Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2003

Published on: 2003-02-03 13:24:19

Waxaa lacagta inta badan lagu dhaleeceeya in ay tahay xoolo shaydaan oo aan la maamuli karin,lana ilaalin karin taasna waa mid dad badani maanta aaminsan yihiin, wayse ka duwan tahay saas oo waxaa lagu qeexi karaa lacagta hubka kaliya ee lagula dagaalami karo cadowga nafta sida, xanuunka, gaajada,baahida nafta, IWM waase hadii si sax ah loo kharash gareeyo oo aysan noqon mid iyadu ku maamusha ee aadan maamulin,waxaa laga yaabaa in dad badani inay lacagi soo marto laakiin aysan sida saxda ah u maamulin taasna ay caqabado badan kala kulmaan.

haddaba dadku waxay inta badan isku khaldaan oo aad moodaa inaysan u kala soocnayn labada kala ah:

  1. Baahida:qofku wuxuu u baahan yahay sida Hoy,caafimaad,cuno.waxbarasho ama cilmi nolol suuban IWM
  2. Rabitaan:qofku wuxuu rabaa in uu ku noolaado nolol raaxo leh, helona balwadiisa iyo faakahaysigiisa.

Hadaba labadaas arimood oo u baahan in la kala saaro, marka qofku u haleelo in uu si sax ah u qarash gareeyo waa inuu marka hore tixgeliyaa baahidiisa ama baahida qoyskiisa ee uusan ka bilaabin rabitaankiisa,waxaase nasiib daro ah in ay dhacdo marka qofku isagoo aan fiirin baahidiisa ama tan qoyskiisa uu ka hormariyo rabitaankiisa taasoo inta badan maanta ku dhacda bulshadeena. Tusaalae ahaan aan u soo qaadano waxa inta badan dhacda bulshadeena aabe maalin dhan xamaalayey kadib uu soo helay xoogaa lacag ah dabadeedna ku bilaabay in uu balwadiisa ku iibsado halka ilmihiisi iyo xaaskiisi ay macaluul la bakhtinayaa, hadaba aabahaasi sidii loo rabay uma isticmaalin oo isma uusan waydiin baahida reerkiisa iyo rabitaankiisa kan muhiimsan.
Dhanka kale waxaad arkaysaa qof ayaa helaya lacag ku filan mudo bil ah ama wax la mid ahba wuxuu ku raaxaysanayaa ama ku gubayaa dhowr bari ama saacadood gudahood mana uu tix galinayo baahida marka dame ee wuxuu jeclaystay in uu waqti kooban raaxaysto isagoo marka dame la arko isagoo raadinaya wax yaale baahidiisa ah, hadaba maalkan ama lacagtan aad heshay ilaahay wuxuu kuu siiyey inaad isku maamusho naftaada oo ku haqab tirto baahidaada laakiin adigoo baahan in aad ku faakihaysato laguuma siinin .qarash garayntu waxay ka adag tahay sidaad ku heshay, hase ahaate waxa weeye marka hore qofku inuu ku xisaabtamo dakhliga uu helo iyo kharashka uu rabo inuu bixiyo waxaa dhacda inta badan in dadka,masalan qofka dakhliga soo galaya uu ka bato kharash garayntiisa markaas waxaa ku dhacaya qofka inuu galo dayn iyo dhibaatooyin badan,laakiin hadii uu ku xisaabtami lahaa marka hore inta uu helay, waxaa dhici lahayd inuu ka badbaadi lahaa dhibaatooyin badan, waxaa inta badan dadku lagu macneeyaa labo dadka marka ay soo gasho lacagtu kuwaas oo kala ah Bakhayl iyo Deeqsi. Bakhalyku wuu kala darajo sareeyaa waxaase ugu daran kan xataa naftiisa ka bakhayla lacagta iyo maalka soo gala allena cadaab ayuu u balan qaaday kuwa maalka jamciya ama kulmiya dabadeedna tiriya una maleeya in uu waarayo ee aan ku bixin jidka saxda ah ee loogu talo galay.

Deeqsigu aad ayuu u kharash gareeyaa dakhligiisa lacageed laakiin su\'aashu waxay tahay miyuu yaqaan halka ay ku haboon tahay in lagu kharashgareeyo ? waxaa laga yaabaa in uu ku xisaabtamo siduu ku heli lahaa wax walba oo cusub qiimo kasta ha ku kacaane, wax walbana ka iibsado shayga kan ugu qaalisan, wax walba oo uu bixiyana ku bixiya amaan la amaanay iyo dhibaataynta dadka kale, deeqsigani wuxuu ku xad gudbay isticmaalka lacagta ee maaha deeqsi, waxaa deeqsi ah qofka maalkiisa sida saxda u bixiya iyo sida loogu talo galay ee maaha deeqsinimadu magac ku hel iyo qof sare ku noqasho iyo dad ku dulmi waxaa kaloo ayana xusid mudan in danta guud ama arrimaha bulshada in lacag ama dakhli lagu kharashgareeyo aysan dadku muhiim u arkin laakiin taasi waa arrin ku dhisan horumarka, dunida horumartayna ay ogaatay.

Haddaba gabagabadii waxaan maqaalkan kooban ugu soo jeedin lahaa ummadda si ay u haleelaan in ay si sax ah u kharash gareeyaan lacagtooda iyo in ay tixgeliyaan dhowrkan arrimood:

  1. Markasta inuu qofku ku xisaabtamo dakhliga uu helo marka uu rabo inuu kharash bixiyo.
  2. In qof kasta uu kala saaro baahida iyo rabitaankiisa asagoo mar walba tix- galinaya baahida.
  3. In uusan qofku noqon bakhayl ee uu huro lacagta naftiisa iyo kuwa u baahan ee lagala dardaarmay in uu sadaqaysto kuna hormariyo naftiisa iyo bulshada inteeda kale.
  4. In qofku uusan deeqsinimo u arkin in uu ku bixiyo lacagtiisa faakahaysi iyo jidaan fiicnayn balse uu u arko muhiim wuxuu lacagta ku kharash-garaynayo waa wixii baahidiisa ka badan.

Waxaana filayaa intaas iyo in kaleba inay anfacayaan sidii aan u kharashgarayn lahayn dakhligeena.

Back to Category