Bilow gabay bakala rogan
Maanso baabka loo furay
Bismillaahi waa kow
Hirarka is barkaday iyo
Mowjado is buurtiyo
Garaaraha biyaha iyo
Meelaha bannaanoo
Baddu ku xaragotiyo
Iftiin baxay ma mooddaa
Geenyadii Bureeqoo
Baroorkeedka midabka ah
Heense quruxda bila iyo
Shucub baallo dahab liyo
Bul cad lagu hagoogo
Meel baratan yaalliyo
Fagaaraha la kala baxo
Laysu soo bandhigayoo
Baaqa sigi ma mooddaa
Waagoo beyaayiyo
Habeen soo baraarugay
Bidhaantiisa uguboo
Intay baraxday sagalkii
Fadadkii biyaha siday
Baalka u marrintoo
Is beddelin ma mooddaa
Guga oo barqadayoo
Balliyada xarfanayiyo
Baadkiyo caleemuhu
isu baaqayaanoo
Hadba laamo faraq badan
Neecow ka timid Bari
La bardooddamaysiyo
Kayn bacrina ma mooddaa
Ubax wada bislaadoo
Beel cosoba ku yaalloo
Inta baarka loo simay
Is beddelidda midabyda
Isha baaqa jecej lihi
Baalka isu deeddoo
Daruuraha xabbururshiyo
Xilliyada an baaqani
Bariiso aan onkodiniyo
Ku cesheen butaaciyo
Cir birqaday ma mooddaa
Cidla lagama baanoo
Ruux aadan wali baran
Buuni laguma sheego e
Alla bilic haldhaa leey
Curdan weeye soo baxay
Waa inan xishood badan
Waa ugub bil dhalatiyo
Weli xabagbarshe ahoo
Bareeraha sidan qabo
Maskax baaxad weyn ley
Garasho uga ka buuxdaa
Markay haybad badaneey
Dharka quruxda bila iyo
Xarragada baydhee
Tinta baahada fidisa e
Kala bixisa laafyaha
Afar-qaadle boodiyo
Bog intii ku socota e
Baadlaha dabaashiyo
Shimbiruhu ma buubaan
Isha waxa ka bogan kara
Manaxaan birlab ahoo
Geesinnimo bareera e.
Afartaa baloolley
Weli baal kalaa furan
Haddii baabka maansada
Ruux lagu bokhraa jiro
Inta buug jacayl iyo
Xasuusaha aan baabiin
La baaxaadagaysoo
Boholyoogu gubaysoo
Ruuxa isu bixiyaan
Buun u tumi lahaayoo
Buuraha kalgacalka e
Samada u bidhaamiyo
Lagu beeray uduggaan
Ka balweyn lahaa
Marka jaantu booddo e
Saddexleeydu baabboco
Laguta bidix ku gooyso e
Dadka beerka nugul lihi
Bururaan dareenkaan
Bartankooda Dhool Bari
Billadda ugu toli laa
Inaan anigu bayree
Beerlaxow i qaadiyo
Baab sugan inuu yahay
Hal abuurka boqorkiyo
Beeldaajiyaad tahay
Sannadkaan bareeraye
Gaarriyoo bal baandhee
Dhool Bari middaan iri
Farta bidixna ii xiran.
Gabay - Cabdulqadir Xirsi Yamyam
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!