka dhexyaal labada maamul oo ey sabab u tahay dhulka ay labada dowladood isku haystaan ee Ogaadeenya. Kulamadaasi waxay ku dhammaadeen is af-garashawaa. Dabayaaqadii sanadkii 1972-kii iyo bilowgii 1973-kii, dhowr jeer ayaa ciidamada labada dowladood ey xabbado isku dhaafsadeen xuduudda labada dal dhex taal, gaar ahaan degmooyinka Doolow iyo Bongol. Golihii Sare ee Kacaanku wuxuu isku deyey in arrinta Ogaadeenya ay ku xalliyaan si nabadgelyo ah. Inkasta oo bilowgii sanadihii 1970-aadkii ay xoog saareen mashaariicda horumarinta dhaqaalaha iyo baraarujinta siyaasadeed ee dadweynaha si ey dadweynuhu uga qeyb qaataan nadaamkii dhisnaa, iyaga oo raacaya manhajka siyaasadeed ee ku saleysan diktaatooriyadda danyarta, sidaasna ay dowladda kacaanku uga sharciyowdo dalka gudihiis . Isla markaas madaxdii kacaanku dib uma ayan dhigan howlaha ku saabsan madax bannaanida gobollada galbeedka Soomaaliya ee gacanta ugu jira Xabashida.

Bishii juun, sanadkii 1974-kii waxaa magaalada Muqdisha lagu qabtey shirweynihii madaxweynayaasha Afrikaanka ah ee uu dhigey Ururka Midowga Afrika O.A.U. Qabashada fadhigaasi waxaa la filayey in uu ku culus yahay Soomaaliya markii dhowr meelood laga eego sida dhaqaalaha ku baxaya fadhiga, sugidda nabadgelyada wufuudda iyo qalabka loo adeegsanayo socodsiinta fadhiga. Laakiin waxaa dhacdey in si wanaagsan loogu guuleystey habsamida uu shirku u dhacay, Soomaalidiina uu halkaas ka raacey magac iyo sharaf. Xilliga shirkaas la qabtey, cilaaqaadka Soomaaliya iyo Itoobiya aad ayuu u xumaa. Qadiyaddii Ogaadeenya shirkii gacan waa ay ka weydey kaddib markii ey madaxdii Afrikaanka intoodii badneyd ey mucaararadeen qadiyaddii iyaga oo oranaya xuduudaha qaaradda Afrika waa in loo daayaa sidii uu gumeysiga kaga tegey ee aanan wax laga beddelin. Xilligaas Maxamad Siyaad wuxuu ahaa odaga ururka, sidaas buuna boqorkii Itoobiya Xeyle Salaase uga soo qeybgaley shirkii isaga oo dadiisu ey kor u dhaaftey 80 sano. Taasina wexey aheyd socdaal uu boqorku dalka dibaddiisa ku tago kii ugu dambeeyey, waayo afgembigii ay ciidamadu ku mijaxaabsheen dowladdiisii xilligaas diyaar buu ahaa. Madaxweyne Siyaad oo bilowgii sanadihii 1980-aadkii u warramaya nin wariye ah oo uu la kulmey, wuxuu u muujiyey sababta ey dowladaha Afrikaanka ah gacan uga weydey qadiyadda ku saabsan muranka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynuhu wuxuu ka sheekeeyey : Waxaa jirey nin madaxweyne Afrikaan ah oo aannu saaxiib aheyn, kaas oo dalkiisu uu dhowaan madax bannaanidiisii qaatey. Ninkaasi markii uu halganka gobanimo doonka ah uu ku jirey aad baan u kaalmeeyey. Fadhi kamid ah fadhiyadii ururka O.A.U. baa waxaan ka codsadey in aan la kulmo. Laakiin waa uu i diidey in uu ila kulmo. Iyadoo fadhigii uu socdo yaa waxaan ku kulaney hoolkii lagu shirayey meel dibaddiisa ah. Gacantaan kasoo qabtey oo meel gees ah inta la aadey baa waxaan weydiiyey : Maxey tahay sababta aad u diidey in aad ila ula-nto? Waa uu i eegey isagoo didsan, waxuuna iigu jawaabey : Waad ogtahay in aan ahay mid ku xiran kaalmada aan helo, sidaa darteed waxaa layga mamnuucay in aan wax kula qabsado, halis iskama aan gelin karo kaalmada la isiiyo. Tabtaas ayuu iila hadley. Sidaas baad ku aami-ni kartaa in dowladaha Afrikaanka ahi ayan xor aheyn. Dal xoroobaa ma jiro inta uusan cagahiisa ku istaagin. Sidaas bayan u jirin dal Afrikaan ah oo Soomaaliya ay taageero ka heshey . Waa ay ina ayidi lahaayeen haddii ay dowladaha xoogga leh ey farta ugu fiiqi lahaayeen. Haddase waa ay naga fogaanayaan waayo dowladaha waaweyn ayaa sidaas raba.

Markii ay ciidammadii Itoobiya majaxaabiyeen xukuumaddii boqor Xeyle selaisse, golihii sare ee ciidamada Itoobiya wexey doorteen in ey dalka ku maamulaan nadaamka Hantiwadaaga ah. Madaxdii Soomaaliya oo arrintaas ku farxey ayaa si qarsoodi ah uga codsadey saraakiishan horusocodka ah in ey Ogaadeenya xoreeyaan si ay u hoos timaado maamulka dowladda Soomaaliya, halkaasna lagu wanaajiyo xiriirka labada shacab ee in muddo ah aanan hagaagsaneyn. Madaxdii Itoobiya waxaa ku adkaatey in ey bixiyaan dhulka Ogaadeenya oo baaxaddiisu tahay 45 % dhulka Itoobiya. Dhallinyarada reer Ogaadeenya, wexey si buuxda ula socdeen akhbaarta ka imaanaysa Itoobiya iyo kacdoonka ey xilligaas wadeen ciidamada Itoobiya iyo ardada dugsiyada, taas oo ay natiijadeedii ay ku dhamaatey afgembigii maamulkii boqortooyada. Markii khabarkaas la xaqiijiyey ayaa ardadii Xamar joogtey ee ahaa reer Ogaadeenya waxaa ku dhalatey fikrad ah in halgankooda uu ka madax bannaanaado dowladda Soomaaliya. Waxey bilaabeen fadhiyo ka madax bannaan maamulkii dalka u talinayey. Arrintaasi waxaa ku qanci waayey saraakiishii ka talinayey Soomaaliya. Madaxweyne Maxamad Siyaad labo jeer ayuu kulan la yeeshey ardeydii, wax heshiis ahna waa ey gaari waayeen. Dhowr boqol oo ardeydii kamid ahaa baa xabsiyada loo taxaabey. Arrintii wexey sii murugtey markii rag 150 nin ahaa ay ka soo noqdeen waxbarasho ciidameed oo ay ugu maqnaayeen dalka Waqooyiga Kuuriya. Raggaasi badankoodu waxey ahaayeen Ogaadeen. Dowladdu wexey u soo bandhigtey in ey ciidamada Soomaaliyeed ka mid noqdaan oo dhammaantood saraakiil laga dhigo, si markaas ay u hoggaamiyaan dagaalka lagu damacsan yahay in lagu xoreeyo Ogaadeenya. Waa ay diideen, waayo waxaa u muuqatey, haddii ay kamid noqdaan ciidamada Soomaaliya in si toos looga maamulayo taliska wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, taasina uma ayan arag in ay maslaxad u tahay aayaha halgankooda. Raggii diidmada la yimid, iyaguna xabsiyada ayaa loo taxaabey. Waxaa jirey koox yar oo ashkhaas ah oo dowladda xiriir wanaagsan la lahaa. Kooxdaasi waxey aha yeen ragga xiriiriya madaxdii dowladda Xamar iyo dadka Soomaaliyeed ee deggan gobolka Ogaadeenya. Kooxdaas dowladda gacan saarka la laheyd, markii ay arkeen in raggoodii la wada xirey, iyagiina wexey bilaabeen in ay gadoodaan, sidaas baa iyagiina lagu xirey. Maxamad Diiriye Uurdoox oo ahaa madaxa jabhaddii laoranjirey United Front Western Somalia oo la aasaasey 1972-kii, wuxuu kamid ahaa raggii ugu horeeyey oo la xirey. Khilaafkaasi wuxuu dhacay bilowgii iyo bartamihii sanadkii 1974-kii. Bilowgii sanadkii 1975-kii, dowladdii Soomaaliyeed waxey markaas bilowdey in ey ururiso ciidamadii jabhadda Ogaadeenya, waxaana loo xil saarey jeneraal Galaal. Dhammaan raggii xirnaa waa la soo daayey si ay uga qeyb qaataan abaabulka dagaalka hubeysan oo lala gelayo dowladda Itoobiya. Soomaalidu waxaa kale oo ay ka faaiideysanayeen xaaladda qallafsan oo ey Itoobiya ku sugneyd.

Saraakiisha u talinayey Itoobiya waxey xilligaas wadeen isa sifeyn dhexdooda ah, si ay kooxi xukunka ugu harto. Raggii kacdoonka u jidbeysnaa oo ay ugu horreeyeen askartii la oran jirey Dergo ayaa wexey laayeen saraakiishii sare ee Itoobiya intoodii badneyd. Ciidamadii dalka qabsadey waxey ku dhawaaqeen in ey dalka ku maamulayaan mabaadiida Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan. Halkaasna waxaa dhaawac kaga yimid cilaaqaadkii ay Itoobiya la laheyd dalka Maraykanka. Waxaa la ogsoonyahay hubka ay ciidamada Itoobiya xilligaas heysteen in uu ahaa mid ay sancadiisa lahaayeen Mareekanku. Markii ay Itoobiya ku biirtey bahweynta beelaha Hantiwadaagga ah waxey waayeen qalab ay ku dayactiraan hubkii ay ciidamadoodu haysteen, kaas oo ay ka helayeen Maraykanka. Dhanka kale, Ruushka weli xiriir adag ma ayan yeelan oo waa ay isku cusbaayeen. Dhaawac kale ayaa dowladdii Itoobiya kaga yimid dhanka jabhadihii Eriteeriya oo xilligaas intey midoobeen weerar adag kusoo qaadey waqooyiga Itoobiya, dhulka bannaan ee waqooyiga Itoobiya intiisii badneydna gacantooda ayuu galey. Ducfigaas ku yimid nadaamkii Addis-ababa ka talinayey wuxuu fursad siiyey saraakiishii ka talinayey nadaamkii ka dhisnaa magaalada Xamar in ay ku fekeraan in ay duullaan ballaaran ku qaadaan Itoobiya. Saraakiisha golahii sare ee Kacaankii Soomaaliya ka talinayey waxey qiyaaseen in istraateejiyada guusha ee dagaalka uu dhankooda noqonayo haddii uu dagaal dhexmaro Soomaaliya iyo Itoobiya. Markii loo kuur galo arrimaha ay madaxdii Soomaaliyeed is tusiyeen in ay ku kaalmeynayso guusha dagaal lagu qaadoItoobiya, waxaad arkeysaa, haddii ay aragti sare ku fekeri lahaayeen in ay xaqiiqadu ka duwan tahay tan iyaga markaas u muuqatey. Saddex qodob baa lagu soo koobi karaa sababaha ey isyiraahdeen waad ku guuleysan kartaan, waxeyna yihiin:
Qodobka koowaad wuxuu yahay iyaga oo ka ciidan fiicnaa dowladda Itoobiya, haddey noqoto xagga dhismaha ciidanka, niyadda ciidanka iyo qalabka ay ciidamadu sitaanba. Tirada iyo tayada ay ciidamada Soomaaliyeed lahaayeen intaanan dagaalku dhicin wexey aheyd:
23,000 oo nin, kuwaas oo si wanaagsan u tababarnaa, nadaamkooda iyo kala dambeyntooduna ay sarreysey. 250 taangi oo noocyadoodu ahaayeen T-34, T-54 iyo T-55 oo taangiyada dhexe ah, kuwaas oo ay sancadooda lahaayeen dalkii la oranjirey Soofyeetiga. In kabadan 3000 oo gawaarida gaashaaman ah, kuwaas oo ciidamadana lagu qaado, 52 dayuuradood, 24 kamid ah ay ahaayeen Mg-21. Nooca dagaalka ee dhawaaqa ka dheereeya (Supersonic) .Taangiyadaa iyo gawaaridaa gaashaaman baa waxey ciidanka
Soomaaliyeed siiyeen in ay saddex jibbaar ka bataan taangiyada iyo gawaarida gaashaaman ey ciidamada Itoobiya heystaan. Xabashidu iyagu ciidamadooda cirka wexey lahaayeen tiro illaa 40 dayuuradood ah oo kuwa dagaalka. Waxaa intaa weheliya dhow dayuuradood oo ay dowladda Iiraan u soo gaddey dowladda Itoobiya intuusa Xeyle Salaisse dhicin. Dayuuradahaas oo ah kuwa dagaalka, noocoodu wuxuu ahaa F- 5 oo ay sancadoodu laheyd dowladda Mareekanka. Tallaabadaas ay Iiraan qaaddey waxey ka dambeysey siyaasaddii uu boqorkii Iiraan Shaah Maxamad Ridaa Al-Bahlaawi uu ku damacsanaa in uu Ruushka kaga saaro bariga Afrika. Markii uu dagaalkii bilowdey ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa ay haysteen 16 dayuuradood ee kuwa dagaalka ah noocooduna yahay F- 5A/Es. Waxaa intaas weheliyey duuliyayaasha dayuuradaha dagaalka ee Itoobiya oo ahaa kuwo khibrad wanaagsan u lahaa ku dagaalanka dayiuuradaha ey heysteen. Qodobka labaad oo ey Soomaalidu is tusiyeen in uu hiillo uyahay baa wuxuu ahaa xiriirkii wanaagsanaa oo ey la lahaayeen dowladdii Midowga Sofyeeti. Xiriirkaasi wuxuu gaarey halkii ugu sarreeyey xilligaas. Bilowgii sanadkii 1974-kii waxaa dalka booqasho ku yimid wafdi ciidameed oo ka socdey dalkii Midowga Sofyeeti. Waxaa hoggaaminayey nin sarkaal ah oo la yiraahdo Marshal Sergey Grejkov. Booqashadaas waxey daba socotey mid sanadkii 1973-kii uu ku yimid Soomaaliya wasiirkii gaashaan dhigga ee Sofyeetiga Marshal Trejko, ooay hoggaankii dowladdii Soomaaliyeed isku af-garteen dagaalka lagu qaadayo Itoobiya. Ruushku wuxuu xilligaas Soomaalida u muujiyey in uu daneynayo dagaalka Ogaadeenya lagu xoreynayo. Marshal S. Grejkov markii uu Soomaaliya yimid bilowgii 1974-kii, wuxuu la kulmey Madaxweyne Maxamad Siyaad iyo masuuliin sare ee ciidamada Soomaaliya oo ey kamid yihiin Jeneraal Maxamad Cali Samatar iyo Gaashaanle Sare Galaal.

Marshaalku markuu arkey in madaxda Soomaaliyeed ay daneynayaan dagaalka Xabashida wuxuu u ballan qaadey in uu u soo dirayo niman khuburo ah oo arrinkan la habeeya. Dhambaalka uu Marshaalku wadey oo uu saraakiisha Soomaalida u sheegay wuxuu ahaa in dalka Masar iyo Suudaan ay ku cayaareen isu dheellitirkii xoogagga adduunka, in ayan jirin dowlad Hantiwadaag ah oo u soo gurman karta saaxiibaddeed haddii uu dagaal qabsado. Marshaalku arrintaas waxaa uu ula jeedey markii Masar iyo Suudaan ay xiriirkii iskaashiga ahaa u jareen dowladdii Sofyeetiga, markaas oo saldhigyadii uu ku lahaa kanaalka Suweys uu lumiyey, dhaqdhaqaaqii ay ciidamadiisu ku lahaayeen degaankuna uu ciriiri galey. Wafdigii xigey ee khubarada ahaa waxaa hoggaaminayey nin Admiraal ah, kaas oo la kulmey masuuliin ka socda ciidamada sida Jeneraal Maxamad Cali Samatar, Gaashaanle Sare Abuukar Xasan (Suulalley) iyo Galaal. Admiraalku wuxuu si tafa tiran uga warramey aragtida uu Ruushku ka qabo in Ogaadeenya dagaal lagu soo ceshado. Markaas ayaa dowladdii Soomaaliyeed iyo saraakiishii masuuliinta ka ahaa ciidamada ay ku dhiirradeen in ay gobanimo doonkii Ogaadeenya dib u soo nooleeyaan. Waxyaabaha Soomaalida dhiirrigeliyey wuxuu ahaa Ruushka oo mowqif cad oo is garab taag ah u muujiyey. Markaas baa Soomaalidu waxey codsadeen in ay helaan hub casri ah oo ay ku dagaal galaan. Ruushkiina waa uu ka aqbalay. Wareysi ey idaacadda B.B.C. laanta af-soomaaliga ey la yeelatey Jeneraal Galaal 5/ 3- 2000. Qodobka saddexaad wuxuu yahay xiriirka shakhsiga ah ee qarsoonaa ee uu Maxamad Siyaad la yeeshey dowlado shisheeye ah oo ey ugu horreeyaan Maraykanka iyo Sacuudiga. Bilihii ugu horreeyey sanadkii 1977-kii, waxaa jirey farriimo ka imanayey dalka Soomaaliya iyo madaxweynaheeda Siyaad ee ku socdey Washington. Farriimahaas waxaa soo qaadayey rag Maraykan ah ee
Soomaaliya booqasho ku tegayey iyo siyaasiyiin u dhashey dalal kala duwan oo Carab ah. Qaabka ay farriimahaas ku baxayeen waa ay kala duwanaayeen, laakiin dhammaantood wexey sheegayeen in Maxamad Siyaad uu diyaar u yahay in uu khiyaano Ruushka oo uu raadinayo in uu xiriirka la sameysto waddamo ay kamid yihiin Maraykanka iyo Sacuudiga. Waxaa kale oo jirey ballan qaad ay Sacuudiga iyo Iiraan bixiyeen oo ah in ay maalgelin ku sameynayaan mashaariic horumarin ah ee waaweyn oo laga qabto dalka Soomaaliya haddii ey Ruushka eryaan. Kacaankii Itoobiya ka curtey wuxuu doortey siyaasadda bidixda ah oo u janjeerta aragtida shuuciyadda. Dowladdii Maraykanka waa ay ku qanci waydey arrintaas. In ay fara gelin toos ah sameyso waa ay ka xishoonaysey, waayo waxey ka soo baxdey fadeexado siyaasadeed oo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen dagaalkii Vietnaam iyo fadeexaddii Watergate. Maraykanku wuxuu sibuuxda ula socdey diyaar garowgii ay dowladda Soomaaliyeed waddey. Sidaas darteed, madaxdii Mareykanka waxey is tuseen in ay Soomaaliya xanuujiso Itoobiya oo dhengaddii ay iyadu la dhici laheyd ey soomaalidu la dhacaan, si ay mar kale Itoobiya ugu noqoto dhabta Maraykanka.

David Korn oo ahaa diblomaasi Maraykan ah oo muddo ka shaqeynayey dalka Itoobiya ayaa wuxuu yiri :
Jawaasiista Maraykanku si wanaagsan ayey ula socdeen duulaanka ey Soomaaliya ku soo qaaddey Itoobiya. Markii ay Soomaaliduduullaanka qaadeenna Maraykanku wuxuu si sax ah u ogaa halka ey ciidamada Soomaalidu marayeen, goorta ay marayeen iyo mexey la kulmeen.Maraykanka, isaga oo adeegsanayey wararkaas ay helayeen, ayaa toddobaad ka hor intaanan ciidamada Soomaaliyeed ayan dagaalka gelin, ayaa madaxweyne Jimmy Carter, wuxuu caddeeyey in uu qabo in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero hub difaac ah. Taasina waxey aheyd is garabtaag aan wax tar lahayn qowda maqashii waxna ha u qaban. Waxaa kale oo loo fasiri karaa ishaaro la siinayo maamulkii Soomaaliya oo macneheedu yahay horay u dhaqaaqa oo Itoobiya ku duula, hortiinana wadadu waa ay furan tahay.
Waa socotaa......Bisha danbe

Back to Category