Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Febraayo 2003

Published on: 2003-02-03 11:09:56

Waxaa suaalaha ka jawaabay Shiilkh Abdulqadir/Sweden
Cudurdaarasho: Naga raalli ahaada dadka aanaan wali suaalohooda ka jawaabin, culumadii aan u dirnay ayaan wali ka soo jawaabin.

Suaal: Walaalayaal ilaah ha idin abaal mariyo dhamaan tiinba aduun iyo aakhirana liibaan ha ina siiyo intaa ka bacdi su aashaydu waa hadii qof faleenbo ku rakiban tahay isagoo sooman soonkiisii ma jabay mise Ma jabin. jazaakumulaahu khayr?
Jawaab: Qof sooman oo ay fleebo ku rakiban tahay soonku waa ka jabayaa waayo fleebadu waa nafaqo jidhka galeysa sidaa darteed soonka way jabin

Suaal: Walaalyaal idinka oo mahadsan waxaad iga jaahilisaa waxaan ahay gabar somaliyeed oo haysata dahab aan ku labisto iyo mid aan marar dhif ah ku labisto oo guriga ii yaal ma waxaa la iga doonayaa inaan Zakada ka baxsho dahabkaas. Waa mahadsantihiin.
Jawaab: Dahabka uu qofku isticmaal u haysto ee uusan u heysanin keydsi iyo baayac mushtar zako lagama bixnayo rayi oo ka mida ah araada culimada rayi kalana wuu jiraa oo leh haduu badan yahey waa laga bixinayaa.

Suaal: ASSALAAMU CALAYKUM SALAANTA ISLAAMKA KADIB WAXAAN RABAA IN AAD SUAL IDIN WAYDIiY0 WAANA TAN.... MAXAY DIINTA ISLAAMKA KA QABTAAA WIIL AAD JECESHAHAY HADAAD TELEFOON KU WADA HADASHAAN MARKAANA TELEFONKA DHEXDIISA AAD ISkAGA HAMOOTAAN,ANBA AAD KA SHEEKAYSAAN WAX KU SAABSAN SARIIRTA, WIILKAA OO WAX MEHER idiin DHExAYN. SIDAA IYO ASSALAAMU CALAYKUM
Jawaab: Nimeydaan is qabin inaad ka sheekeysataan wax idin gaadhsiiya is damaaci ama sariirtaba waa xaaraan.

Suaal: ACWW. waxaan qabaa su aal.insha alaah halaiiga soo jawaabo.ilaahay.qayr.ha idin,siiyo.waxaan daris nahay ilmo.agoon ah,waxaana ku nool nahay wadamada yurub wadan ka mida. Marka ma denbi ayaa iga soogaaraya hadaan gurigooda wax ka cabo ama ka cuno.hooyadood.waxay leedahay wax aabahood ka tagay ma aha.shiikhoow iga jaahil bixi arintaan.wabilaahi towfiiq
Jawaab Ilma agoon ah in waxooda la cunaa sax ma aha, Nabiguna naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yidhi ha u dhowaanina agoonta waxooda hadaydan wax iyaga maslaxadooda ah ugu haynini wixii la siiyana way mulkiyayaan kadibna looma tashan karo inaad iyaga wax maslaxadooda ah ugu heyso mooyeen sida tijaaro oo kale.

Suaal: assalaamu calaykum dhamaan walaalayaal. salaan kadib waxaan rabaa in an halka suaal ka soo dhiibto. waxaaa muran igaga jiraaa hilibka iyo digaaaga laga soo iibasado dukaanada gaalada in uu xalaal yahay iyo in kale ilaa intiii ay dad soomaliyeed iga yidhaahden waa la cuni karaaa oo markaad cunayso ayuun baad bisinka u qabanaysaaa markaa bal walaalayaal iga soo jaaahil saara. sidaaa iyo assalaamu calaykum
Jawaab hilibka ama digaaga dukaamada gaalada waxaan u kala qaadeynaa gaaladani ma yihiin kuwii kitaabiga ahaa mise waxba ma aaminsano hadeyna waxba aaminsaneyn looma dhowaan karo haddad ogtahey iney gawracaan oo ay yihiin yahuud ama masiixi waa la isticmaali karaa laakiin intaan ognahey ilaa hadda reer galbeedka aan ku dhex noolahey waxaa culimadu intooda badan isku waafaqeen ineyna gawricin xoolaha oo ay bakhtiiyaan ama intooda badanba ayna aheyn dad diin heysta sidaa darteed lama iibsan karo hilibkooda iyo digaagooda midna allaana og xaqiiqda.

Suaal: ACWW Waxaan idinku salaamay salaanta islaamka ee kor ku xusan, Walaalayaal waxaan qabaa suaal ah, haddii qofka aad nolosha la wadaagtay uu xanuunsado rag iyo dumarba, uuna awoodin in uu guto xagga (jameec) xaq ma u leeyahay in qofka kale dalbado furitaan?
Jawaab: Hadduu xanuunsado labda qof ee wada nool oo uu kari waayo (jimaaca)iyo wixii la mid ah waxaan u kala qaadeynaa labo qeybood, ma xanuun laga yaabo inuu ka caafimaadaa mise waa mid aan rajo laheyn? haduusan rajo laheyn xaq buu qofku u leeyahey inuu kala tag dalbado nin iyo naag mid kastaba ha ahaadee sababtoo ah diintu ma qabto in la is dhibo. Hadii kalase waa in la hubsadaa oon lagu dagagin dalbashada ilaahey wuu baneeyey wuxuuna u baneeyey inaan wakhtigii loo baahdo aan la isku dhiboonin waana sheyga uu baneeyey hadana uu ugu cadho badan yahey suu (rasuulku) sheegey korkiisa naxariis iyo nabed galyo ha ahaatee wallaahu aclam. wlaalayaal waxaan gafay waa nafteyda iyo sheydaan waxii aan saxayna waa xag alle.Sheekhna ma ahi ee ardey baan ahey.Wasalaamu caleykum warxmatullaahi.

Back to Category