Qaybtii 1aad
Cabdi Maxamed Ciye-oo bahda isboortiga ay ugu yeeraan Cabdi dheere- ayay taariikhdu xusaysaa inuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii iyo tababarayaashii ugu qiimaha badnaa ee soo mara ciyaaraha kubbadda koleyga ee dalkeena Soomaaliya. Kooxdiisa kubbadda koleyga ee caanka ka ahayd Afrika Iyo dalalka Carabta Jeenyo Ama 5 tii jeenyo ayuu hormuud u ahaa, isaga oo ka ciyaari jiray dhexda (Center). sidoo kale waxaa uu ahaa tababare ay aad uga muuqatay aqoontiisa ciyaaryahannadii uu soo barbariyay ama uu gacanta ku soo dhigay. Sida taariikhdu xusayso marka laga hadlayo ciyaarta kubbadda koleyga ee Soomaaliya, Cabdi dheere waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ama halyeeyadii ugu horreeyay ee magaca Soomaaliyeed gaarsiiya caalamka Carabta iyo Afrikaba. Cabdi dheere waxaa uu ka mid ahaa tiirarka ay ku dhaaran jireen Kooxdiisa Jeenyo oo uu kaalin wayn uga jiray, sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa xulka qaranka. Ka dib markuu ka fadhiistay ciyaaaraha Cabdi Dheere waxaa uu u wareegay dhanka tababaranimada, waxaana uu ahaa tababare aqoontiisu aad u sarreysay , guulo badanna u horseeday kooxdiisa Jeenyo iyo xulka qarankaba. Cabdi Dheere waxaa uu ku dhashay magaalada jamaame ee gobolka jubbadda hoose sannadku markuu ahaa 1952kii, waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe waxaa uu ku qaatay isla magaaladaasi jamaame isaga oo dhigan jiray dugsigii la oran jiray Jubba School , dabadeedna dugsigii caafimaadka ayuu u wareegay oo ay gacanta ku hayeen ajaanib isugu jiray Amerikan iyo Canadian oo ay ahayd meeshii ugu horraysay oo uu ku bilaabo ciyaarta kubbadda koleyga, dabadeedna waxaa uu u soo wareegay magaalada Xamar oo uu ku dhammaystay waxbarashadiisa dugsiga sare isaga oo ka baxay dugsigii sare ee Badda. 1984kii ayuu Cabdi dheere ka qalin jabiyay kulliyadda waxbarashada lafoole isaga oo ku takhasusay maadooyinka Biology iyo Chemistry. Tababare Cabdi dheere waxyaabaha ay bulshada Isboortiga sida aadka ugu xusuustaan waxaa ka mid ahaa: Isagoo ahaa shakhsi aad u deggan, dabeecad wanaagsan, qosol badan, Samir badan, Wadaninimadu ku dheer tahay oo aad uga dhiidhiya guul-darada, jecel ciyaartooydiisa aadna u dhiirri-galiya, soo saarista ciyaartooy cusub oo wax-tar leh.
Waxaana intaasi u sii dheeraa isagoo ahaa tababare aad u xammaasad badnaa marka la isugu yimaado goobaha ay ka socdaan tartammada ciyaaraha.
Cabdi Dheere waa xaas leh 6 caruur ah, waxaana uu ku nool yahay magaalada Toronto-Ontario ee dalkaasi Canada.
Haddaba waxaa ii suuro-gashay inaan wax ka qoro Taariikhdii Isboorti ee Tababare Cabdi dheere, waraysigaasi isaga ah oo dhinacyo badan taabanayay ayaan ku soo koobay sidan:
Shiikha: Goorma ayaad billowday Ciyaaraha? Yaase kugu dhiirrigaliyay?
Cabdi Dheere:Ciyaaraha sidoodaba waxaan bilaabay aniga oo aad u da,yar oo markaasi dhiganayay fasalada 5aad & 6aad ee dugsiga Hoose/dhexe Jubba oo ku yaallay magaalada jamaame, waxaana markii ugu horreysay igu dhiirri-galiyay laba macallin oo Maraykan ahaa oo iyagu macallimiin ka ahaa dugsiga oo la kala oran jiray Chaser Kurtis iyo goodmanWaxaa xusid mudan in labadan nin ay ahaayeen labo nin oo aad isugu hawlay horumarinta isboortiga dugsiga, iyaga oo ka dhisay halkaasi garoomo lagu ciyaaro kubbadda koleyga oo aan dhismihiisa kala qayb-qaadanay, waxayna noqotay goobtii iigu horraysay oo aan kaga hanaqaado kubbadda koleyga.
Shiikha: Ma jireen noocyo kale oo isboorti oo aad ka qayb-gashay?
Cabdi Dheere: Haa waa jireen siiba ciyaaraha kubbadda cagta iyo ciyaaraha fudud Athletics oo aan ka qayb-qaatay xilligii aan dhiganayay dugsiga Jamaame...... Runtii waxaan aad u sii jeclaa ciyaaraha fudud oo aan oran karo waa hooyadii Isboortiga taasoo aan sabab uga dhigayo haddii uu ciyaaryahanku awooddiisa iyo awoodda wada shaqaynta jirkiisa ay wanaagsan yihiin waxaa ay sahli kartaa inuu ka qayb-qaato nooc kasta oo ciyaareed oo uu doono, ilaa haatan aad baan u jeclahay daawashada ciyaaraha fudud, hase yeeshee xilligaasi talooyinkii ay ii soo jeediyeen labadaasi macallin ayaan qaatay oo aan u go\'ay ciyaarta kubbadda koleyga.
Shiikha: Ma ka qayb-gashay tartamadii ciyaaraha gobollada?
Cabdi Dheere: 1971 kii ayaan ka qayb-galay, waxaana ay ahayd waqtigaasi mid u furan ciyaaryahanka heerka 1aad Iyo kan gobolka ka yimaada...hase yeeshee markii dambe waa la sharciyeeyay oo lama oggolayn in ciyaaryahan heerka 1aad uu ka qayb-galo tartamadii ciyaaraha gobollada. Sidoo kale iyaduna waxaan ka qayb-galay tartammadii ciyaaraha dugsiyada.
Shiikha: Ma xusuusan kartaa waxyaabihii xusuusta gaarka kugu reebay intaad ku dhex jirtay ciyaaraha, markaad ciyaaraysay iyo markii dambe oo aad macallinka noqotay labadaba?
Cabdi Dheere: waxyaabaha xusuusta gaarka igu reebay oo ilaa haatan maskaxdayda ay soo goconayso ayaa ahayd iyadoo ay na soo mareen ciyaartooy faro badan oo qiimo badnaa kuwaasi oo xirfaddoodii ciyaareed aan ku tilmaami karo Hibo Eebe Sida: Bashiir Foxs, Qardhaas, Afweyne, Bile Warsame, Cabduqaadir Shiikha, Axmed Xaaji Nuur, Gees, Maxamuud, Saciid Qorsheel, Cabdalla Dheere, iyo ciyaartooy fara badnaa oo aan halkan ku soo wada koobi karin...waxaan qabaa ciyaartooydani haddii adduunyada kale loo furi lahaa inay wax-tar wayn u yeelan lahaayeen dalka Soomaaliya, dunidana ay magac wayn ka kasban lahaayeen.
Shiikha: Kooxdaadii kubbadda koleyga ee Jeenyo LL.PP wax guulo ah ma gaareen intii aad u ciyaaraysay?
Cabdi Dheere: Marka laga soo bilaabo1970 kii ilaa 1978kii kooxda kubbadda koleyga ee jeenyo dalka Soomaaliya caan bay ka ahayd, waxayna ku guulaysteen dhammaanba wixii koobab ahaa ee la dhigay ha noqdeen jeneraal daa,uud iyo horyaal intaba.
Shiikha: Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka qaran ee kubbadda koleyga Somaaliyeed?
Cabdi Dheere: 1973kii ayaan ku biiray oo aan ka tirsanaa ilaa 1978kii
Shiikha: Tartamadii ciyaaraha caalamiga oo aad ka qayb-gashay iyo kooxihii aad la ciyaartay wax ma xusi kartaa?
Cabdi Dheere: Xaqiiqdii ciyaaro faro badan oo caalami ahaa ayaan ka qayb-galay oo markastaaba waan bixi jirnay oo waxaan ka qayb-gali jirnay ciyaaraha caalamiga ah ee dibadaha lagu qabanayay, kooxihii aan la ciyaaray oo fara badnaa waxaa ka mid ahaa: Kooxdii ka socotay Xulka qaranka Russia oo la oran jiray dinamo Kev, Zair, Masar,Central Afrika, Sudan,iyo ciyaaro faro badan oo aan runtii wada xusuusan karin, waayo marka laga soo bilaabo 1973kii ilaa 1978kii ciyaaro caalami Iyo kuwo heer Zone ayaan ka qayb-galayay oo marba aan meel u safrayay.
La soco cadadyada dambe