Dadka Soomaalida oo ah Muslim ayaa markay soo galeen waddamada reer galbeedka waxaa ka hor imaaday dhaqan diin iyo sharciyo ka duwan kuwii ay kusoo koreen ama ay ka dhaxleen waaridkood. Hadaba ayadoo ay dadkan Muslimiinta ahi laga sugayo inay ku dhaqmaan sharciyada diinta Islaamka ayaa hadana waxaa khasab ku ah inay u hogaansamaan sharciyada ay dhigteen umadda ay ku hoos noolyihiin.
Waddanka Maraykanka oo ay kumanaan kun oo Soomaali ah ay usoo qexeen dagaalka Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay kadib, ayaa waddanka badankiisa (30 state) waxaa mamnuuc ka ah inay is guursadaan dadka lagu magacaabo first cousins (ilma adeer, ilma abti iyo ilma habreed/habarwadaag). Arinkan ayaa dad badan oo dhaqan iyo diin ahaanba is aroosi kari lahaa wuxuu ku noqday.
State-yada Maraykanka ayaa mid waliba masuul ka yahay sharciyada guurka, sidaa daraadeed arinkani maaha mid la oran karo ilma adeerta maraykanka ku nooli isma guursan karan ama way isguursan karaan. Waxaa laga yaabaa State-ka aad ku nooshahay inay mamnuuc ka tahay laakiin mid
Suaasha is weydiinta mudani waa maxaa loogu diiday inay dadkani isguursadaan? Sharciyada laga isticmaalo waddamada reer galbeedka ayaa u badan laba lagu kala magacaabo Biblical Model oo kasoo jeeda diinta kirishtaanka, iyo Western Model oo ka soo jeeda sharciyo ay degsadeen umadda reer galbeedka kuna salaysan dhaqankooda.
Sharciyada ku salaysan diinta Kirishtanka Biblical Model oo laga isticmaalo inta badan State-yada bariga ee Maraykanka ayaa wuxuu k asoo jeedaa kaniisadii Ingiriiska Church of Egland taasoo goyn jirtey sharciyada ay ku nool yihiin dadka hoos imaada. Sharciyada laga soo qaatay kaniisadan ayaa waxaa mamnuuc ah inay is aroosaan dadka kor ku xusan iyo qaraabada aad u dhow oo Islaamkuba oggolayn sida gabar iyo hooyadeed ninka qaba, iwm. State-yada Maraykanka badankooda ayaa ku dhaqma hab ka duwan kan kaniisada laga soo gaaray, Western Model ayaa wuxuu isna diidan yahay is guursiga dadka first cousins in kastoo sababta ay u diideen aanay lug ku lahayn wax diin ah. Sababta uu habkani ay u diidey arooska dadkan ayaa ah mid la xiriirta dhaqanka iyo bulshada. Kuwo kalana labada hab waa laga isticmaalaa halka qaar aad u yar ay ogolyihiin inay cid walba is aroosi karto marka laga reebo dad wada dhashay.
Culumada caafimaadka ku takhasusay ayaa arinkan ku kala jaban. Waxaa jirtey in cilmibaarisyo xagga caafimaadka ah oo mar hore la sameeyey ay ka dayriyeen guurka dadka aadka isugu dhow, iyagoo sheegay in dadka ay dhaleen dadka isku dhow ay khatar u yihiin cuduro ay ka badbaadaan dadka ay iska dhaleen laba qof oo kala fog. Laakiin cilmi baarisyo ayaantan danbe la sameeyey ayaa si ka duwan u turjumay dhibaatada ka imaan karta caruurta ay dhaleen ilma adeerta, iwm. Jaamacada Stanford University iyo National Society of Genetic Counselors ayaa waxay warbixin ka diyaariyeen arrinkan kadib markay laba sano cilmi baaris qaadatay ku sameeyeen Ameerikada waqooyi, Afrika, Aasiya iyo Bariga dhexe. Khubarada samaysay cilmi baaristan dheer isla markaana diyaarisay warbixinta ayaa sheegtay in aanay dhibaato caafimaad oo laga welewelo ka imaan Karin guurka dadka isu dhow. Waxay tusaale ka dhigeen in jaaniska ilmaha ay dhalaan inuu cudur ku dhasho uu yahay 7% halka dadka ilmaha ay iska dhalaan dadka kale uu yahay 5%. Culumadan ayaa sheegay in dhakhaatiirta iyo dadka kale oo la taliya dadka isguursanaya inay dadka u sheegaan inay dhibaato ku jirin guurka dadka isku dhow ee ay kala dhaleen laba walaalo ah. Waxaa jirta in 20% guurka adduunku uu dhex maray dad ay kala dhaleen laba walaalo ah uuna caan ka yahay dunida islaamka iyo meelo badan oo aduunka ka mid ah.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!