Ila Tali Walaal
Ila Tali: Walaalayaal waan idin salaamay dhamaantiin salaan kadib waxaan ahay gabar aan rumaysnayn jacaylka mana rumaysto nin kasta oo i dhaha waan ku jeclahay walaalayaal maxaa iigu wacan, waxaas iga jaahil bixiya arintaan.
Talo: Run ahaantii waa dhibaato in ay kaa luntay kalsoonidii ragga. Badanaa dumarka ama ragga ay kalsoonidu ka lunto waxa ay u baahan yihiin dad ballan looga baxay, haddii aad tahay dadkaas waxaad u baahan tahay inaad ogaatid in ay wali jiraan dad wan-wanaagsan oo u qalma in nolol lala qaybsado. Haddiise aad arrintaan isku aragtay oo aadan aqoon sababta waxaa haboon inaad la tashatid takhaatirta si ay kaaga caawiyaan waayo arrintaani waxa ay saamayn ku yeelan kartaa guurkaaga iyo mustaqbalkaaga.
Ila Tali: Saaxiib waxaan rabaa inaad ila talisid ee ka waran waxaan rabaa gabar cadaan inaan guursado lakiin waalidkay iima oggolo ee saxiib maxaan suubin karaa lakiin wali uma sheekin waalidkaay ee haddaan u sheego waxaan ogahay ineey ii diidayaan waayo waxay rabaan ineey igu daraan gabar aan ilma adeer nahay anigana ma rabo saaxiib ee bal ila taliya.
Talo: Waxaa haboon inaad dadka la tashatid inta aadan go\'aanka gaarin waayo waxaad noo sheegtay inaad rabtid inaad gabar cadaan ah guursatid, si kastaba arrintu ha ahaatee waxaad maskada ku haysaa inaadan marna isku heli doonin waalidkaa oo raalli kaa noqda iyo adiga oo gabar cadaan ah guursada. Adiga oo aan waxba samayn ayaad ogsoon tahahay in aan waalidkaa arrintaa aqbali doonin. Waxaad samayn kartaa inaad isbarbar dhigtid labada arrimood kadibna aad mid dooratid. Tan gabadha aad ilma adeerka tihiin waalidkaa waa u sheegi kartaa in aadan diyaar u ahayn, umana badna in ay adiga iyo waalidkaa dhib idin soo dhex-galiso.
Ila Tali: Waxaa jirta gabar aan aad u jeclahay oo reer Yurub ah aniga jecylkayga waa iga dhab balse gabadha aniga ima jecla oo waxay jeceshahay wiil kale ,markastana waxaan damcaa in aan u sheegto wayna ii cadaysay in ay wiilka kale jeceshahay maxaa igula talin la haydeen ma dilaa gabadhaas mase waan sixraa ,mase waan ka saaraa qalbiga walaalayaal sidee baa igula talin lahaadeen.
Talo: Haddii gabadha aad jeceshahay ay kuu sheegtay in ayan ku jeclayn isla markaasna aad aamisan tahay ina aad qalbigaaga ka saartid ma muuqato wax kalifaya inaad ku fakartid inaad gabadhaas dishid ama aad sixirtid. Sida aad adigu xaq ugu leedahay inaad jeclaatid qofkaad doonaysid ayaa gabadha aad jeceshahayna xaq ugu leedahayin ay jeclaato qofkii ay doonayso. Sidee ayaad ugu fakartay inaad dhibaato u gaysatid gabadhii aad jeclayd, soo ma ogid in hadaad dhibaato u gaysatid aadan waxba xallin ee aad dhibaatadii sii kordhisay.
Ila Tali: Walaal dhammaan waan idin salaamay, kadib walaal waxaan ahay gabadh dhalinyaro ah waxaana xiriirnay wiil dhalinyaro ah, anagoon isku meel joogin ayaan wada xiriirnay. kadib waxaan xiriir wadnaba waxaan go\'aan gaarnay inaan is guursano. Laakiin nasiibdaro anagoo qorshihii isguursiga ku jira ayaa waxuu ii sheegay inuu horay u guursaday laakiin uu xaaskii furay caruurna uu leeyahay, balse aniga waxba kama qabin waayo waa la guursadaa nin soo guursadayba. laakiin waxaa yimid layaab iyo is aaminaad la\'aan waayo intaan xiriiraynay oo dhan waxuu ii sheegaayey been taasoo u keeni karta lamaanayaasha in xiriirkii jabo break up. maalin maalmaha ka mida ayaa wuxuu iisheegay xaaskiisii uu lahaa waan furay iyo caruurtii oo ka imanaya meel kale isna uu rabo inuu soo fiiriyo. balse aniga waan shakiyey oo waxan waydiiyey inay naagtu guursatay kadib markuu furay iyo inkale. Balse si uu iigu jawaabo wuu garan waayey. kadib waxaan iri ilaa aan ogaado ma baxaysid ii sheeg kadib waxuu ii cadeeyey inuu naagta qabo oo uusan furin. La yaab wayn anigii waxaa aad ii cajabiyey beenta uu igu waday tan iyo intaan xiriiraynay marka walaalayaal ninkaas waan is jeclaanay jacayl xad dhaaf ah baan isu qaadnay laakiin markaan ogaaday inuusan daacad ahayn markaas aniga rajo iima aha inaan noloshayda ku baa bi\'i yaa, laakiin nasiib daro si aan qalbigayga uga saaro ayaa igu adkaatay jacaylkiisa. si kastaba ha ii rabee aniga ma rabo inaan wakhti dambe iskaga dhumiyo. marka walaalayaal ila taliya. maxaan sameeyaa? waxuu rabaa isagoo xaas leh inuu iguursadaa ana waan diiday waxuu iiga qariyeyna waxaa sabab u hayd inuu og yahay inaana jeclayn nin naag leh. mahadsanidiin walaalayaal.
Talo: Marar badan ayay dhacdaa in ragga qaarkood gabdhaha been u sheegaan kadib markay jacayl ku abuuraana ay runta u sheegaan, mana ahan wax wanaagsan. Adigu waxaad nasiib ku leedahay inaad waqti munaasab ah ogaatay. Maadama uu been sidaas u weyn kuu sheegay waa inaad ogaatid inuu yahay qof aan lagu kalsoonaan karin, haddii aad ogaatid in uu yahay qof aan lagu kalsoonaan karin waxa ay kugu caawin kartaa inaad maskadaada ka saartid. Ma sahalana inaad qof aad jeclaatay qalbigaaga ka saartid, waxaad u baahan tahay waqti aad si tar-tartiib ah aad isu ilowsid adiga oo yaraynaya hadalkii iyo kulankii idin dhex mari jiray. Waxaa mararka qaarkood dhacda in qofka aad is leedahay is illowsii aad sii jeclaatid, si aan taasi u dhicin waxaa quman inaad ku fakartid inaad xiriir kale bilowdid, adiga oo ka taxadaraya qofka labaad, dooranaya qof kuu qalmana, iskana ilaali inaad qof aan kuu qalmin xiriir la bilowdid si aad u badashid ninkii beenta kuu sheegay.
Ila Tali: Walaalayaal marka hore waxaad iga gudoontaa salaan, salaan kadib waxaan rabaa in layla taliyo:: waxaa jirta in aan wiil aad iyo aad u jecelahay isna uu i jecelyahay laakin dhib yar ayaa jirta waayo wiilkaan jecelahay ma kala jecla xaaraanta iyo xalaasha oo marwalba wuxuu doonaa in aan wax Alleh uunan ka raali ahayn in aanu samayno hadaanu ismaher san lahayna guur diyaar uma aha hadda , markaan wax yaabaha xaaraantaa ku diidana wuu iga tagayaa oo aad ayuu iga cadhoonayaa aniguna ma jecli in aanu dhayal ku kala tagno markaa dhibkaa ayaa na kala haysta ee walaalayaal bal ila taliya.
Talo: Waxaad ogaataa in qofkii wax xaaraan ah Ilaahay daraadiis isaga daaya in uu Ilaahay ugu badalayo wax ka khayr badan. Marna raalli ha ka noqon inaad qof bini aadan ah ku qancisid wax aan Ilaaahay raalli ka ahayn. Si kasta oo aad u jeceshahay qofka waxaa tixgalinta koowaad leh Ilaahay . Dadku waxa ay xiriir u sameeyaan in haddii ay isfahmaan ay isguursadaan, waxaa la yaab leh in wiilka aad isjeceshihiin isla markaasna uusan diyaar u ahayn guur. Waxaan talo ahaan kugu siinaynaa inaad ku adkaysatid mowqifkaaga ah inaadan wax aan Ilaahay raalli ka ahayn diyaar u ahayn. Haddii uu si dhab kuu jecel yahay waa uu tixgalinayaa mowqifkaaga, waana kugu ixtiraamayaa, raggu waa jecel yihiin gabdhaha dhawrsan. Badanaa dadka wax kala gaaraan iyaga oo aan isqabin waa daahaa guurkoodu.
Ila Tali: Asalaamu caleymum waraxmatulahi, ugu horreyn waa idin salaamay wallaalayaal. salaan ka dib waxaan doonayaa in aad igala talisaan xagga guurka. marka ugu horeysa ma jiraan wax xariir ah oo aan leeyahay ilaa iyo mudo 10 sano. labadi sano oo ugu danbeysay ayaan isku tax luujiyey in aan raadiyo tii aan guursan lahaa, mida aan la yaabo ayaa waxey tahay gabdhihi ayaad waxaad moodaa in ey ka helaan waxa la yiraahdo singal mather, waxa ey rabaan ma,ah guur ee waxey raadinayaan in ey helaan laba caruur ah dabadeedna ay dowlada lacag uga qaataan, anigana waxaan ka cararaayo waxaa ugu weyn naag intaan guursado hadana furo, ilaa iyo hadana ma hayo tii aan afka u kala qaadi lahaa, marmar ayaan waxaan is iraahdaa ninyahow maad iska guursatid kuwaan cad oo aad Muslin ka dhigatid hadana waan ka shakiyaa naagihii soomaaliyeed cabsi weyna waan ka qabaa dalkii hadaad tiraahdid waan ka keeneyaa waaba ay ka sii darantahay, mana jecli in aan jinsiyadeyda ka wareegto balse waxaa jirta waxyaabo danta kugu qasbeyso, hadii kuwii kugula jinsiyada ahaa aysan waxba kula garaneyn sow dhibaato ma aha, bal maxaad igula talin laheydeen.
Talo: Gabar walba waa ay doonaysaa in ay guursato haddii ay hesho nin u qalma. Dhibaatada aad sheegaysid waxaa sabab u ah waa iyada oo rag badan ay ka soo bixi waayeen shaqadii aabanimada, midda aan shaki ku jirin waa in haddii ay gabadhu hesho nin nolosha lala qaybsado ay doorbidayso in ay la noolaato inta nolsheeda ka hartay. Adiga waxaa lagaa baahan yahay inaad marka koowaad oo aad la kulantid gabar aad is tiraahdid nolosha waa lala qaybsan karaa inaad gabadhaas ku qancisid inaad tahay ninkii saxdii ahaa, markii aad isfahantaan ayaa waxaa imaanaya guurkii kadibna haddii Ilaahay awlaad idin siiyo awlaad ayaa imaanaysa. Adigu waxaad xoogga saartaa tilaabada koowaad oo ah inaad gabadha isfahantaan. Waa arrin wanaagsan inaadan doonayn inaad gabadhaad guursatid furtid. gabdho aad u fara badan ayaa doonaya in ay helaan nin u fakaraya sida aad u fakaraysid oo kale, lamana oron karo gabdhihii oo dhan ayaa ku fakaraya in ay ninka iska cayriyaan kadib markii ay 2 carruur ah isu dhalaan waayo waxaan maalin kasta aragnaa ama maqalnaa wax ka duwan sidaas. Haddii aad gabdhaha oo dhan ka shakisan tahay waxa ay keeni kartaa in aadan dumarka oo dhan isfahmin. Waxaan talo ahaan kugu biirinaynaa inaadan ka caajisin raadinta gabar Soomaaliyeed oo kuu qalanta.
Ila Tali: Asalaamu calaykum dhamaan walaaladayda muslimiinta ahoow.bacda salaan walaal waxaan idinka codsanayaa inaad ila talisaan sida karaankiina ah . walaalayaal waxaan ahay inan jirta 21, waxaan markii hore joogi jiray wadanka Somaliya. intii aan wadankaa joogay waxaan is baranay wiil oo aan aad isu jeclayn waxaan wada sheekaysanaynay in mudo ah oo ku dhaw sanad iyo badh.kadib waxaan soo galay wadamada yurub mid kamid ah inankii aad buu iila soo xidhiidhi jiray ilaa labo sano oo danbe. markii aan joogay wadankan ilaa 4sano ayaan waxaan is baranay wiil oo aan iska baranay internetka wiilkii aan iska baranay netka waan is araganay runtii aad baan ugu qancay isna aad buu iigu qancay balse wiilkii hore wuxuu ahaa wadaad kan laakiin ma aha wadaad aan axdiga la galay wuu iga fog yahay mana soo ka xaynkaro dhibaatada jirta waa taa. wiilkii aan isbaranay ee jooga wadan kayga ayaa wuxuu igu dhiiri galinayaa inaan isaga guursado oo aan soomaliya isla qabano ana waxaan ka baqayaa kii hore nabsigiisii inuu igu dhaco runtii kan halkan jooga waan jeclaaday si walba laakiin waxaan samayeeyo ma garanaayo sidaan kaa kalana u qanciyo ma garanaayo oo intaasoo mudo aan wada soconay.markaa walaalyaal mala guursan karaa qof laga bartay netka ma ceebaana? maxaan sameeyaana labadooda kee baan raacaa.. fadlan ila taliya idinkaan war idinka sugayaa.
Talo: Waxaad noo sheegtay inaad wiil somaliya jooga isjecclaydeen hadana aad isjecshihiin wiil aad isku meel joogtaan, taas oo macneheedu yahay inaad wiilkii hore ku badashay wiilkaan danbe isla markaas waxaad ka baqaysaa in nabsi kugu dhaco. Waxaa haboon in intaan qofku xiriir cusub bilaabin uu xiriirkii hore soo gababgabeeyo. Waxaan talo ahaan kuu soo jeedinaynaa inaad wiilka Somaliya jooga la xiriirtid oo aad u sheegtid duruufta jirta iyo in ayan suurto gal ahayn inaad soo dhoofisid kadibna aad isagana dhagaysatid sida uu u arko, haddii ay jirto fursad aad isugu imaan kartaan aad ku dadaashid sidii aad isugu imaan lahaydeen, haddiise aan wax fursad ahi jirin aad u sheegtid inaad xiriirkiinii soo gabagabaysaan idinka oo aan wax xumaan ah isu qabin. markii aad wiilkaas meel ku hubsatid ayaad u soo jeensan kartaa wiilkaan, haddii aadan sidaan samayn waxaad ku jiraysaa walwal iyo inaadan marna go\'aan gaarin. Tan ah ma ceebaa in la guursado nin netka laga bartay? Waa la guursan karaa mana jirto wax diidaya markii laga fiiriyo dhinaca diinta iyo dhinaca dhaqankaba. Qofka meeshaad ku baratay waxaa ka muhiimsan sida aad isula dhaqantaan markaad isbarataan kadib.
Ila Tali: Waxaan ahay wiil somaliyeed oo ku nool dalka kenya waxaan jeclahay gabar soomaliyeed oo aan is ku xafad nahay waana u sheegtay waxa ayna iga balan qaaday in ay wax ila qabaneyso laakiin aniga ahaan ma ku qanacsine sida ay wax iila wado oo waxa ay igu wadaa rag iyo balan ku been .sidee yelee ila taliya si dagdag ah iiga soo jawaaba.
Talo: Waxaa haboon in aadan dagdegin ee aad hubsatid in gabadhu wax kula wado iyo inkale. Haddii aad hubsatid in ayan wax kula wadin waqti badan ha isaga dhumin ee ka tasho. In ay wax kula wado iyo in kale adiga kaliya ayaa fahmi kara waayo adiga ayaa la hadla oo la kulma.
Ila Tali: Asalmu Alaykum all, Waxaan ahay Gabar Somaliyeed, kuna nool dalka USA, waxna barata. Walaal waxaan la socdaa wiil Somali ah oo jamacad ka barta magaalo ka tirsan State ka aan dagnahay joogo, wiilka waxaan ka dareemay in uu i jecel
yahay..marka dhibaato jirto waxa ay tahay in uu wax walibo iigu yiraahdo oo uu
igala sheekaysto ana ma jacli waxaasi maxaa yeelay i\'m just saxibadiisa not his
wife, marka marmarka qarkood waxaan is irahadaa muxuu wuxuu doono kala hadlayaa,
marka walalyaal i\'m confused inuu hadalkiisa uu jaceyl ula jeedo iyo in kale
even haduu jaceyl ula jeedo xaligeeda buu igu oran karaa soo maha. Marka ila
taliya bal waxa uu ula in uu igala shakeysto waxa uu doono. I know he respected
me much but i\'m confused in dadka is jecli ay wax walba ka wada sheekaystaan iyo
in kale
Talo: Qof kasta oo qof la sheekaysta waxa uu kala kulmaa waxyaalo uusan jeclayn, waxyaalahaas ayaa u qaybsama kuwo qofka loogu dulqaadan karo iyo kuwo aan loogu dulqaadan karin. Waa runtaa in ay quman tahay in marka la hadlayo lagu fakaro in oraahdu munaasab tahay iyo inaad qofkaad la hadlaysid garanaysid waxa munaasabka ah in lagala hadlo. Waxaa dhici karta in wiilka aad la sheekaysatid uu sidaas u dhashay oo ay adag tahay in wax laga badalo ama ay ka tahay in uu ku dareensiiyo kalsoonida uu kugu qabo. Waxaa quman inaad u sheegtid mowduucyada aadan jeclayn in laga hadlo isla markaasna aad ugu dulqaatid kuwa aad ka dhagaysan kartid. Waxaa kale oo dhici karta in uu doonayo in aad adiguna ka hadashid arrimahaas.
Ila Tali: Salaan qaali ah dhamaan dadka soo booqda bogan Ila tali. walalayaal aniga hadaan isku kiin sheego waxaan ahay gabadh hadda galaysa 19 jir, ku nool qurbaha. Waxaan is jecelnahay wiil muslim ah u dhashay Afrika. run ahantii adduunka cid kale ma rabo kuma doorsanayo su\'aasha haddaba aan Jawabta u la\' ahay waa hada wiilka u sheego familkayga oo somalia jooga waxan ogahay inayna iga aqbalayn anigana waxan naftayda xaraanta ka ilaa linayay 19 sano! anigan naftayda waxaan la doonayaa inaan waxan rabo la sameeyo will ii xalaal ah haddan waxan suagayay 6 bilood maxaan sameya ma garanayo, ma waxaan doona iskala sameya mise waxaan gursadaa wiilka iyadoonan cidna aan u sheegin? Ii soo duceya in Ilaahay naftayda xaran taka ilaaliyo!
Talo: Waa arrin wanaagsan inaad ku fakaraysid inaad xaaraanta iska ilaalisid. Waxaa haboonayd inaad dadka la tashatid adiga oo aan go\'aan gaarin waayo waxaad noo sheegtay in aad cid kale doonayn. Waxaad kale oo ogaataa in ay jiraan xalal kale oo aan la oran karin ama hebel ayaan guursanayaa ama xaaraan ayaan ku dhacayaa. Qofka aad dooratay haddii uu yahay qof Muslim ah oo ku dhaqmaya diinta Islaamka waxaad isku dayi kartaa inaad waaridkaa ka dhaadhicisid, haddii ay kuu diidaan waxaad la tashan kartaa culumada Muslimiinta ah.
Ila Tali: Asalamucalykum waraxmatulaahi wabarakaatu.Walaal yaal waxaan ahay wiil Somaliyeed oo ku nool qurbaha, isla markaana wax barta oo shaqaysta.Walaalayaal waxaan isla soconay gabar somaliyeed ilaa mudo ku dhowaad labo sano. Marka gabadhaa aya walidkeeda siiyeen wiil oo ay qaraabo yihiin, ana cideeda ima oga in aan gabadhii isla socono, iyadana imay sheegin in la bixiyay,ana aad iyo aad baan u jaclahay gabadha, iyaduna sidoo kale. Marka goor dhow bay ii sheegtay, ilaa iyo hada iyada ayaa ii cad, ana cidayda gabar bay i siyeen oo niyadna uma haayo ee fadlan ila tali,talo waa tii Rabiyee.mahadsanidiin
Talo: Waxaa haboon inaad adiga iyo gabadhu ka tashataan arrimahaan idin ku soo siyaaday kadibna aad go\'aan adag oo wada jir ah ka gaartaan. Adiga mowqifkaagu waa cad yahay oo waxaad noo sheegtay inaadan niyad u hayn gabadha lagu siiyay, gabadha mowqifkeeda nooma aadan sheegin marka haddii ay doonayso in ay guursato wiilka lagu daray waxaan talo ahaan kuugu soo jeedinaynaa inaad iska fasaxdid haddiise ay kuu sheegto in ayan doonayn ninka lagu daray arrintiinu waa sahal oo waalidkiin ayaad u sheegaysaan in aydnaan diyaar u ahayn fikradda ay idiin soo jeediyeen idinka oo ku dadaalaya inaad waalidkiin qancisaan oo aydnaan ka xanaajin waayo xaq weyn ayay idin ku leeyihiin.
Ila Tali: Asalaama caleykum dhamaantiin. marka labaad walaayaaal waxaan ahay wiil soomaaliyeed mideeda kale waxaan rabaa inaad igala talisaan arrin i heysata oo aan u waayey xal bal sidey idinla tahayne igula taliya. 94ki ayaa waalidiinteyda igu dareen gabar aan qaraabo nahay oo aan aqoon fiican isku laheyn markaan is guursaneyney muddo 3sano iyo bar ka dib waxaan soo aadey dibada anigoo u soo kicitamey dalka Russia aya hadana waxaa si wanaagsan igula dhaqantey gabadh kale oo igu ogeyd inaan xaas leeyahay iyadoo marki dambe iga codsatey inaan wax la qabto kadib ileyn calaf waa kii alle wateye waxey sheekadii isku bedeshay inaan is guursano anigoon aan ku qanacsaneyn guurkayga labaad sababtoo ah ma ahayn qofaan ka helay laakin waxey noqotey xaaskeyga weliba iyadoo iga soo kaxeysay dalka aan markaa joogey oo hada waxaan joogaa Toronto waxaan dhawaan is baraney gabadh oo sida runta ah aan aad iyo aad uga helay qurux iyo dabecad iyo waxyaabo aan la soo koobi karin illaah ku maneystey waxaaadna moodaa inaan si ugu indha taagayo midaan sedexaad waxaana is leeyahay waxaad tahay ninaan xishood iyo dadnimo laheyn mana iga aha isku bedel dumar iyo wax kaleba laakin waxaan aaminey iney tahay midan sedexaad midii aan ku soo gunaanadi lahaa nolosheyda iyadana aad iyo aad ayey igala sheekeysataa xag walba iyadoo xataa marar badan igu soo sheeko qaadey hadaan xag guur damac igaga jiro ineysan jirin wax iga xiraya laakin ma aqaan waxaan suubiyo. Marka walaalayaal adinkoon ii arkin nin qaldan bal si quman igula taliya waxaan suubin lahaa tii horena waan qabaa weli ooma ma furi karo tan labaadna waa tii nolosheyda kaalin lixaad leh wax ugu qabatey tan sedexaadna waa tii aan adduunka intaan joogey ka jeclaadey marka walaalayaal ila taliya oo mar labaad yaan ley arkin nin qalafsan, da\'deyduna waa 26 jir, marka iiga soo jawaaba si deg deg ah adinkoo ku mahadsan.
Talo: Waxaa haboon inaadan naftaada kaliya ka fakarin. Marka u horaysa inta aadan wax kale samayn waxaan kugula talinaynaa inaad gabadhii aad qaraabada ahaydeen ee lagugu daray aad inta haddii ay kuu suurto galayso u tagtid aad raalli galisid kadibna aad iska furtid maadaama aadan diyaar u ahayn inaad dhaqatid, haddii aadan u tagi karina aad wixii aad dhaqaale u awoodid u dirtid kadibna aad u sheegtid inaadan diyaar u ahayn inaad dhaqatid, waxaan sidaas kuu leenahay labada qof in ay isqabaan ama ayan isqabin wax ka dhexeeya ma jiraan. Marna ha ku fakarin in ay suurto gal ahaato inaad yeelatid xaas aad jeceshahay, mid dhinaca dhaqaalaha kaa caawisay oo aadan jeclayn iyo gabar aad qaraabo tihiin oo aadan niyad u hayn isla markaasna aadan furin karin. Waxaa muuqata in laba dhibaato ku haysato, midda koowaad waa inaad adiga oo xaas leh u dhaqantid sidii qof aan xaas lahayn oo kale, taas waxaa ku tusaya sida aad adiga oo laba xaas leh aad gabar kale isu jeclaateen. Dhibaatada labaad oo ku haysata waa xagga go\'aan qaadashada waayo marwalba waxaad qaadaysaa tilaabo adiga oo aan ku fakarin xaaladda aad markaas ku jirtid. Anaga oo qadarinayna jacaylka ku haya ayaa hadana waxaa nagu adag inaan kugula talino inaad jacaylkaaga daacad u noqotid. Waxaan kugula talinaynaa inaad xaaskaaga dhaqatid adiga oo tixgalinaya duruuftii ay kaa caawisay iyo in ayan jirin wax dhibaato ah oo aad ka sheeganaysid.
Wixii su\'aalo ah ama talooyin ku soo hagaaji magazine@somalinet.com