Danbiga 18aad: Markhaati Beenaadka
Ilaahay wuxuu dadka muminiinta ah ku sheegay in ay yihiin kuwa aan beenta ku markhaati kicin. Fiiri Aayadda 72aad ee suuradda Al-furqaan.
Dhibaatooyin badan ayaa ka imaan kara haddii qof been ku markhaati kaco, Tusaale ahaan, haddii laba qof ay hanti isku qabsadaan kaddibna uu qof kale been ugu markhaati kaco qofkii aan hantida lahayn in uu isagu leeyahay oo uu sidaas qofkii hantida lahaa xoolihiisii ku waayo. Waa arrin keeni karta dhibaatooyin fara oo ay ka mid tahay colaad iyo nacayb. Sidaas ayaa la inoo ka reebay markhaati beenaadka. Nabiga calehi salaatu wasalaam mar uu ka digayay danbiayada waa weyn wuxuu sheegay in uu danbiga u weyn yahay shirkiga, caasi waalidiinimada iyo markhaati beenaadka, Nabigu wuxuu ku celceliyay Markhaati beenaadka ilaa ay saxaabadii jeclaysteen in uu aamuso.
Waxaa wariayay Bukhaari