Qaybtii 2aad
Waxaan ognahay in qoysku yahay unugga bulshadu ay ka soo askunto kaaso ah mid ka kooban labada waalid iyo caruurtooda,wuxuuna ka abuurmaa guurka labada lamaane (wiilka iyo gabadha). Haddaba hormuudka qoysku waa labada waalid ,aabaha iyo hooyada kuwaas oo ah kuwo ka mas\'uul ah inta qoysku ka noqonayo mid adag,hase ahaatee beryahan dambee waxaad moodaa in ay kaalintii waalidku ay ka duwan tahay sidii hore dhaqanka iyo caadada inoogu ahayd taasoo labada waalid ahaayeen kuwo xiriirkoodu aad u wanaagsan yahay ,ayna adkaan jirtay in ay si sahlan uu qoyskoodi ku bur buro, kuwaasoo ku barbarin jiray ubadkooda wanaag iyo farxad. haddaba haddii qoysku jacaylka iyo ixtiraankii uu isu hayey dhumiyana waxaa cad inay adag tahay inuu noqdo qoys caafimaad qaba oo ka badbaada dhibaato kasta oo soo wajahda.
Waxaad moodaa hadda in kala-tagga iyo furiinka qoysaska ay si xad dhaaf ah ugu badanayaan bulshadeena waxayna taasi wiiqaysaa mustaqbalka iyo faraxsanaanta qoyska,waayo hooyada iyo aabuhu midkoodna ma qaban karo kaalinta uu midkood baneeyo.
Baritaan haddaba lagu sameeyey sababaha keenay in bur burka iyo kala-taggu bato ayaa waxaa lagu cadeeyey in inta badan ka timaado xiriir iyo jacayl wanaagsani oo aan ka dhaxayn qoysaska kuwaasoo inta badan ah xitaa hadii khilaaf yari soo dhex galo aan si wada jir ah u xalin khilaafkoodii laakiin uu midba meeshiisa kabooda iyadoon la fiirinayn danta iyo mustaqbalka qoyska . Waxaa iyadana jirta inta badan wada shaqayn la\'aan ka timaada labada waalid iyaduna sabab u tahay ,maxaa yeelay qof kasta oo qoyska ka mid ahi wuxuu rabaa in isaga wanaag loo suubiyo isagoo aan haba yaraatee ku dadaalayn inuu wax wanaag ah u sameeyo dhanka kale, iyo iyadoo aysan jirin wax kasbasho ah oo midba midka kale u sameeyo.
Haddaba arrimahaas iyo arrimo kale ayaa la sheegay inay yihiin kuwo kaalin wayn ka qaata bur-burka iyo kala tagga qoysaska,runtii haddii aad fiirisidna waa wax jira oo inta badan waxaad arkaysaa qoysas badan oo kala tagay, marka sababta la ogaadana uu midba midka kale ku eedaynayo inuusan wax u qaban ama uusan la shaqayn. hadaba si uu qoyskaagu u noqdo mid wanaag iyo jacayl ku barbaara waa inaad ku dadaashaa mar-kasta sidii aad qoyskaaga uga farxin lahayd oo aad wanaagga ugu barbaarin lahayd caruurtaada, waxaadna ogaataa haddii taasi la helo inay ilmahaaguna noqonayaan kuwo jacayl iyo wanaag ku barbaara waa haddii ay ka arkaan ilmuhu waalidkood oo farxad iyo wanaag isu haya waxay noqoyaan kuwo waalidkood jeclaada iyaguna isjeclaada laakiin hadii ay arkaan maalin kasta iyo saacad kasta gurigoodii oo rabsho iyo buuq ka aloosan yahay waxay noqoyanaa kuwo ku barbaara rabshadaas iyo buuqaas.
Ugu dambayntii waxaa lagula talinayaa inaad ku dadaasho oo aadan dhayalsan waajibaadka kaa saaran qoyskaaga iyo caruurtaadaba.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!